26th April 2024  admin  Category :

Dowladda iyo Shacabka Puntland Oo Nus Million Dollar Oo Lacag ah U Diray Muqdisho

Guddiga gurmadka Qaran ee uu magacaabay Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas loona saaray xaalada qaraxii Zoobe ayaa u dhoofay magaalada Muqdisho, si ay u wareejiyeen aduun gaaraya Nus Malyuun Dollar ay ka aruuriyeen Shacabka iyo dawladda Puntland.

Wasiirka Arrimaha gudaha, dawladdaha Hoose & Horumarinta reer miyiga ee dawladda Puntland Cabdullaahi Xirsi Timacade oo hogaaminaya wafdiga dawladda ayaa ka dhoofay magaalada Boosaaso.

Mr, Timacade ayaa u mahad celiyey Shacabka & dawladda Puntland oo uu sheegay in ay bixiyeen lacag iyo daawo fara badan oo ay ugu talo-galeen walaalahooda Soomaaliyeed.

Wasiirku wuxuu cadeeyey in ay tahay Puntland cidda kaliya ee Soomaaliyeed ee ku deeqday Lacag, Daawo & Dhakhaatiir, markii ay dhaceen weeraradii bahalnimo ee lagu qaaday Isgoyska Zoobe oo ay kusugnaayeen Shacab badan oo aan waxba galabsan.

 

Sawirka Sakariye Maxamed Isticmaar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*