Talyaaniga oo Gurigoodii loo soo celiyey

Dawladda Soomaaliyeed aaa xoog ku muquunisay Dan yar Soomaaliyeed oo ay hoy u ahayd Casa d’Italia, halka weli kuwii Xoogga badnaa ee ka taajiray bililiqada ay weli degan yihiin Guryo ay xoog ku haystaaan ama hanti la wada leeyahay. Goomaa dawladda Soomaaliyeed ay xoog u isticmaali doontaa kuwa ku dul nool guryaha Maydku ku aasan yahay ee Muqdishi ku yaaa oo bililiqada lagu haysto ilaa 1991

Safiirka jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi oo warbaahinta kula hadlay dhismaha Casa Italia ee Degmada Xamar Weyne ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga mahadceliyay sida uu uga jawaabay codsigoodii ahaa in loo baneeyo dhulkaas.

Nolosha gudaha tareenka raaxada ee aanay xabbadu karin ee uu ku safrayo Kim Jon Un

Nolosha gudaha tareenka raaxada ee aanay xabbadu karin ee uu ku safrayo Kim Jon Un

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa la soo werinayaa in uu ku sii jeedo magaalada dekadda ah ee Vladivostok ee dalka Ruushka xilli uu ku safrayo tareen ah nooca aan xabbadu karin, si uu ula kulmo madaxweyne Vladimir Putin.

Marka la eego sidii ahaan jirtey dhaqanka soo jireenka ah ee hoggaamiyayaasha Waqooyiga Kuuriya, Mr Kim waxay u badan tahay in ay ku qaadan doonto in ka badan 20 saacadood inuu ku safro 1,180km (733 mayl) ee tareenkaas aayarka soconaya ah – oo la sheegay inay ugu dhex taallo makhaayad lagu iibiyo khamriga Faransiiska iyo cuntooyin diyaarsan oo uu ka mid yahay kalluunka loo yaqaan lobster ama aargoosatada.

Tareenku wuxuu ku socdaa qiyaastii xawaare gaadhaya 50km/h (31mph) sababtoo ah ilaalintiisa gaashaaman ee culus.

Marka la barbardhigo, tareenka xawaaraha sare ee London wuxuu ku socon karaa dhulkaas qiyaastii 200km/h halka tareenada Shinkansen ee Japan ay gaadhi karaan 320 km/hXAYEYSIINhttps://d267e366dd35ed5711b0960d4bf34b8b.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Safarkan dheer waxa kale oo uu u gogol xaadhaya waddada isku xidhka tareenada ee waqooyiga oo lagu magacaabo Taeyangho, oo ah erey Kuuriyaaan oo la macno ah qorraxda iyo tilmaan calaamad u ah aasaasihii Kuuriyada Waqooyi Kim Il Sung.

Waayaha Safarka Tareennada

Kim Jong Un
Qoraalka sawirka,Kim Jong Un oo gacan haadinaya ka hor inta uusan raacin tareenkiisa safar hore

Dhaqanka safarka dheer ee tareennada waxaa bilaabay Kim Il Sung – Kim Jong Un awoowgii – oo ugu safray tareen dalalka Vietnam iyo Bariga Yurub.

Tareennadan oo ah kuwo raaxa ah ayaa la sheegay in ay si weyn u ilaalinayaan ciidammada ammaanka kuwaas oo baadhaya waddooyinka iyo istaannada ama boostoojeeyinka ay sii marayaan si ay u ogaadaan qaraxyada iyo khataraha kale macquulka ah.

Kim Jong Un aabbihii Kim Jong-il, oo Waqooyiga Kuuriya xukumayay 1994 ilaa dhimashadiisa 2011, ayaa isna la sheegay inuu ku safri jirey tareen, sababo la xidhiidha in uu ka biqi jirey duullimaadka.

Kim Jong Il ayaa isna la xasuustaa safarkiisii caanka ahaa oo uu 10 maalmood ku tegay Moscow 2001 si uu kulan ula yeesho wakhtigaas Mr Putin.

