SNM iyo Maakhir

Kulankii Odayaashii reer Maakhir iyo Ina Cigaal ee sanadkii 1993.

Sanadkii 1993, ayaa  Allah ha u naxariistee Maxamed Ibrahim Cigaal oo xukumayey maamulka SNM , wuxuu magaalada  Hargaysa  ku casumay Odayaal ka soo jeeda Beesha Warsangeli, si uu uga dhaadhiciyo goosashada ay  gobolada Waqooyi  kaga go’ayaan Soomaalida inteeda kale. Si uu arintaa uga saxiixdo, una  soo jiito Odayaasha Maakhir , ayaa markii ay odayaashii wada kulmeen, wuxuu u balan qaaday dhowrkan mashruuc inuu gobolka Sanaag ka hirgelinayo.

  • Jidka Geeldoora uu dhisayo
  • Warshadda Laasqoray oo mar kale ka shaqaysiinayo
  • Jaamacad uu u dhisayo gobolka Sanaag

Odayaashii Warsangeli, oo hadda intooda badani  ay dhinteen Allah ha u wada naxariistee dhamaantood,  markii ay ka soo baxeen Xafiiskii Ina Cigaal,  oo ay  jidka sii hayaan ,una sii socdaan Huteelkii ay magaaladaas ka deganaayeen, Ayaa oday ka mid ahaa  Odayaashii Warsangeli  intuu istaagay oo ku soo jeestay Odayaashii kale waydiiyey su’aashan . War heedhe Gurigii aynu Ina Cigaal kula kulnay ninka leh ma taqaaniin . Maya ayeey ugu jawaabeen. Anaa idiin sheegayee waxa leh  nin Hartiya oo la yiraahdo Morgan. War ma arkayseen meeshii aynu la fadhinay Ina Cigaal daaqaddii ku beegnayd isaga  ee jabnayd oo falaaraha qoraxdu  ka soo gelayeen. HAA. Ma nimanka daaqaddaa samaysan kari waayey  ayaa  warshadda Lasqoray inoo dhisaya,  War jidkan aynu marayno,  oo Jamacoow  aad dhowrka mar godadka ka qodan aad ku dhacday aadna ku  kufi gaartay, nimanka dhisan kari waayey miyaa inoo dhisaya jidka Geeldoora. Maya,  Hadaba gaariga u horeeya oo maalinta beri ah Bari u baxaya  aynu raacmo, meeshan sii joogis ma leh.

Labaatan sano ka dib Siilaanyo ayaa ka daba yimid Odayaashii, Isaguna dhagax ayuu dhigay Laasqoray lagu dhisayo Warshadii Laasqoray iyo jidkii Geel doora. Xilkii uu SNM ka hayey waa ka sii dhamaanayaa  isaga oo dhagixii uu dhigay dhagax kale ku soo darin

Ugu danbayntii marka danbe ee aad maqashaan Isaaq ayaa Mashaariic ka  hirgelinaya Maakhir, waxaad xasuusnaataan  inay tahay Marabbi ay degaanka SNM  ku hubaynayaan si ay amni daro uga abuuraan. Haday ay  dhacdoba  inay lacag siyaan Marabidan  waa mid beelaha Warsangeli madaxa laysugu dhufanayo

ALLSANAAG.COM

https://allsanaag.com/mashaariicdii-laasqoray-ee-somaliland/

Khaalid Uurcad Khaalid1970@hotmail.com

Puntland oo biyo xireen ka dhagax dhigtay Balibusle

Puntland oo Biyo xireen kale ka hirgelinaysa gobolka Haylaand

Hay’adda  American Refugee Committee (ARC) iyo Wasaarada Degaanka iyo duurjoogta Puntland,  ayaa Magalada Bali-busle ka dhagax dhigay biyo Xireen Qaadaya 45,000 Afartan iyo Shankun oo Birmiil,  kaas oo laga bilaabay Maanta gelinkii dame duleedka Magaalada Balibusle Ee Gobolka Haylaand .

Dhagaxdhigii Mashruucan Ee Maanta Waxaa ka soo qaybgalay Xubno ka Socda Maamulka Wasaarada,   Isuduwaha Wasaarada Degaanka iyo duur joogta,Badhasaabka Gobolka Hayland,  kan Degaanka Balibusle Ee Gobolka Hayland iyo Masuuliyiinta Hay,adda ARC.

