29th March 2024  admin  Category :

Madaxda Qaranka Soomaliya iyo Amisom oo Isku Raacay Dagaal ka Dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04 Nov 2017 madaxtooyada Soomaaliya kaga qayb galay shir looga hadlayey guud ahaan amniga qaranka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha DFS, Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa.

Kulankan waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn looga wada-hadlay mideynta qorshaha dagaalka iyo qorshe  lagu cidhibtirayo Al-shabaab, isla markaana waxaa la isla meel dhigay kaalinta AMISOM ay ka qaadanayso dagaalka Soomaaliya lagaga sifaynayo kooxaha nabad diidka ah.

Danjirayaasha dalalka Ciidamada  ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada ay  ku dhawaaqeen Madaxda Qaranka Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in wadajirka go’aanka iyo qorshaha Madaxda qaranka Soomaaliyeedba ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgalyada dalkeena Soomaaliya.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxda kale ee qaranka Soomaliyeedba ayaa ka midaysan sidii dalka guud ahaantiiba looga cidhib tiri lahaa kooxaha argagixisada ah ee dhibaateeyey shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxaana ay Madaxdu isla meel-dhigeen in la mideeyo cududda iyo maskaxda muwaadiniinta Soomaliyeed si loo cidhibtiro kooxahaasi tamarta yar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*