Waxa la baafinayaa: Yuusuf Cismaan Bootaan Saalax oo maanta oo Arbaca ah oo taariikhdu ay tahay 5tii bishii Maarso 2025-dii ay noogu war danbeysey isagoo markaa ka soo baxay gurigooda oo ku yaal degmada Koodbuur, gaar ahaan magaalo Obsiiye, ee magaalada Hargaysa. Ilaa haddan na aan la hayn raq iyo ruux toona.
Yuusuf Cismaan Bootaan, oo da’diisu tahay 50 jir, oo qaba xanuun la yiraahdo Echolalia (which is a medical condition in which someone repeats the words that someone else has just said) kaas oo lagu garto qofka oo hadalkii lagu yidhi kaa daba oranaya, waxa baafinaya hooyadii oo la yiraahdo Caasha Cabdullaahi Cali iyo walaalihii oo kala jooga magaalooyinka Hargaysa, Ceerigaabo iyo magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Waxa laga codsanayaa ciddii aragta ninkaa aan kor ku soo sheegnay inay la soo xidhiidhaan walaalkii oo la yiraahdo Maxamed Saalax Bootaan oo laga helo telefoon lambar 063-4475545, ama ay geeyaan saldhig booliis halka ugu dhow.
Maxay tahay sababta uu cunnada Soomaalida u jeclaaday cayaartoygan ka cayaara horyaalka NBA
Hadal-hayn badan ayaa ka dhalatay hadal dhawaan ka soo yeedhay ciyaaryahanka reer Maraykanka ee caanka ku ah kubadda kolayga oo la yidhaahdo Jaylen Brown oo ku ku saabsan cunno-Soomaalida.
Ciyaaryahankan oo ka jawaabayay weydiin ahayd nooca cuntada uu jecel yahay ayaa sheegay in uu xiiseeyo oo ay dookha kowaad u tahay cuntada Soomaalidu.
“Waxa aan jeclahay cuntada Soomaalida. Waxaan leeyahay saaxiibbo wanaagsan oo Soomaali ah. Waa dookhyaga kowaad, gaar ahaan xilliyada afurka ee bisha Ramadan” ayuu yiri Jaylen Brown oo ah cayaaryahan Muslim ah.
Jaylen Brown, an NBA star for the Boston Celtics, was asked about his favourite iftar meal, and he responded without hesitation: Somali food! pic.twitter.com/0jAWdFxC4v
Jaylen Brown waa ciyaartoy kubbadda koleyga ku caan baxay oo ka tirsan naadiga Boston Celtics. Sannadkii 2016 kii oo ciyaaraha ku soo biiray ilaa iyo hadda waxa jabiyay rikoodho dhowr ah, waxaana lagu yaqaan orodka, awooddiisa gool-dhalinta iyo xirfadihiisa difaacashada. Brown waxa uu muddo dheer ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Celtics, isagoo kasbaday bilado dhowr ah islamarkaana kooxda ku hoggaamiyay guulo is daba joog ah. “
Brown waxa uu afar jeer noqday xidigga NBA All-Star isaga oo naadiga Boston la gaadhay wareegga kama dabaysta. Si la mid ah waxa uu kooxda Celtics ka caawiyay in ay gaadhaan dhammaadka horyaallada 2022 iyo 2024, isagoo ku guuleystay Abaalmarinta MVP oo ah mid sannadle ah oo la siiyo ciyaarahanka muujiya qaab-ciyaareed joogta ah sannadkaasi.
Maxaan ka naqaan cunto-Soomaaliga
Bulshada Soomaalidu dhaqan ahaan waxa ay leedahay cunno-dhaqmeed la yaqaanno oo badankoodu ka kooban noocyada kala duwan ee dalagga, kuwaasi oo ay ugu magac dheer yihiin, soorta, massagada, dhigirta ama cambuulada iyo noocyo kale. Waxa jira halqabsi faafay oo ah cad iyo caano oo loo jeedo cuntada laga helo xoolaha oo muddo dheer ahaa insha ay Soomalidu nolol ahana ku tiirsan tahay. Waxaa se jira cuntooyin laga soo dhoofiyo dibadda oo ay bulshada Soomaaliyeed si maalinle ah ugu tiirsan tahay. Waa ugu horreeya bariiska iyo baastada oo aan sinaba uga maqnayn nolol-maalmeedka qofka Soomaaliga ah.