Biyo Xireenka ayaa kufadhiya dooxa Wayn oo balaceedu aad u balaadhanyahay taas oo fursad siinaysa Xiliyada roobka In looga faaideysto biyaha roobka oo Xiliyo badan lugu baahi beelidoono.

Ugu horeyn Waxaa goobtan ka hadlay, Isla markaana ka hadlay ahmiyada iyo fa’iidiyinka Haradan Casriga ah u leedahay bulshada Mandaqada C/weli Aadan oo ahaa Masuulka ka socdey Hay’ adda   American Refugee Committee (ARC)  ,Wuxuu sheegay In mashruucani oo yahay mid uga baahan bulshada Degaanka In la ilaashado oo aan la dayacin marka la dhamaystiro.

Haradan Waa mid Casriya oo ah Plastic dhulka loo goglayo deedna lugu kaydinayo biyaha oo aad u kaafin doona Malayiin Qoys.

Sawirka Maxamed Axmed.

Sawirka Maxamed Axmed.

Xubno ka mida Qandaraas layaasha Mashruuca oo ah Shirka Sanaag Contracture Campny oo fulineysa howshan ayaa sheegay iyo Odayaasha Degaanka iyo bulshadaba kawada shaqayn donaan arrintan.

Gudoomiyaha Gobolka Hayland Mundane Maxamed Cawil C/laahi ayaa uga Mahadceliyey Wasaarada Degaanka ,Masuuliyiinta Hay,adda iyo dhamaan bulshada Degaanka siday uga wadda shaqaynayaan horumarka Biyo xireenkan oo Ahmiyad Weyn ugu fadhiya bulshada Gobolka gaar ahaan goobtan iyo Nawaaxigeeda oo ay ka ag dhow-dhowyihiin Xoola dhaqatada miyimiyigu.

Maxamed Axmed Ciise,  Balisbusle, Soomaaliya

Sawirka Maxamed Axmed.

Sawirka Maxamed Axmed.

Sawirka Maxamed Axmed.

Sawirka Maxamed Axmed.

 

Tacsi Nabadoon Cabdiraxmaan Saalax Faarax (Cabdi Wabax) oo Hargeysa ku geeriyooday

Bahda Allsanaag, waxay  tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed, Reer Maakhir,  qoyskii,  eheladii,  Caruurtii iyo qaraabadii uu  ka geeriyooday Allah ha u naxariistee   Nabadoon Cabdiraxmaan Saalax Faarax (Cabdi Wabax) oo maanta   Hargeysa ku geeriyooday

Marxuum  Nabadoon Cabdiraxmaan Saalax Faarax (Cabdi Wabax)   , waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana   midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii UU  ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah  ka siiyo, Aammiin, Aammiin.

Image result for duaa for dead person in arabic

Beenta SNM iyo beelaha Muqdisho

Daawo beelaha Muqdisho dega oo   dhinac ina Godane iyo Afgaani  ay ka qarxinayaan  dhinacna Horn cable ayaa daCaayad iyo sheeko aan jirain ka dhaadhicinayaan si ay xaaladda ay ku jiraan ee amni xumada ah ay isugu sii jiraanreer Muqdisho.

Gabadhan  weriyaha  sheeganaysa Naciimo saalax   iyo Xildhibaanka horay  isugu  qarxiyey  reer Muqdisho Saalax Badbaado  waa isu adeer, waxayna ka soo wada jeedaan beesha Isaaq. Muqdisho waxay u joogaan in Bulshada halkaa DEGAN ay  Maskaxda iyo jidhkaba ka qarxiyaan

https://youtu.be/QuZX4JkOtt8

Khayre oo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Gaashandhigga kadib markii uu iska casilay xilka Wasaaraddaas Mudane C/rashiid C/llaahi Maxamed.

Ra’iisul Wasaraaha ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre lagu magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga ee cusub islamarkaana xilkii looga qaadye Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga  umagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,iyadoo sidoo kale isla Wareegtadaasi xilkii looga qaaday Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya,Dr Iimaan C/llaahi Cali.

