Maleeshiyaadka SNM Waxay cuneen buunshihii iyo galaydii aan nirgaha u karinay

Maleeshiyaadka SNM Waxay cuneen buunshihii iyo galaydii aan nirgaha u karinay
Hoos ka daawo sida arcxan darada ah ee maamulka SNM ay hantidii Laascaanod ay dabka u saareen
Booliiska UK oo shaaciyay xog ku saabsan wiil Soomaali ah oo toorrey lagu dilay
Wiil dhalinyaro ah oo dilay arday Soomali ah oo uusan waligiis horay ula kulmin ayaa lagu helay loona xukumay dembi xakow goyn ah.
Axmednuur Nuur oo 16 jir ahaa, ayaa waxaa dhabarka toorrey kaga dhuftay Justice Will-Mamah, xilli uu ka baxsanayay rabshado ka socday agagaarka Kuliyadda Milton Keynes.
Will-Mamah ayaa ku lug yeeshay dagaal dhexmaray isaga iyo qaar ka mid ah saaxiibbada Nuur, maxkamadda Luton Crown ayaa sidaas sheegtay, iyada oo dhibbanaha lagu tilmaamay “qofka loo dilay dagaal aanu ku jirin”.
Gacan ku dhiiglaha Bletchley oo 19 jir ah, ayaa lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah.
Waxaa lagu xukumay in uu geystay dil bareer ah, kadib markii lagu waayay dacwadda dil qorsheysan ahayd.
Kadib xukunkii sanadkii hore, qoyska Axmednuur ayaa BBC-da u sheegay in ay ku nool yihiin riyo qarow ah, iyadoo walaashii ay sheegtay: “Wuxuu sameeyay wax kasta oo uu awoodo si uusan waligiis muran u dhex galin.”
Axmednuur, oo ah arday dhigta Dugsiga Sare ee Walton, iyo saaxiibkii waxa ay aadeen fasalka waqtiga qadada 11kii Febraayo 2022 saaxiibbadiisna waxa ay ku lug yeesheen dagaal ay la galeen Will-Mamah.
Maxkamadda ayaa loo sheegay in markii dhulka la dhigay uu Will-Mamah la soo laabtay mindi uu ka qaatay wiil kale.
Eedeysanaha oo tagay Dugsiga Katooliga ee St Paul, ayaa waxaa foodda looga dhuftay Jeex shub ah, waxaana dhacdadan duubtay Kaamirada CCTV ee dadka deegaanka oo daba socday Kooxda.
Axmednuur oo qofka dhagaxa tuuray aan ahayn ayaa goobta ka cararay kadib markii uu dagaalku bilowday, waxaana la sheegay in dhanka bidix ee dhabarka looga dhuftay toorrida, kadibna uu dhacay saasna ku dhintay.
Dacwad oogaha Jane Osborne KC ayaa sheegtay in sababta loo dilay aysan caddeyn iyo in Will-Mamah uu ahaa qofka kaliya ee hubeysnaa.
Gabar ayaa ku tilmaamtay Axmednuur inuu ahaa qofka ugu nuglaa dagaalka markii kooxdu ay carartay ka dib markii mindida ay arkeen, waxayna sheegtay inuu ahaa qofka kali ah ee aan wajigiisa qarin.
Si looga yareeyo ciqaabta, Lewis Power KC waxa uu sheegay in Will-Mamah, oo dammaanad bilayska ku jiray wakhtigii dilka, uu “si dhab ah u qoomameeyey oo uu ka xumaaday”.
Garsoore Lynn Tayton KC ayaa Will-Mamah u sheegtay: “Qoyska Axmednuur Nuur waxay u yimaadeen Boqortooyada Ingiriiska si ay uga baxsadaan rabshadaha ka socda Soomaaliya oo ay u helaan meel ammaan ah oo ay ku noolaadaan.
