MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY GUDDIGA WAALIDIINTA CIIDANKA TABABARKA KU QAATAY ERETERIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY GUDDIGA WAALIDIINTA CIIDANKA TABABARKA KU QAATAY ERETERIYA

May be an image of 4 people, people sitting and indoor

Muqdisho, Jannaayo 27, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku qaatay Dalka Ereteriya.

May be an image of 3 people, people standing, people sitting, headscarf and indoor

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan, isla marka ay soo dhameystaan tababarooda si ay u gutaan waajibka qaran ee sida geesinnimada leh iyo dal-jacaylka ay u qaadeen.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta u xaqiijiyay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda.

Dhankooda, waalidka uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu u fuliyay balanqaadkiisii, taas oo daweysay tabashada iyo walwalka ay qabeen, waxa ayna muujiyeen faraxaddooda ku aaddan in ubadkoodu ay ka qeyb-qaadan doonaan halganka dalka lagga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay dilka Bilaal al-Sudani

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay dilka Bilaal al-Sudani

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dileen hoggaamiye sare iyo xubno kale oo ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, kadib hawlgal ay ka fuliyeen buuraha Cal-Miskaad ee ku yaalla mamaul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro Bilaal-al-Sudani oo ah, hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in Al-Sudani ay la dhinten toban kale, inkastoo Maraykanku uu doonayey inuu qabto, balse ay maleeshiyaadka la joogay falcelis sameeyeen.

Halwgalkan ayaa Maraykanku sheegay inaanay waxba ku noqonin ciidamada Maraykanka. Maraykanku waxay sheegeen inay fulinta howlgalkan ku wargeiyeen dawladda Soomaaliya.

Haddaba jawaabta dawladda Soomaaliya ayaa Haaruun Macruuf ka waraystay Xuseen Sheekh Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee dawladda Soomaaliya oo uu kula kulmay magaaladan Washington DC.

Wafdi ka socda Hey’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Qadar oo gaaray Kismaayo

Wafdi ka socda Hey’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Qadar oo gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Abdulle iyo xunmo kale oo ka socday Hay’adda Qatar charity iyo sanduuqa horumarinta Dowlada Qatar ayaa Gaaray Magaalada Kismaayo oo xarun u ah Dowlad Goboleedka  Jubbaland.

Mas’uuliyiintaasi ka socday Dowladda Federaalka iyo Dalka Qadar,waxaa magaaladaasi ku soo dhoweeyay Wasiiro katirsan Maamul Jubbland.

Dhinacyadaasi ayaa si wadajir ah Magaalada Kismayo Kaga daahfuri doono mashuruuc gargaar raashin ah lagu gaarsiin doono 46,000 oo Qoys oo dalka gudahiisa ah.

Dowlada Qatar ayaa kamid ah dalalka Carabta ee sida weyn taageerada ugu fidiya dadka Soomaaliyeed ee la daalaa-dhacaya waxyeelada abaaraha ee ka jira dalka Soomaaliya.

Maraykanka oo sheegay inay dileen hoggaamiyihii Daacish ee Soomaaliya

Maraykanka oo sheegay inay dileen hoggaamiyihii Daacish ee Soomaaliya

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dileen hoggaamiye sare iyo xubno kale oo ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, ka dib hawlgal ay ka fuliyeen woqooyiga Soomaaliya. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro Bilaal-al-Sudani oo ah, hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

“Bishan January 25-keedii ayaa amar ka yimid Madaxweynaha, wuxuu milateriga Maraykanku uu hawlgallo gaar ah ka fuliyey Soomaaliya, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, oo uu ku jiro Bilaal-al-Sudani, oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, ahaana fududeeye muhiim ah oo ka tirsan shabakadda caalamiga ah ee Daacish” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed uu soo saaray wasiirka difaaca ee Maraykanka Lloyd J. Austin III.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in al-Sudani uu ka masuul ahaa kobcinta iyo joogitaanka sii kordhaya ee ururka Daahish ee qaaradda Afrika iyo weliba maalgelinta hawlgallada kooxda ee adduunka oo dhan, oo ay ku jirto Afghanistan.

“Tallaabadani waxay kor u qaadaysa ammaanka iyo bedqabka Maraykanka iyo saaxiibadiisa, waxayna ka tarjumaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan Maraykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo debeddaba.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Maraykanka.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegtay inaanay jirin dad rayid ah oo wax ku noqday hawlgalkan. Waxayna u mahadceliyeen laamaha ammaanka ee Maraykanka, kuwa sirdoonka iyo saaxiibada Maraykanka ee ka taageeray hawlgalkan guulaystay.

Talo soo jeedin

Labadii jeer ee Beelweynta Dhulbahante ku dhawaaqeen maamulladii SSC iyo Khaatumo ee kala dambbeeyey ,waxa jirey khaladaad farsamo.Labada jeerba iyadoon degaankii la xorayn ama gacanta lagu dhigin baa la bilaabay dhisme dawladeed iyo maamul.

Arrimahaasi waxay keeneen tabashooyin iyo waxkala tirsi dhexdiinna ah.

Tabashooyinkaas iyo faragelintii maamullada hareeraha baa dhabarjab ku noqotay inay hirgalaan nidaamyadii Khaatumo iyo SSC.Waxa la yiri: Qofka muslinka ah laba jeer god lagama wada qaniino.Maanta ,Waxan dhulbahante kula talinayaa inay qaladaadkaas hore u dhacay ka taxadiraan:

1-Waa inaad awooddiina saartaan sidaad degaannada SSC uga xorayn lahaydeen Maamulka Somaliland ama SNM.

2-Waa inaydaan ku degdegin dhisme maamul inta degaanku xoroobayo guud ahaan.

3-Hadday qorshaha idiinku jirto inaad beelo ama degaanno kale maamul la wadaagtaan ( sida reer Maakhir iwm) waa inaad xidhiidh la samaysaan intaydaan dawlad -goboleed dhisin.

Waxan si tolnnimo leh idiinku bogaadinayaa, midnnimada iyo wadajirka aad ku talaabsateenWixii rag u kaco, Rabbina aqbalo waa rumoobaan.Intaas baan kusoo koobayaa, markan.

Waxa qoray :Maxamuud Xasan Hidiidaa ( Eng. Qawaacid), oo ka mid ah aqonyahanada beesha Warsangeli, oo haddii labada beelood ay maamul wada samaysanayaan ka mid noqon doona ama hogaamin doona ergada ka socota beesha Warsangeli