Gaas oo Kulan La qaatay Qaar Kamid Ah Wasiirada Dowlada Federaalka Soomaaliya

Gaas oo Kulan La qaatay Qaar Kamid Ah Wasiirada Dowlada Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho qaar kamid ah Wasiirada DFS.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiiradaasi ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay kawada hadleen Madaxweynaha iyo Wasiirada DFS arrimo la xidhiidha xaaladda Guud ee dalka, wanaajinta xidhiidhka wada shaqayneed ee Wasaraddaha Puntland iyo kuwa DFS, Isxog waraysi, arrimaha Fadaraaliisamka iyo dhamaystirka Dastuurka DFS, ka xoraynta dalka xooxaha nabad diidka ah iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in kulan kani noqonayo kii ugu horeeyey oo ay Muqdisho ku-yeeshaan Wasiirada Puntland iyo Wasiirada DFS, isla markaana ay kawada hadlaan arrimo muhiim ah oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed iyo qaranka Soomaaliyeedba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada tashto ka xoraynta dalka kooxaha nabad diidka ah madaama ay lid ku yihiin horumarka dalka, nabadda, xasiloonida iyo isu socodka dhammaan gobolada Soomaaliya,  isla mar’ahaantaana ay taasi u baahan tahay in laga yeesho qorshe dhab ah oo lagu curyaamin karo laguna soo dabar Jari karo cadawga shacabka Soomaaliyeed ee tamarta yar.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ku booriyey Wasiirada Puntland iyo Kuwa DFS ee uu kulanka layeeshay  inay yeeshaan xidhiidh wada shaqayneed oo ku salaysan sidii wasaaradda walba oo DFS ahi ula yeelan lahayd Wasaaraddaha dhiggeedaha ee ka jira dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya si loo horumariyo xidhiidhka wada shaqayneed ee Wasaaraddaha dalka.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in dawladda Puntland diyaar u tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed wanaajinta xidhiidhka DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS gaar ahaan Puntland, ka qayb qaadashada horumarka Soomaaliya, nabadda iyo xasiloonida qaranka Soomaliyeedba.

Dowladda iyo Shacabka Puntland Oo Nus Million Dollar Oo Lacag ah U Diray Muqdisho

Dowladda iyo Shacabka Puntland Oo Nus Million Dollar Oo Lacag ah U Diray Muqdisho

Guddiga gurmadka Qaran ee uu magacaabay Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas loona saaray xaalada qaraxii Zoobe ayaa u dhoofay magaalada Muqdisho, si ay u wareejiyeen aduun gaaraya Nus Malyuun Dollar ay ka aruuriyeen Shacabka iyo dawladda Puntland.

Wasiirka Arrimaha gudaha, dawladdaha Hoose & Horumarinta reer miyiga ee dawladda Puntland Cabdullaahi Xirsi Timacade oo hogaaminaya wafdiga dawladda ayaa ka dhoofay magaalada Boosaaso.

Mr, Timacade ayaa u mahad celiyey Shacabka & dawladda Puntland oo uu sheegay in ay bixiyeen lacag iyo daawo fara badan oo ay ugu talo-galeen walaalahooda Soomaaliyeed.

Wasiirku wuxuu cadeeyey in ay tahay Puntland cidda kaliya ee Soomaaliyeed ee ku deeqday Lacag, Daawo & Dhakhaatiir, markii ay dhaceen weeraradii bahalnimo ee lagu qaaday Isgoyska Zoobe oo ay kusugnaayeen Shacab badan oo aan waxba galabsan.

 

Sawirka Sakariye Maxamed Isticmaar.

Galaydh Oo Maanta si toos Ah Ugu biiraya Xisbiga Habar jeclo

Galaydh Oo Maanta si toos Ah Ugu biiraya Xisbiga Habar jeclo

Kulankii ugu dambeeyay ee  Galaydh iyo Muuse Biixi ayaa xalay ka dhacay magaalada Caynaba waxaana la filayaa in maanta si toos ah ugu dhawaaqo inuu ku biiray xisbiga kulmiye oo uu taageero u yahay BEESHA Habar jeclo

https://youtu.be/OaUpluVIAIM

Madaxda Qaranka Soomaliya iyo Amisom oo Isku Raacay Dagaal ka Dhan ah Al-Shabaab.

Madaxda Qaranka Soomaliya iyo Amisom oo Isku Raacay Dagaal ka Dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04 Nov 2017 madaxtooyada Soomaaliya kaga qayb galay shir looga hadlayey guud ahaan amniga qaranka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha DFS, Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa.

Kulankan waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn looga wada-hadlay mideynta qorshaha dagaalka iyo qorshe  lagu cidhibtirayo Al-shabaab, isla markaana waxaa la isla meel dhigay kaalinta AMISOM ay ka qaadanayso dagaalka Soomaaliya lagaga sifaynayo kooxaha nabad diidka ah.

Danjirayaasha dalalka Ciidamada  ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada ay  ku dhawaaqeen Madaxda Qaranka Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in wadajirka go’aanka iyo qorshaha Madaxda qaranka Soomaaliyeedba ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgalyada dalkeena Soomaaliya.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxda kale ee qaranka Soomaliyeedba ayaa ka midaysan sidii dalka guud ahaantiiba looga cidhib tiri lahaa kooxaha argagixisada ah ee dhibaateeyey shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxaana ay Madaxdu isla meel-dhigeen in la mideeyo cududda iyo maskaxda muwaadiniinta Soomaliyeed si loo cidhibtiro kooxahaasi tamarta yar.