Taliyaha milatariga Ruushka Konstantin Pulikovsky, oo hogaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi ku wehelinayey safarkiisii 2001-dii, ayaa kaga hadlay waayihii safarkaas xusuus qorkiisa uu u bixiyey Orient Express.

“Waxaa suurtagal ahayd in la dalbado saxan kasta oo cunto ah hadday tahay Ruush, Shiineys, Kuuriyaan, Jabbaan iyo xataa cuntooyinka Faransiiska.”

.
Qoraalka sawirka,Tareenkii gaashaaman ee Kim Jong Il oo soo gaadhay Moscow 2001-dii

Safarrada diyaaradaha ee khaaska ah

Getty Images

Marka laga soo tago tareenada, Mr Kim ayaa sidoo kale la arkay isaga oo ku safraya noocyada kale ee gaadiidka raaxada kuwaas oo si weyn uga duwan qaab nololeedka saboolka ah ee dadka Kuuriyada Waqooyi.

Kim Jong Un waxa uu ka soo baxay oo wax ku soo bartay dugsi hoy ah oo ku yaal Switzerland, taas oo ka dhigan in aanu ku cusbayn safarrada hawada ee diyaaradaha.

Bishii March 2018, wuxuu sameeyay duulimaadkiisii ugu horreeyay ee caalami ah tan iyo markii uu la wareegay awoodda, isagoo aaday magaalada Dalian ee Shiinaha si uu ula kulmo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Halka diyaaradd Midawgii Soofiyeeti lahaayeen oo ah nooca waaweyn uu ku tegay wakhtigaas Shiinaaha, taas lagu magacaabo “Chammae-1”

Warar ay heshay warbaahintu ayaa sida oo kale tilmaamay in uu diyaaradiisa gaarka ah marar kala duwan ugu dhex safray gudaha Kuuriyada Waqooyi.

Isla sida oo kale diyaaradda “Chammae-1” ayaa mar kale warbaahinta qabsatay, markii ay qaaday wafdigii heerka sare ahaa ee Pyongyang ee ciyaaraha Olombikada, oo ay ku jirtay Kim walaashii Kim Yo Jong, oo tagtay markaas Kuuriyada Koonfureed 2018.

Gawaadhida raaxada ee Kim Jong Un

.

Bishii March 2018, Mr Kim waxa uu tareen ku aaday caasimadda Shiinaha ee Beijing, laakiin waxa uu u adeegsaday gaadhigiisa gaarka ah ee Mercedes-Benz S-Class si uu ugu safro gudaha magaaladaas.

Sida uu qoray wargeyska maalinlaha ah ee Kuuriyada Koonfureed JoongAng Ilbo, baabuurka ayaa si gaar ah loogu raray tareenka waagaas.

Baabuurka, oo la sameeyay 2010, ayaa ku kacay ku dhawaad 2 bilyan oo Kuuriyaan Won-ka una dhiganta ($1.8m), sida uu wargeysku sheegay.

Kolonyadii uu la socday ee ku sugnaa shir madaxeedka ayaa sidoo kale la sheegay in uu ku jiray gaadhi musqul ah oo gaar ah, kaas oo uu hoggaamiyaha adeegsanayey intii uu halkaas joogay.

Arrintan ayaa sidoo kale lagu sheegay warbixin 2015 uu qoray website-ka fadhigiisu yahay magaalada Seoul ee DailyNK, kaasoo lagu sheegay in musqul la habeeyey lagu dhex dhisay mid ka mid ah baabuurta kolonyada Mr Kim, kaas oo ka mid ah baabuurta gaashaaman ee la socota.

Markabbada casiraga ah

Warbaahinta dowladda ee kuuriyada waqooyi ayaa soo bandhigtay sida oo kale xilli hogaamiyahani uu saarnaa doomo, markabka quusa, iyo xataa noocyada kale ee gaadiidka badda ee casiga ah.

Sidoo kale waxaa lagu xamanayaa in uu adeegsado gaadiid kale, balse kuwan ayaan weli lagu arki karin safarada uu dibadda ku aadayo.