Idil Tahliil Maxamuud waa khabiir ku takhasusay nafaqaynta waxa ay BBC-da ugu warrantay qaybaha ay ka kooban tahay noocyada badan ee la isku yidhaahdo cunno-Soomaali.
“Cunnooyinka Soomaalida waxa ay u badan yihiin waxyaabaha ka soo baxa dhulka ee la dalagga loo yaqaan sida gallayda, magagada, qmadiga, hilibka iyo caanha. Soomaalidu waxay inta badan ugu yeedhaan cad iyo caano. Waxa kale oo ay isticmaalaan khudaarta oo ay ku jiraan, muuska iyo cambaha iyo kuwa la karsado, sida bocorka, koostada iwm. Cunno Soomaali markii la yidhaa waxa sidoo kale qofka ku soo dhacaya kalluunka.”
Faa’iidada cunno-Soomaaliga
Jaadadka kala duwan ee cunto-Soomaalidu u kala baxdo ayaa caafimaad ahaan lagu sheegay in faa’iidooyin ay u leeyihiin jidhka bani’aadanka, sida ay qabto Idil Tahliil Muxumed.
“Cunnooyinka Soomaalidu isticmaasho waa kuwo waxtar ahaan aad u sarreeya. Wax aku jira nafaqooyin, fiitamiinno iyo borotiinno uu jidhku u baahan yahay. Waa cunnooyin ay ku jiraan tamar badan. Waxa kale oo Soomaalidu ay caan ku tahay hilibka iyo caanaha oo ka qayb qaata korriinka qofka.”
Muddooyinkii la soo dhaafay waxa soo ifbaxayay shakhsiyaad ajaanib ah oo sheegay in ay jecel yihiin cunnooyinka ay Soomaalidu quutaan. Haddaba, waxa isweyddiin leh in waxa ku riixaya dadkaasi ay tahay dhadhanka cunno Soomaaliga iyo in ay ka fiirinayaan dhinaca faa’iidada.
Idil Tahliil Muxumed ayaa ku doodaysa in qaabka loo kariyo cunnooyinka Soomaalidu ay yihiin kuwo dadka shisheeyaha ah ku qasbaya in ay jeclaadaan.
“Inta badan cunnooyinka uu waxtarkoodu uu liito waxa aan og nahay inay yihiin kuwo dhadhankoodu uu soo jiidasho leeyhay. Waxa ka mid ah cunnooyinka fudud oo inta badan ah caafimaad waxyeello u gaysta, waxa kale oo cuntooyinka qayb ka qaata sida loo kariyo. Sababta keenaysa in cunto Soomaaligu ay soo jiidato ajaanibta waxa ay ku xidhan tahay hannaaka loo kariyo”.
Khabiirka ayaa dooddeeda ku xoojisay in cunto-Soomaalidu ay tahay mid ka kooban hab-nololeed bulshooyin dhowr ah oo ay ku kulmeen dhadhamo kala duwan, iyada oo ay sidoo kale jiraan oocyada xawaashyada ee lagu daro oo laga yaabo in soo jiidasho gooni ah ay u yeelaan.
Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay muqdisho muddo maalmo ah.
Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in duullimaadyadaas la joojiyey laga billaabo 6da Maarso ilaa 12 Maarso.
Inkastoo uusan war rasmi ah ka soo bixin sababta ay duullimaadyada u joojisay Turkish Airlines, haddana hay’adaha ka shaqeeya dhoofka ee jara tikidhada Turkish Airline ayaa loo sheegay shirkaddu hakisay duullimaadyadii ay ku imaan jirtay garoonka Aadan Cadde, kuwaasoo ay si maalinle ah ugu timaado Muqdisho, sidaa aywgeedna aysan muddadaas dhowrka maalmood ah jiri doonin wax duullimaad ah, sida ay xafiisyadaas u sheegeen BBC.
Dhanka kale, shirkadaha sameeya duullimaadyada caalamiga ee garoonka Aadan Cadde sida Ethiopian airlines, Qatar Airways iyo Egypt Air ayaan iyagu sheegin in ay duullimaadyadooda joojin doonaan.