Xilki Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya waxaa sii haynaya Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi C/xakiin Xuseen Ashkir.

https://youtu.be/y3gNtug1rGg

Puntland oo Saldhiggii 4-aad Ka Dhagax Dhigay Magaalada Yubbe ee Gobbolka Sanaag.

Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 26 Nov 2017 magaalada Yubbe ka dhagax dhigay Saldhiggii Afraad ee gobolka Sanaag laga dhagax dhigo.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland iyo weftigiisa ayaa waxaa magaalada Yubbe ee gobolka Sanaag kusoo dhoweeyey Boqorka Ibraahin Maxamed Xasan Isdeldel [ Gamacma Yare], Nabadoon Cige Jaamac Shire, Nabadoon Saciid Faarax Xasan, aqoon yahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa ugu horayn shacabka magaalada Yubbe, isimada, Nabadoonada iyo masuuliyiinta kale ee soo dhoweyseyba uga mahad celiyey sida waddaniyaddale ee ay usoo dhoweeyey isaga iyo weftigiisa, waxaana uu timaamay Agaasimuhu in magaalada Yube tahay meel muhiim ku ah gobolka iyo guud ahaanba Puntland, isla markaana ay tahay meel ay ku dhaqan yihiin dad dhaqan yaqaana, waxgaradda, sharaf iyo maamuus u saaxiiba.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa xaqiijiyey in Saldhiggii afraad maanta laga dhagax dhigay magaalada Yube ee gobolka Sanaag, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in ka dawladda ahaan wax kasta oo lagu hirgelinkaro saldhiggaasi ka diyaar yihiin wakhti xaadirkan, si daasi daraadeedna looga baahan yahay maamulka magaalada, isimada iyo waxgaradka kaleba ka qayb qaadashada dhismaha saldhigga.

“Yubbe waa magaalo muhiimad gaara u leh gobolka, dad dhaqan soo jireen ah leh ay degen yihiin, sidaa daraadeed waxaan garan karaynaa Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in uu gartay qiimaha iyo ahmiyadda ay leedahay magaaladan iyo dadka degan ee ku dhaqanba, waxaan ka cudur daaranaynaa wixii gaabis ah ee dhankayaga kayimid laakiin maanta waa sidaa inagoo isku duuban aynu u dhagax dhignay Saldhiggii Booliska ee Afraad ee muddo sadex cisho gudohooda aanu ka dhagax dhigno gobolka Sanaag “ ayuu yiri Agasimuhu.

Dhinaca kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa ku booriyey maamulka magaalada Yube iyo shacabkooda inay ku dedaalaan ka qayb qaadashada hirgelinta dhismaha saldhigga, maadaama uu muhiimad gaara uleeyahay xasiloonida, kala danbaynta iyo amaanka magaalada iyo guud ahaan degaanada hoosyimaada, isla mar’ahaantaana waxa uu kula dardaarmay shacabka magaaladaasi inay kawada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka magaaladooda.

Boqorka Ibraahin Maxamed Xasan Isdeldel [ Gamacma Yare] ayaa dhankiisa cadeeyey inay u heelan yiihin gacan qabashada horumarka dhan walbale ee ay dawladda Puntland kawaddo gobolka Sanaag gaar ahaan saldhiggyada muhiimka ah ee laga dhagax dhigay magaalooyinka waaweyn ee gobolka Sanaag, isla markaana waxa uu xusay in masuuliyiinta iyo shacabka magaalada Yube uga mahad celinayaan Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xukuumaddiisaba waxqabadka balaadhan ee ay kafuliyiin magaalada Yube iyo guud ahaanba sagaalka gobol ee Puntland.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, taliyayaasha ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee gobolka, cuqaasha, siyaasiyiinta iyo nabadoonada ka hadlay madasha dhagax dhigga ayaa iyana dhankooda si wada jira u xusay in Saldhigga Booliska maanta laga dhagax dhigay magaalada Yube uu yahay horumar u soo kordhay magaalada iyo guud ahaan degaanada hooyimaada, waxaana ay tilmaameen in uu ka qayb qaadan doono Saldhiggu nabadda, xasiloonida iyo kala danbaynta magaalada Yubbe ee gobolka Sanaag.