Markii warbaahinta dawladdu ay daabacday sawirrada booqashadiisa xarun kalluumaysi oo ay ciidamadu maamulaan bishii March 2013, NK News ayaa sheegtay in gadaal ay ka aragtay Markab qaali ah u taagnaa.

Ma jirin caddeymo cad oo muujinaya in markabkan oo lagu qiyaasay qiimihiisa 7 milyan oo doolar uu lahaa Mr Kim, ama xitaa sida loo soo dejiyay inkasta oo cunaqabatayn caalami ah lagu soo rogay badeecadaha raaxada.

Marka lo eego qiimaha, si kastaba ha ahaatee, warbaahinno badan oo caalami ah ayaa si gaar ah ugu tilmaamay in cidda keliya markabkaa yeelan kartaa ay tahay hoggaamiyaha qaranka.

Kenya oo gaabisay muddada lagu heli karo baasaboorka iyo kibaandhada

Kenya oo gaabisay muddada lagu heli karo baasaboorka iyo kibaandhada

Dawladda Kenya oo hal sano ay kasoo wareegtay xilligii la doortay ayaa isbeddellada waaweyn ee ay waddo waxa ka mid ah adeegyada helitaanka sharciyada, sida baasaboorka iyo aqoonsiga oo muwaadiniinta waddankaasi ay cabashooyin ka muujiyeen waqtiga lagu qaato sida gobolka Soomaalida.

Waa sidee xaalka sheekh Umal oo la sheegay inuu xanuunsanayo?

Waa sidee xaalka sheekh Umal oo la sheegay inuu xanuunsanayo?

Waxaa maanta hal mar warbaahinta bulshada ee Soomaalida ku soo dhex dhacay warka ah in Sheekha Soomaaliyeed ee Lagu magacaabo Maxamed Cabdi Umal uu aad u xanuusan yahay isla mar ahaantaana gaadhay heer uu awoodi waayo in uu salaadda dhammaysto, balse warkaas ayaa dib laga sheegay in uu been ahaa.

Salaaddii subax ee saaka ayaa ay ahayd markii la arkay sheekha oo ka baxaya rakcaddii labaad ee salaaddaas, xilli uu ku tukanayey masjidka Abuubakar Al-siddiiq. taas oo keentay in dad badan oo goob joog ahaa warkaasi ay sii faafiyaan.

Balse maanta gelinkii danbe ayay qaar ka mid cullimada masjidkaasi xaqiijiyiin in xaaladda sheekhu wacan tahay, isla mar ahaantaana aanu xanuusanayan.

“Shiikha lallabo ayaa qabatay wuxuuna ka baqay in matag uu ka yimaaddo, taas daraadeed ayuuna u baxay oo musqusha u aaday, wuuna soo weyso qaatay oo soo noqday oo salaaddii inala dhammaystay, waana bini-aadan oo waa wax dhici kara. Shiikhuna hadda wuu caafimaad qabaa oo salaaddii Jimcena waa uu inala tukaday” ayuu sheegay mid ka mid hawlwadeennada masjidka Lixaad ee xaafadda Eastliegh oo ah masjidka uu shiikhu caanka ku yahay joogistiisa.

Sheekha ayaa muddooyinkii u danbeeyey xaal caafimaad ugu maqanaa dalka Hindiya, isaga halkaas dhawaan ka soo laabtay, haatanna xaalkiisu fiican yahay.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka mid ah culimada ugu waaweyn ee Soomaalida iyo Kenya oo hadda ku nool yahayba.

Taariikhda Sheekh Umal oo kooban

Umal

Sida uu ku sheegay waraysiyo hore oo uu bixiyey sheekha ayaa noloshiisa inta badan ku qaatay saddex dal – Itoobbiya, Soomaaliya iyo Kenya, xilli sida uu sheegay uu muddo lagu qiyaaso 1968-dii uu ku dhashay baadiye.

Sheekh Umal ayaa waxbarashadii hoose ee aasaasiga ahayd ku soo qaatay magaalada Wardheer ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobbiya.

