26th July 2024  admin  Category :

Gobolka Sanaag oo ah goboka labaad ee ugu weyn sideed iyo tobonka gobol  ee dalka  Soomaaliya,  ayaa waxa ka been sheegay sida loo wada  degan yahay  maamulka SNM oo ay samaysteen beelaha Isaaq, iyaga oo ku marin habaabibnaya bulshada Caalamka

Gobolka Sanaag wuxuu ka kooban yahay shan  degmo oo kala ah:

Degmada Ceerigaabo, Degmada Ceelafweyn, Degmada Dhahar, degmada Badhan iyo degmada Laasqoray. Beesha isaaq waxay ka  degaan xaafad ka mid ah degmada Ceerigaabo iyo degmada Ceel Afweyn. Halka beesha Warsangeli ay degaan gobolka  degmooyinka Dhahar,Ceerigaabo, Laasqoray,  iyo Badhan. waxa kale oo jira magaaloyin la mid ah ama ka waaweyn degmooyinka Soomaaliya sida Xingalool, Buraan, Hadaaftimo, Yube iyo Ceelaayo. Waxa kale oo jira 40 Tuulo oo beesha Warsangeli ka degaan gobolka Sanaag  oo ay ka mid ayihiin Daara salaam,  Maraje, Cawsane, Mindigale, Ceel buh, Bali busle,  baraagaha qol,  Damala xagar,  Dhabar dalool , Biyo gudood, Shimbirale, carmale, Wardheer, Tooraboora, Cad cado, Dur duri, Gacan, Xabaal shaawacle, Ceel la helay, Beeraara, Xidid, Xamur, Ceel La Qoday, Gebi dheer, HarWeyn iyo Qoraxjiif.

Juqraafi ahaan mar haddi gobolka Sanaag yahay gobolka labaad ee Somaaliya ugu dhulka weyn, intee ayeey ka degaan beesha Isaaq?.

Xaafad ka mid ah Magaalada Ceerigaabo ilaa xeebta badda cas ee waqooyiga magaaladaas,   oo la mid ah inta ay isu jiraan Badhan iy Laasqoray waxa dega beesha isaaq.

Galbeedka Xaafdda Dayacan ee magaalada Ceerigaabo ilaa xadka gobolka Togdheer oo qiyaastii ah 55km waxa dega beesha Isaaq. Halka bartamaha magaalada Ceerigaabo ilaa duleedka magaalada Boosaaso oo ah xadka labada gobol ee Sanaag iyo Bari  ay degaan beesha Warsangeli, dhulkaas oo lagu qiyaaso baaxadda dhererkiisa  ku dhowaad 400km. Xeebta Badda Cas ilaa xadka  gobolka Nugaal oo qiyaastii ah 400 Km waxa dega beesha Warsangeli. Koonfurta magaalada Ceerigaabo ilaa xadka gobolka Sool waxa dega beesha Dhulbahante.

Gebagebadii Juqraafiga   oo aduunka ku  qiimeeyo degaanka iyo dadka ku nool  ayaa beesaha Warsangeli gobolka Sanaag waxay ka degaan boqolkiiba Todobaatan. Waxa kale oo cadayn buuxda ah maamulkii SNM oo shalay ka been sheegay bulshada waqooyiga Soomaaliya iyaga oo beesha caalamka ka dhaadhicinayey  in boqolkiiba sagaashan in ka badan bulshadaasi  ay u codeeyeen ,  ayaa iyaga oo maanta  sadbursi  degaan sheegasho raadinaya oo an horay looga baran inay run sheegaan  waxay beesha Warsangeli u qireen in gobolka Sanaag ay  ka degan yihiin boqolkiiba Afartan. Qof kasta oo Soomaaliyeed waa garan karaa xaqiiqda runta ah  mar haddi maamulkii beenta iyo huuhaada badnaa uu qiray in  40% ay beesha Warsangeli ka degaan gobolka Sanaag , inay ka degaan  gobolka  inta ay sheegeen in ka badan

Allsanaag.com. Gaarhayaha gobolka Sanaag iyo Maakhir

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*