Wasiir ku xigeenka Maaliyada Puntland iyo Duqa Degmada Bosaaso oo Safar Shaqo ku tegay dalka Ciraaq

Wasiir ku xigeenka Maaliyada Puntland iyo Duqa Degmada Bosaaso oo Safar Shaqo ku tegay dalka Ciraaq

Wafdi ka socda Maamulka Puntland oo ka kooban Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada Puntland mudane.C/salaan Bashiir C/salaan iyo Duqa Degmada Bosaaso Mudane.Yaasiin Mirre Maxamuud iyo weliba gudoomiyaha Jaamacada Bosaaso universaty Mudane.Jaamac ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq.

Booqashada Wafdigan ayaa ahayd sidii loo sameyn lahaa Xiriir Ganacsi oo dhexmara Maamulka Puntland iyo Dowlada Ciraaq iyo sidii loosoo celin lahaa Xiriirkii Saaxiibtinimo ee soo jireenka ahaa.

Labada ayaa isla meel dhigay sidii loo abuuri lahaa xiriir ganacsi iyo iskaashi labada dhinac dan u ah.

Sidoo kale waxay wafdigani kulamo la qaateen qaar ka mid ah madax dhaqameedyada dalka Ciraaq,iyagoona arimo badan ka wada hadlay.

ugu damayntii safarka wafdigan ayaa kusoo dhamaaday guul,iyadoona uu noqonayo safarkii kowaad ee Wafdi Reer Puntland ay dalka Ciraaq ku tagaan.

Raadreeb.com-Baqdaad.

Gaas oo Kulan Casho Sharaf Ah Laqaatay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka DFS U Metelaya Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo Kulan Casho Sharaf  Ah Laqaatay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka DFS U Metelaya Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay taariikhdu tahay 02 Nov 2017 kulan  casho sharaf ah kula qaatay magaalada Muqdisho xildhibaanada labada aqal ee Baarlaman DFS u metelaya Puntland.

Kulanka casho sharafta ah oo ka qabsoomay  Royal Palace Hotel ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Casho sharaf kadib Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u metelaya Puntland ayaa kulan gaar ah oo ay wada-yeesheen waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin.

  1. Isxog waraysi.
  2. Isku xidhka iyo wada shaqaynta dawladda Puntland iyo DFS.
  3. qaybsiga khayraadka dalka.
  4. Arrimaha Fadaraaliisamka iyo Dastuurka
  5. kawada shaqaynta aminiga, xasiloonida iyo horumarinta Soomaaliya.

Kunlanka oo ahaa kulan wada tashi ah ayaa waxay ay Madaxweynaha iyo xildhibaanadu gorfeeyeen dhammaan qodobadan kor-kuxusan, kuwaas oo ay tilmaameen inay muhiim tahay in laga wada hadlo, laga wada tashto si loo dardargeliyo wada shaqaynta DFS iyo dawladdaha xunaha ka ah DFS, isla markaana meel looga soo wada jeesto wax kasta oo lid ku ah midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka looga xorayn lahaa kooxaha nabad diidka ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaanada uga xogwaramay horumarka, xasiloonida iyo amniga guud ee ka jira dhammaan mandaqadda dawladda Puntland, shacabka ku dhaqan Puntlandna ay yihiin kuwo u heelan ka qayb qaadashada kaabayaasha dhaqaalaha ka socda guud ahaan gobolada Puntland.

Dhinaca kale Xildhibaanda labada aqal ee dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa dhankooda cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay uga soo bixilahaayeen shaqooyinka loo igmaday ee ay u idman yihiin inay u shaqeeyaan shacabkooda Soomaaliyeed, ka qayb qaataan sidii qaranka Soomaaliyeed loo gaadhsiin lahaa meel uu mudan yahay.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u metelaya Puntland inay u diyaar sanaadaan sidii ay qab uga noqon lahaayeen horumarinta dalkooda hooyo iyo ka xoraynta dalkooda cadawga shacabka Soomaaliyeed ee Al-shabaab iyo Daacish kuwaas oo gumaadaya shacabka Soomaaliyeed lidna ku ah nabadda, xasiloonida iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Ma Odayashii dhaqanka Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku sugan mise Odayaashii beelaha Muqdisho ayaa sheeko cusub la yimid

Ma Odayashii dhaqanka Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku sugan mise Odayaashii beelaha Muqdisho ayaa sheeko cusub la yimid

Odayaasha 135-ta Oday ee soo xulay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo ah Duubabka Qaranka Soomaaliyeed intooda ku sugan Gobolka Banaadir oo ka kulmay xaalada amni ee dalka Soomaaliya ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen muhiimadda ay leedahay xasilinta amniga dalka gaar ahaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Odayaasha dhaqanka ayaa si gaar ah u soo qaatay dhacdooyinkii xanuunka lahaa ee 14-ka iyo 28-ka bishii la soo dhaafay ee October ka dhacay magaalada Muqdisho oo dad badan oo qiimo u lahaa Qaranka Soomaaliyeed lagu laayay.