“Hadda waxaa jira kala-guur xagga nolosha ah oo qoyska oo dhan ah, waxaa dhaawac ku reebay waxa aad sameysay.
“Ma jiro xukun aan ku soo rogi karo oo ka yareyn kara dhibkooda, waxaan si weyn ula socdaa inay la noolaadaan geerida Axmednuur inta noloshooda ka dhiman.
“Dhimashadiisu waxay ahayd mid naxdin leh oo soo gaartay qoyskiisa.”
Waxanu nahay Dadkii ka soo jeednaa Digil iyo Mirifle ee beesha Isaaq kal hore ka raaftay Laascaanood maantaana ku soo noqday
Aqalka Hoose ee baarlamanka ayaa maanta ansixiyey sharciga diiwaan-gelinta aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed kadib doodo iyo marxalado kala duwan, oo uu soo maray.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kismaayo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha ayaa u kuur-galaya xaaladda deegaannada Jubbaland, isagoo mudnaan siinaya dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in argagixisada Alshabaab laga saaro deegaannada ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Kismaayo waxa uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka.
LAASCAANOOD: Burbur xoogan oo ka dhacay Duqaymo lala eegta Cusbitaalka guud ee magaalada,
Ciidamada Hiil Harti ee Sanaag iyo Mudug ayaa guulo badan kadib Laascaanood Gudaha u galay
Dawladda Maraykanka ayaa abaal marin lacageed oo gaadhaysa shan milyan oo dollar dul dhigtay madaxa Cali Mohamed Raage, oo ah afhayeenka ururka al-Shabaab.
Qoraal ka soo baxay barnaamijka abaalmarinta cadaaladda ee wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in lacagtan abaalmarinta ah ay siin doonaan ciddi macluumaad ka keenta shakhsiga ay raadinayaan.
Ali Mohamed Raage oo ku magac dheer Cali Dheere ayaa laga soo bilaabo bishii May ee sannadkii 2009 wuxuu ahaa afhayeenka ururka al-Shabab.
Dawladda Maraykanka ayaa bishii August ee sannadkii 2021, waxay Cali Dheere ku dartay liiska shakhsiyaadka argagixisada caalamiga ah ee la baadigoobayo.
“Go’aankaas iyo tallaabooyin kale oo la qaaday waxay keeneen in la xayiro hantidiisa iyo danaha kale ee uu leeyahay, iyada oo la soo bandhigayo cid kasta oo macaamil maaliyadeed la yeelata Raage” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay dawladda Maraykanka.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii February 18-keedii ee sannadkii 2022 waxay cunaqabatayn ku soo rogeen Cali Dheere, iyaga oo raacaya qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2093 ee soo baxay sannadkii 2013.
Qaraarkan ayaa ku waajibinaya dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay Cali Dheere ku soo rogaan cunaqabatayn dhinaca hubka ah, iyo weliba wax kasta oo la xidhiidha tababarada, taageerada maaliyadeed, dhinaca socdaalka, iyo in la xayiro hantida Cali Dheere.
Dowladda Soomaaliya oo saanad ciidan kala wareegtay Maraykanka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saabad ciidan oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee Al-shabaab.
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa saanadda ciidan kala wareegay , Mr; Tim Trenkle oo ah sii hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.
Mudane Jaamac ayaa dowladda Maraykanka ugu mahadceliyay taageerada hagar la’aaneed ee ay u fidiyeen Ciidanka xoogga dalka, xilli xasaasi ah oo ay dowladda iyo shacabkuba ku jiraan dagaal ka dhan ah khawaarijta.
Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa taageeradan saanadda Ciidan ah ku tilmaamay mid muhiim u ah la dagaallanka khawaarijta.
Taliyaha ayaa xusay in taageerada Maraykanku aysan ahayn saanaddan ay maanta keeneen oo keliya balse ay dhiiggooda iyo naftooda u hureen dagaalka lagula jiro Khawaarijta.