26th July 2024  admin  Category :

Oramadda Itoobiya  oo qaaday jidkii USC 1991 ee Burburka iyo bililiqada

Banaanbaxayaal udhashay qoomiyada Oromada ayaa magaalada Sebeta ee kililka Oromada ku gubay 11 warshadood iyo 62 baabuur.Warshadaha la gubay waxaa kamid ah warshada dharka ee Tutu textike,Aba Guna,Ababo Highland iyo Roto Plastic

Warshadahan la gubay ayaa waxaa ka shaqeynayay 40 kun oo shaqaale ah oo noloshooda warshadaha ku tiirsanayd.Baabuurta la gubay oo tiradooda guud lagu sheegay 62 ayaa isugu jira kuwo ay dowladu leedahay iyo kuwo shirkadeed.

Warbaahinta dowladu waxay sheegtay in banaanbaxayaashan ay dadkii magaalada Sebeta ku qasbeen inay meheradaha ganacsiga xidhaan guryahoodana ku ekaadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*