Daawo Dahab shiil iyo SNM Bahdilaadka ay ku hayaan Bulshada ku nool Koonfyrta Somaaliya oo iyagu aadka u jecel
Sawirka sare , wuxuu ka mid yahay dhacdooyinka dhiiri geliya in Beesha Isaaq sawir khaldan ka bixiyaan Soomaalida inteeda kale. Iyaga oo leh Anagu dimoqraadiyad ayaan wax ku dooranaa , hase ahaatee Soomaalida Koonfureed iyagu maaha dad is maamuli kara oo aan la sii joogi karno ee Caalamku waa in uu na ictiraafaa si aan wax ula qaybsan Budhcad badeed iyo alshabaab
Muuqaalka hoose, wuxuu ka mid yahay dhacdooyinka dhiiri geliya in Beesha Isaaq sawir khaldan ka bixiyaan Soomaalida inteeda kale. Iyaga oo leh Anagu dimoqraadiyad ayaan wax ku dooranaa , hase ahaatee Soomaalida Koonfureed iyagu maaha dad is maamuli kara oo aan la sii joogi karno ee Caalamku waa in uu na ictiraafaa
Daawo Xildhibaanada Galmudug iyo kulankii Xaaf oo dagaal Ku soo dhamaadey iyo Xaaf oo ka cararey Hoolka
Kulankii ugu horeeyey ee Madaxweynuhu la qaatay saraakiisha ka socotey Hay’addaha Relief International ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen kobcinta waxbarashada hablaha, taageeridda ciidamada Puntland iyo waxbarashadooda, dhismaha xarumo waxbarasho ee deegaanada fog-fog gaar ahaan gobolada Gardafuu, Sanaag, Cayn iyo Hayland, waxaana dhammaan qodobadaasi laysla meel dhigay in sida ugu dhakhsaha badan loo dardar geliyo wax kaqabashadooda, iyadoona ay sheegtay hay’addu in ay gelindoonaan mashaariicdaasi lacag gaadhaysa 1.5 Million.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xafiiskiisa kulan kula qaatay masuuliyiin ka socdey hay’adda SCF [Save Children Fund] oo ay kamid ahaayeen Madaxa xafiiska SCF Soomaaliya Mr. Timothy Bishop iyo madaxa Xafiiska SCF Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange, waxaana kulanka lagaga wada hadlay mashriicda ay Puntland ka fuliyaan hay’addu, kuwaas oo ah Waxbarashada, taageeridda caruurta danyar ta ah, Caafimaadka, Biyaha iyo Nadaafadda.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo ay wehelinayaan Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee dawladda Puntland ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka socdey hay’adda SSF [ Somali Stability Fun], waxaana kamid ahaa saraakiisha ka socotey hay’addani madaxa xafiiska SSF Soomaaliya Vishalina Lowrance iyo madaxa Xafiiska SSF Puntland Abshir Maxamed, isla markaana waxaa kulanka looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin taakulaynta ciidamada Booliska Puntland, horumarinta dhalinyrada Puntland iyo biyo gelinta magaalooyinka waaweyn ee Puntland,
Ugu danbayn, kulanka Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu la yeeshay saraakiisha kala duwan ee ka kala socdey hay’addaha Relief International, SCF iyo SSF ayaa ahaa mid ku qotomay dardargelinta mashaariicaha horumarineed ee hay’addahaasi ka fuliyaan guud ahaan sagaalka gobol ee Puntland,
Labadii wasiir oo ka cabanayey Xigtada Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, mid ka mid ah ayaa xilkii iska casishay
Wasiirkii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim ayaa iska casishay xilkeeda, ka dib marki ay ka shaqayn wayday Mooryaan lagu soo daabulay xafiiskeeda oo ka socday Ra’isul wasaaraha Somaaliya Xasan Kheyre
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wasiirada ay ku wargelisay Wasaaradda inay iska casishay xilkeeda, isla markaana ay dhowaan faah faahin doonto sababaha ay isu casishay.
Muddooyinkii u dambeeyay waxa jiray isku dhac u dhaxeeyay Wasiirada iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku saabsanaa howlaha Wasaaraddeeda.