Ugu danbayn, Agaasimaha Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl  iyo weftigiisa ayaa kormeeray xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee magaalada Yubbe iyo sidoo kale tuulada Jiingadda oo hoostimaada magaalada Yubbe ee gobolka Sanaag.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADA PUNTLAND.

Gobolka Sanaag

Gobolka Sanaag oo ah goboka labaad ee ugu weyn sideed iyo tobonka gobol  ee dalka  Soomaaliya,  ayaa waxa ka been sheegay sida loo wada  degan yahay  maamulka SNM oo ay samaysteen beelaha Isaaq, iyaga oo ku marin habaabibnaya bulshada Caalamka

Gobolka Sanaag wuxuu ka kooban yahay shan  degmo oo kala ah:

Degmada Ceerigaabo, Degmada Ceelafweyn, Degmada Dhahar, degmada Badhan iyo degmada Laasqoray. Beesha isaaq waxay ka  degaan xaafad ka mid ah degmada Ceerigaabo iyo degmada Ceel Afweyn. Halka beesha Warsangeli ay degaan gobolka  degmooyinka Dhahar,Ceerigaabo, Laasqoray,  iyo Badhan. waxa kale oo jira magaaloyin la mid ah ama ka waaweyn degmooyinka Soomaaliya sida Xingalool, Buraan, Hadaaftimo, Yube iyo Ceelaayo. Waxa kale oo jira 40 Tuulo oo beesha Warsangeli ka degaan gobolka Sanaag  oo ay ka mid ayihiin Daara salaam,  Maraje, Cawsane, Mindigale, Ceel buh, Bali busle,  baraagaha qol,  Damala xagar,  Dhabar dalool , Biyo gudood, Shimbirale, carmale, Wardheer, Tooraboora, Cad cado, Dur duri, Gacan, Xabaal shaawacle, Ceel la helay, Beeraara, Xidid, Xamur, Ceel La Qoday, Gebi dheer, HarWeyn iyo Qoraxjiif.

Juqraafi ahaan mar haddi gobolka Sanaag yahay gobolka labaad ee Somaaliya ugu dhulka weyn, intee ayeey ka degaan beesha Isaaq?.

Xaafad ka mid ah Magaalada Ceerigaabo ilaa xeebta badda cas ee waqooyiga magaaladaas,   oo la mid ah inta ay isu jiraan Badhan iy Laasqoray waxa dega beesha isaaq.

Galbeedka Xaafdda Dayacan ee magaalada Ceerigaabo ilaa xadka gobolka Togdheer oo qiyaastii ah 55km waxa dega beesha Isaaq. Halka bartamaha magaalada Ceerigaabo ilaa duleedka magaalada Boosaaso oo ah xadka labada gobol ee Sanaag iyo Bari  ay degaan beesha Warsangeli, dhulkaas oo lagu qiyaaso baaxadda dhererkiisa  ku dhowaad 400km. Xeebta Badda Cas ilaa xadka  gobolka Nugaal oo qiyaastii ah 400 Km waxa dega beesha Warsangeli. Koonfurta magaalada Ceerigaabo ilaa xadka gobolka Sool waxa dega beesha Dhulbahante.

Gebagebadii Juqraafiga   oo aduunka ku  qiimeeyo degaanka iyo dadka ku nool  ayaa beesaha Warsangeli gobolka Sanaag waxay ka degaan boqolkiiba Todobaatan. Waxa kale oo cadayn buuxda ah maamulkii SNM oo shalay ka been sheegay bulshada waqooyiga Soomaaliya iyaga oo beesha caalamka ka dhaadhicinayey  in boqolkiiba sagaashan in ka badan bulshadaasi  ay u codeeyeen ,  ayaa iyaga oo maanta  sadbursi  degaan sheegasho raadinaya oo an horay looga baran inay run sheegaan  waxay beesha Warsangeli u qireen in gobolka Sanaag ay  ka degan yihiin boqolkiiba Afartan. Qof kasta oo Soomaaliyeed waa garan karaa xaqiiqda runta ah  mar haddi maamulkii beenta iyo huuhaada badnaa uu qiray in  40% ay beesha Warsangeli ka degaan gobolka Sanaag , inay ka degaan  gobolka  inta ay sheegeen in ka badan