Waxaana uu Sheeku sheegay in aabbihii oo macallin qur’aan ahaa uu qu’aanka baray.

Gobolka Hirraan ayuu sheekhu ku soo qaatay barashada dhanka kutubta iyo naxwaha, kaddibna Kenya. Halkaas oo uu kaddib jaamacad u aaday Dalka Sucuudiga si gaar ah Jaamacadda Maddiina, halkaas oo uu marki uu ka soo dhammeeyey Jaamacadda xilligaas oo sheekhu sheegay in ay ay ahayd 1993 uu wixii ka danbeeyey uu degay dalka Kenya.

Carruurta sheekhu dhalay ayaa gaadha ku dhawaad 18 qof oo ay u kala dhaleen dhawr xaas sida uu sheegay.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa aad looga yaqaan dhammaan dhulka Soomaalida isaga oo ku caan baxay doorkiisa dacwadda iyo faafinteeda.

Yuhuudka tobanaanka sano iimaamka ka ahaa masjid ee dadka tujin jiray salaadaha

Dukumenti ay Israa’iil shaacisay dhawaan oo lagu hayey arkiifiyada dawladda ayaa ka hadlaya sheekada nin Israa’iili ah oo asalkiisu Beershiyaan yahay, kaasoo muddo sanooyin ah mu’addin ka ahaa magaalada N’djamena ee xarunta dalka Chad oo loo aqoon jiray Fort Lamy.

Dukumentiga waxaa ku jira warqad uu soo diray diblomaasi Israa’iili ah oo Africa ka soo shaqeeyey 1962kii, wuxuuna dukumentiga sheegayaa arrintaas sirta ahayd ilaa wakhti aan fogey nee la xiriirta qofka kaliya ee Israa’iiliga ah ee ku noolaa Chad.

Aryeh Lourie oo arrimo fuliye ka ahaa mid ka mid ah safaaradaha Israa’iil ayaa warqd u soo diray 30 September 1962 waaxda bariga dhexe ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil. Warqadda wuxuu ku sheegay in uu jiro qof reer Israa’iil ah oo mu’addin ka ah N’djamena.

“Waxaan ogaaday inuu yahay qofka kaliya ee Yuhuudka ah ee jooga Chad” ayuu warqadda ku qoray.XAYEYSIINhttps://c7a6843eb526973051912a6d59d8f764.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Mid ka mid ah masaajidda wakhtigan ugu weyn N'djamena
Qoraalka sawirka,Mid ka mid ah masaajidda wakhtigan ugu weyn N’djamena

Wuxuu sheegay in George Hamdani oo ah nin reer Beershiya ah, kana soo jeeda magaalada Beershiya ku taalla ee Hamdan uu yimid Fort Lamy wakhti rubuc qarni laga joogo.

Xilligaas waxaa magaalada ku noolaa dad dhamaantood muslimiin ah, kuwaasoo markaas dhameeyey dhismaha masaajid aad u weyn , waxayna baadigoobayeen wadaad muslim ah oo dadka ugu yeera salaadaha, isla markaana salaadaha jameecooyinka tujiya.

BAcdamaa aysan helin qof kaalintaas buuxiya, Hamdan ayaa ku yaboohay inuu hawshaas qabanayo, isagoo sheegtay inuu yahay qof muslim ah.

Codka uu ku addimayey ayaa aad looga maqli jiray magaalada – gees ka gees – maalin kasta, wuxuuna dadka tujin jiray salaadda Jimcaha.

Wuxuu hawshaas waday ilaa iyo 1943kii, sannadahaana wuxuu uruursaday dhaqaale fara badan oo ay ku jiraan ilaa 40 guri, laba Hotel, shineemo, iyo hanti kale.

Mali waxaa la sheegaa in dadka ku nool ay 100% yihiin Muslim
Qoraalka sawirka,Mali waxaa la sheegaa in dadka ku nool ay 100% yihiin Muslim

“1943kii wuxuu dhakhsiyo leh u joojiyey inuu aado masjidka, wuxuuna dadkii isaga ku xirnaa ku wargeliyey inuu yahay qof aaminsan diinta Yuhuudda” ayuu laurie ku sheegay qoraalkiisa.