Sidoo kale dhibkan mid la mid haystaa wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, oo isaguna xafiiskiisa ay khal khal geliyeen Mooryaan ka socota xafiiska Ra’isul wasaaraha
Dawladda Soomaaliya oo u hambalyeesay kooxdii doonaysay in Somaliya inteeda kale ka go’aan, iyaga oo sidoo kale sheegay inay soo dhowaynayaan hogaamiyaha ku guulaysata Doorashada Soomaali lagu kala go’aynayo . Halka hal sadar ayna kaga xusin war murtiyoodkooda umaddii Soomaaliyeed ee gobolada Sanaag iyo Sool u banaan baxaday midnimada Soomaaliya diidayna inay Soomaali inteeda kale ka go’aan .
Dawaladaha federaalka Ciraaq iyo Spain oo arin tan oo kale qabstay dhowaan, ka dib markii Kurdiyiinta iyo Catalonia ay la yimaadeen arin la mid la mid ah tan beesha Isaaq wadaan, ayaa madaxda federaalku si cad uga hor yimaadeen iyaga oo ilaalinaya midnimada dalalkooda. Laakiinse kooxda cuqdadaysan ee Muqdisho isku urustay, iyaga waxa u muuqda Irisamaale oo dawlad noqday.
Ninka Soomaaliya ugu magcaaban wasiirka warfaafinta oo muuqalka hoose akhrinaya, waa ninkii madaxda ka ahaa Ururkii Hawiye Concern Group waqtigii Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf Soomaaliya madaxweynaha ka ahaa
HAG, Maalin muuqalkn ayeey madaxweynaha ka soo duubayaan iyaga oo doonaya inay bahdilaan, maalinta ku xigtana SNM ayeey u hambalyeenayaa
Wasiirka wasaaradda Amniga dowladda Puntland Axmed Cabdullaahi Dowlad iyo wafti la socda ayaa si weyn loogu soo dhowayey degmada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland.
Labo Cisho ka hor, waxaan dhegaysanayey Hooyo Soomaaliyeed ee ku nool degmada Hadaaftimo ee goblka Sanaag, iyada oo leh waa argagxsanahay oo waxa nala dul keenay labaatn Tikniko ah , oo waxaan u cabsi qabnaa Caruurta iyo waayeelka aan qaxi karin sidii aan ka yeeli lahayn, marka SNM sidii dhaqanka u ahayd ay xabbadaha nagu furaan.
Inataa markaa dhegaystay, hase ahaatee aan ogahay in ciidamo badan oo Puntland ah ayna ka fogayn Hadaaftimo oo amnigoodu sugan yahay reer hadaaftimo, ayaan waxaan furay meelaha Bulahada Soomaaliyeed ku kulmaan. Waxaan ugu horaysiisyey koox kaligood xariifyada ah, oo afka Ingiriis wax ku qura oo ka soo wada jeeda beesha Daaroood.
Markiiba waxay Ishaydu ku dhacday qoraalkiisa Cabdisalaam Caato, oo ahaa afhayeenkii hore ee dawladdii Cumar Cabdirashiid, kana soo jeeda beesha Xerta, ee Goldogob qaybta ka degta. Waxaan qoraalkiisii ka mid ahaa. ” Dadyahoow Soomaaliyeed waa inaynu daacd noqonaa, Walaalaheena Somaliland aad ayeey inooga horeeyaan Inaga . Waa inaynu u hambalyeeynaa guushooda , kheyrna u rajeeynaa.
Bulshada ku nool gobolada Sanaag iyo Sool marna ku ducayn maayaan in Soomaaliya labo loo lakala gooyo. Cabdisalaam caato , hadaad aaminsan tahay Daarood oo kala qaybiyo waqooyi iyo Koonfur in beesha Leelkase ee aad ka soo jeedo ay saami fiican ka heli doonaan Koonfurta Soomaliya xisaab khaldan ayaad isku dhufatay, waxaadna u geftay Qarankii shalay kaa dhigtay afhayeenka
Lets be honest nation, our brothers in #Somaliland is way ahead of us. Let us congratulate them and wish them kheir.