Guddiga Kheyraadka Badda ee Golaha Shacabka oo la kulmay Wasiirka Kalluumeysiga

Guddiga Kheyraadka Badda ee Golaha Shacabka oo la kulmay Wasiirka Kalluumeysiga

Guddiga Beeraha, Horumarinta reer Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka badda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan.

Kulanka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed, waxaa kulanka loogu hadlay hindise sharciyeedka Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed oo hada uu gacanta ku hayo guddiga.

Xubnaha guddiga ayaa wax ku daris iyo toosin ku sameeyay “Hindise sharciyeedka Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed” oo maray akhrinta 1aad.

Dowladda Soomaaliya oo deeq lacag ah ku wareejisay Dowladda Turkiga

Dowladda Soomaaliya oo deeq lacag ah ku wareejisay Dowladda Turkiga 

Dowladda Soomaaliya oo maanta wareejisay 5-malyan Doollar oo ay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga qeb qaadanayaan u gurmashada walaalaha Turkiga oo uu dhawaan dalkoodu ka dhacay dhul gariir qasaaro geystay.

Munaasabadda lacgta lagu wareejinayay oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka Qaranka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu kamid ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baalmanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ,Xildhibaanno ,xubnno ka tirasan golaha Wasiiradda iyo wakiila ka socday Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal ka jeediyay goobta, ayaa ku dheraada kaalinta walaalnimo ee dowladda iyo shacbka Turkiga ay ka qateen u gurmashadda dadka Soomaaliyeed “Abaalka uu Turkigu ku leeyahay dadka Soomaaliyeed waxaa sabab u ahaa Madaxweyne Erdugan.” Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe

Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre,ayaa ugu horreyn u mahadceliyay guddiga gurmadka walaaha turkiga iyo dhammaan shacabka Soomaaaliyeed oo ka jawaabay baqii Dowladda ee ah ka qebqaadasha sidii loogu gurman lahaa dhibatadii ka dhalatay dhul gariir ku dhuftay dalka Turkiga oo dad fara-badan ay ku dhinteen waxa u sheegay in dhibaatadasi  shacbka soomaaliyeed ay bartay in ay ka qeyb qaadan karaan wax kasata oo ay u midoobaan.

“Dhibaatada Turkiga ka dhacday waxaan ka baranay in dadka Soomaaliyeed ay qaban karaan wax kasta oo ay u midoobaan.”sidaa ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Wasiirka Wasaaradda Arrimha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalim  Fiqi ayaa yiri “$4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira ayaan ka uruurinay umadda Soomaaliyeed, 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay, si gurmadka walaalaheen Turkiga aan ugu qeyb qaadano.”

Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Cabdikariin Gabeyre oo ku hadlayay afka ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay kaalin weyn ka qateen howlaha gurmadka ayna sii wadi doonaan inta la soo dhameystirayo gurmadka socda.

“Maanta waxaan si hordhac ah u wareejinaynaa taakulo aan uga qeyb qaadaneyno gurmadka walaalaheen reer Turki, waana sii wadi doonaa.” ayuu yiri Cabdikariin Gabeyre.

DAWLADDA INGIRIISKA OO JOOJISAY TAAGEERADII AY SIIN JIRTAY maleeshiyaadka SNM

Warqad ka soo baxday xafiiska Ingiriisa ee Hargeysa, kuna socotay Wasiirka Difaaca Somaliland ayaa loogu sheegay maamulka Somaliland in dhaqaale xumo soo wajahay dawladda Ingiriiska darteed la joojiyey caawimadii ciidamada ayna ku egtahay 31 bishaan Maarso 2023.Warqadda ayaa sidoo kale lagu caddeeyey in bannaanbaxyadii Laascaanood ay ciidamada Somaliland muujiyeen in aysan ahayn kuwo daahfuran oo shacabku aamini karo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Doxa kaga qeyb-galaya Shirka Qaramada Midoobay ee dalalka soo koraya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Doxa kaga qeyb-galaya Shirka Qaramada Midoobay ee dalalka soo koraya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shirka ay hoggaaminayso Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ka qeyb galayaan Madasha 5-aad ee dalalka soo koraya, waxa ay kulammo la qaadan doonaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya madashan, si loo xoojiyo danaha iskaashi ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagaya xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar, isagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.