Allsanaag.com. Gaarhayaha gobolka Sanaag iyo Maakhir

 

Shirqoolka SNM ee gobolka Sanaag

Arintan hoos ku qoran mid la mid ah,  ayaa SNM hadda doonayaan  inay ka bilaabaan Maakhir. Shirqoolkan waxa loogu magac daray ” Siddi gobolka Sanaag looga saari lahaa dhulka  lagu muran sanay oo xoog iyo lacag waxay lahaayeen ku qabsan lahaayeen dhamaan gobolka . Iyaga oo lacag u balan qaaday saraakiil iyo isimo.

 

Taliye sidii qorshuhu ahaa Waxaynu ku jirnaa wejigii 3aad ee Barnaamijkeennii ka aargoosiga Daaroodka Ilaah baa Inoo hiiliyey Wixii aynu hanti aynu u hurnayna waxaa inooga qiimo badan gacan ku haynta Laascaanood oo sidii looga baqayey iyo si u dhawtoona si aan ahayn laynoogu sakhiray.
Haddaba qolodayada bariga liiskii naloo xil saaray ee rag doorka Maxamuud Garaad waa kan annagoo la kaashannay guurti Habar jeclo iyo dad Dhulbahante wax la wadaaga rag iyo dumurba iyo kuwii iyaga ahaa ee midiiddinka inoo ahaaba.

Taliye fulinta hawshan waa in aan sinaba adiga laguugu tuhmin,Xitaa Isaaqeena haw adeegsan kuwa inoo dhagaroobey ee calooshood u shaqeystayaasha ee Dhulbahante culeyska saar adigoo ku dhaarinaya in haddii la ogaado aanu noolanayn hadduu xogta saaro.Ragga aynu isku hubno waxaa ka mid ah Cabdinuur Diiriye Sugule oo ilaa SNMtii inala socday,maxaabiisteeniina soo furdaamiyey.
Ninka Rashiid Ligan la yiraahdo waxaa laga helaa xogta dhabta ah godobo badana inoo galay, Hadaad u baahatid cid deg deg loo khaarajiyo cid aan Cali Baaruud ahayn uma baahnid.

Shirkii u dambeeyey Shuurada Saadada wuxuu Cabdiraxman Ducaale ka sheegay in mushaharkii labanlaab looga dhigay basaasiinteenna Daaroodka ah, Taliye Hablaheena la qabo ee magaalada degan uga qaad Dahabshiil 5 kun oo doolar oo xafiiska tabarucaadda ka dalbo.

Ninka iminka Laaska jooga ee geesinnimo,garaad iyo kartiba laysugu daray oo Naaleye Axmed oo dhan wada ogol yihiin gudo iyo debed oo horayna dhawr jeer halkan nagu gilgiley xilligii Daaroodku baalka ka qoyanaa,Waa wiil yar oo xitaa baarlamaanka Puntland xubin ka noqday, In aad isaga ugu qabtaannu qabnaa si intooda kalana loogu bahdilo magaciisu waa:C/rashiid Maxamed Warsame wuxuuse caan ku yahay �Faroole Dhabayaco� waa inaanu Mandeera ka sokeyn,hadhawna aynu saani isugu dhaafino si farsameysan oo la liqi karo.

Ragga kale ee macnaha lihi badi qax bay ku bexeen laakiin 7 kale oo Jaamac Siyaad iyo Ugaadh yahan ah ayaa iminka jooga waana magacyada gaarka u calaamadsan, Kolay khabiir waa tahayee kala fogfogee oboreyshinnada walow aynaan cidna wax iskaga tirinayn haddana waa in aan beesha caalamku inoo helin marmarsiinyo ay qurbajoogtoodu inagaga gar heli karto.

Taliye liiskani waa 45ka nin ee inoogu khatarta badan mid kastana xogtiisa lifaaqa ka daalaco,Ragga aad isticmaali kartid u sheeg in ay ku soo fool lee yihiin 3 gabdhood iyo wakiiladii waaxdayda ka tirsanaa ilaa Boosaso,Taliye hanaga deg degin.