“Tani waxay dabcan abuurtay in xilligaa warka aad la iskula dhex qaado magaalada gudaheeda, laakin waa goor uu Hamdan noqaday nin maal qabeen ah oo dhinac marka laga eego ay jiraan dad asaga ilaaliya oo ay dan ka dhaxayso, iyo dhaqanka afrikaanka oo dhanka kale ah mid aysan dadku si aad ah dadku qaliga ugu qaadin waxa markaa dhaca. Sidaa darted, arrintii waa la iska illoobay, tiro badan oo dad ahna waxay aqoonsan yihiin hawshii uu u qabtay Muslimiinta Fort Lamy”.

“Danjiraha wuxuu sheegay in uu rajeynayey inuu ku qanciyo Hamdani inuu wax taro dadkiisa, sida inuu maalgeliyo dhisme ay ku shaqayso safaaradda Israa’iil ee Chad, iskuul ay wax ku bartaan carruurta waalidiintood ay ka soo jeedaan Beershiya, iyo inuu ugu yaraan taageero dhaqaale u diro sanduuqa dhaqaalaha qaranka ee Israa’iil” ayuu qoralka ku sheegay Laurie.

Wuxuu intaa ku sii daray “waan ogsoonahay in walow uu Hamdan dhisay guryo lagu raaxaysto in uu misna ku nool yahay muddul dhoobo ka samaysan, sidii uu 25kii sano ee dambaysay u noolaa, ayadoo dakhliga ka soo gala dhismayaashiisa uu gaarayo 12 malyan oo ah lacagta CFA, taasoo u dhiganta 150,000 oo giniga Israa’iil ah bishiiba”.

Wuxuu kaloo ninkaas warqadda u diray safaaradaha Israa’iil ee Tehran iyo Paris.

BBC NEWS

Warbixin ku eedaysay in Shiinuhu doonayo inuu farageliyo doorashada Maraykanka

Warbixin ku eedaysay in Shiinuhu doonayo inuu farageliyo doorashada Maraykanka

Warbixin cusub oo ay soo saartay shirkadda Microsoft ayaa muujinaysa in Shiinuhu uu u adeegsanayo aaladaha casriga ah ee ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey, inay ku marin habaabiyaan ama ku kala daadiyaan codbixiyayaasha Maraykanka, iyaga oo dabka ku sii shidaya kala qaybsanaanta codbixiyayaasha ka dhex jirta, ka hor doorashada madaxtinimada ee sannadka 2024.

Falanqeeyayaasha dhinaca khatarta ee shirkadda Microsoft ayaa boggooda ku soo qoray, in Beijing ay horumarisay farsamooyin cusub oo ku saabsan aaladaha ku shaqeeyan garaadka macmalka ah ee horumarsan, kaas oo soo saari kara “warbixino ay dadweynuhu aad u xiisayn karaan” si fududna ugu dhex faafi kara bulshada.

Sida ay sheegtay shirkadda Microsoft, Shiinaha ayaa muddo lix bilooda ku hawlanaa dedaalada uu ku horumarinayo inuu isticmaalo waxyaabaha ay soo saaraan aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee horumarsan, kuwaas oo haatan u muuqda inay soo saari karaan muuqaalo kala duwan.

“Waxaanu aragnay in jilayaal u dhashay dalka Shiinuhu ay ka faa’iidaysanayaan muuqaalada iyo warbixinada ay soo saaraan aaladaha ku dhisan garaadka macmalka ah ee horumarsan, kuwaas oo si ballaadhan diirada u saaraya qodobada siyaasiga ah ee bulshadu ku kala qaybsan tahay, sida rabshadaha ka dhasha hubka, iyo in hoos loo dhigo hoggaamiyayaasha siyaasiga” ayaa lagu yidhi warbixinta Microsoft.

Shiinaha ayaa iska fogeeyey natiijooyinka ku jira warbixinta Microsoft.