Digniinta amni ee Maraykanka
Talaabadan ayaa timid ayadoo maalin ka hor uu maraykanku markii labaad todobaad gudihiis soo saaray digniin ku socota muwaadiniintiisa oo uu uga digayo inay u safraan Soomaaliya.
“Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxay ku raadjoogtaa warar la isku hallayn karo oo la xiriira werarro ay dhici kartoin lagu qaado bartilmaamaeedyo kala duwan oo Soomaaliya ku yaalla, oo u ku jiro garoonka caalamiga ee Aadan Cadde. Dhamaanba dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa la joojiyey ilaa ogeysiin dambe” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in weli digniinta safarka ee heerka afaraad ee Soomaaliya ay tahay mid dhaqangal ah sababo la xiriira “dambiyo, argagixiso, rabshado shacab, arrimo caafimaad, afduub iyo burcadbadeednimo”.
Waxay muwaadiniinta Maraykanka xusuusisay in ay jiraan khataro sii socda, sida afduubyo iyo qaraxyo. “Waxay qaadi karaan wakhti yar gudihiis ama digniin la’aan, ayagoo bar-tilmaameedsanaya garoomada dayaaradaha, dekedaha, baraha koontaroollada, dhismayaasha xukuumadda, hoteellada, makhaayadaha, goobaha dukaamaysiga, iyo meelaha kale ee ay dadka badan isugu yimaadaan, ayna reer galbeedku u badan yihiin, iyo sidoo kale kolonyooyinka xukuumadda, milateriga, iyo reer galbeedka” ayaa lagu yiri qoraalka.
Jimcihii, 28 Febraayo, ayaa sidoo kale isla safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxay soo saartay digniintan oo kale, ayadoo qoraalkana uu la mid ahaa kii ay soo saartay 4 Maarso. Labada qoraalba waxaa la socda telefoonno ay muwaadiniinta Maraykanka wici karan haddii ay khatar la kulmaan.
Maxay muujinayaan digniinaha
Haddaba arrinta is-weydiinta mudan ayaa ah labada digniin ee Maraykanku uu ka soo saaray amniga meelo uu ka mid yahay garoonka Aadan Cadde iyo joojinta ay duulliimaadyadeedii joojisay shirkadda Turkish Airlines oo dhiillo muujinaya.
Axmed cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga wuxuu qabaa inay jirto khatar aan la dhayalsan karin.
“Digniinahan inta badan waxay muujinayaan inay jirto khatar amni oo suurtogal, taaso ka imaanaysa ilo sirdoon, maadaama xogahaas ay reer galbeedku ku arkeen khatar la mid ah kuwo hore loo arkay” ayuu yiri Kaboole.
Wuxuu intaa ku daray in Turkish Airlines laga yaabo in ama gaar ay xog u heshay ama xogta amni ee safaaradaha ay wadaagaan ay soo gaartay. “ajaanibta Soomaaliya joogta xogta amniga way wadaagaan, Shirkadda Turkish Airlines-na waa shirkad weyn oo dayaaradaha ay Soomaaliya u soo dirto ay malaayiin dollar ugu fadhiyaan, waxaybna xaq u leeyihiin inay ka digtoonaadaan wixii dhibaato u gaysanaya shaqaalaheeda, rakaabka iyo daayaradahooda” ayuu sii raaciyey.
Ariinta kale ee inta badan la is weydiiyo ee ah sababta aysan Soomaalidu u helin xogaha sirdoon ayuu Kaboole ku tilmaamay in aysan dhici karto inaysan haysan barnaamijyada kombiyuutar ee ay isticmaalaan sirdoonnada “taasoo saamayn ku yeelan karta awoodda ay ku heli karaan xogta khataraha”.
Jaamacadda Carabta oo taageertay qorshaha Masar ee dib u dhiska Gaza
Qaahira —
Hoggaamiyayaasha waddamada Jaamacadda Carabta ayaa Talaadadii shalay isla qaatay qorshaha dib u dhiska Gaza ee ay Masar soo jeedisay kaas oo ay ku kacayso qarash gaaraya 53 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.
Qorshaha Masar ayaa ahaa mid lagaga fogaanayo in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulka go’doonsan Marinka Gaza taasoo ka hor imaaneysa qorshihii uu bishii Janaayo soo jeediyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Trump ayaa qorshihiisa ku sheegay in Mareykanka uu la wareegayo Gaza si wanaagsan uu dhisi doono falastiiniyiinta ku noolna dib u dejin loogu sameyn doono wadamada Masar iyo Urdun.
Madaxweynaha Masar Cabdilfataax Al Sisi ayaa xiritaankii shir-madaxeedka Carabta oo shalay ka dhacay Qaahira ka sheegay in soo jeedinta la aqbalay Kulanka oo ay martigelisay Masar ayaa waxaa madaxdii ka qeyb gashay ka mid ahaa amiirka Qatar madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka Carabta iyo wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga.
Qorshaha Masar ee ka soo horjeeda qorshaha Trump ayaa ku baaqaya in dadka deggan Gaza ay ku nagaadaan gudaha dhulkooda gaar ahaan toddobo goobood oo gaar ah oo looga dhisayo guryo ku meel gaar ah.
Inta ay halkaasi ku noolyihiin ayaa qorshahan uu soo jeedinayaa in Gaza laga sifeeyo burburka miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa ee haraadiga dagaalka.
Masar iyo dalal kale oo badan oo Carabeed ayaa horey uga soo horjeestay qorshaha Trump ee dib u dhiska Gaza oo laga dhigo meel loo tamashle tago Bariga Dhexe.
Intii uu socday kulanka ayaa madaxweynaha Masar Sisi waxa uu uga mahadceliyay Trump dadaalka uu ugu jiray dib u dhiska Gaza isaga oo intaa ku daray in qorshaha Masar ee la soo jeediyay uu sidoo kale dhigayo in guddi ku meel gaar ah oo ka kooban aqoonyahanno iyo farsamayaqaano ay sii maamulaan Gaza iyadoo la tababarayo boolis cusub oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa kaloo qorshuhu dhigayaa in deeq bixiyeyaasha shir ku aaddan dib u dhiska Gaza loo qabto shirkaas ayuu Sisi sheegay inuu Masar ka dhici doono bisha soo socota.
Ururka Xamaas oo Maraykanku u aqoonsaday argagixiso ayaa soo dhaweeyay hindisahan balse Israel ayaa dhaleeceysay.
Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in soo jeedinta shir madaxeedka Carabta ay ku guuldarreysteen in ay wax ka qabtaan xaqiiqada dhabta ah ee ka dhalatay weerarkii Xamaas ee toddobadii October 2023 kii kaas oo dhaliyey dagaalka.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israel ayaa lagu yiri weerarkii argagixiso ee Xamaas kaas oo sababay dhimashada kumanaan Israa’iil ah iyo boqolaal afduub lama sheegin sidoo kale ma jiro wax cambaareyn ah oo loo jeedinayo ururkan argagixisada ah ee dilaaga ah.
Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa ka digtay halis amni oo ku soo wajahan caasimadda Soomaaliya gaar ahaanna in la beegsanayo goobo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ah goob lagu tilmaamo in ay tahay halka ugu ammaanka badan Muqdisho isla markaana dheegga ku haysa Xerada ay dalalka Shisheeye deggan yihiin ee Xalane.
Safaaraddu waxay joojisay dhammaanba dhaqdhaqaaqa shaqaaleheeda ilaa amar dambe iyada oo sidoo kale dadkeeda uga digtay in ay u Safraan Soomaaliya.
Kooxaha argagaxisada ee ka dagaallama Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay sii xoojiyey weerarada ay ku beegsanayaan saldhigayada ciiddamada dawladda iyada oo Maalintii Sabtida ay kooxdani weerar ku eekaysay magaalada Balcad oo caasimadda u jirto masaafo aan ka badnayn 35KM.
Garoowe, March 04, 2025: Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay saddex eedeysane oo kala ah:
1. Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad
2. Fahad Maxamed Abshir
3. Caamir Cabdi Muuse Cabdi
Eedeysanayaashan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin moral-gelin iyo taageero siinta kooxaha khawaarijta ah. Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in eedeysanayaashu hadda ku jiraan gacanta ciidamada amniga, halkaas oo lagu wado baaritaanno dheeraad ah.
Booliska Puntland waxay ku boorinayaan bulshada inay ka fogaato faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahanyahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh.
Eedeysanayaashu waxay wajihi doonaan sharciga, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadaha awoodda u leh si ay uga jawaabaan eedeymaha loo haysto.