27th April 2024  admin  Category :

Imisaa Muqmadda galbeed ka imanaysa aynu afduub u ahaanaynaa?

Tobon sano ka hor ayaa degaano ka mid ah gobolka Sanaag waxa duulaan ka soo qaaday jabhadda SNM, markaas oo ay madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ay Puntland ka ahaayeen Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdisamad Cali Shire

Maalintaas ayaan la xiriirnay madaxtooyada Puntland si aan wax uga ogaano qorshaha dawladda Puntland ee difaaca degaanka ay Jabhadda SNM soo weerartay.

Mid ka mid ah xoghaynta oo telefoonka naga qabtay ayaa markaan arintan u sheegnay noogu jawaabay ” Dadku waa wada ehel iyo Xidid, oo hadda waxaan gawaari ka rogaynaa Oodkac ay Faroole iyo Cabdisamad ay xididkoodu Hargaysa uga soo dhiibeen. Intaanan wax kale waydiin ayaan su’aalnay in Oodkaca Xididku Hargaysa ka soo dhiibay ma hal gaari ayuu wada saarnaa . Maya ayuu ku jawaabay oo labo gaari ayaa Garoowe u soo qaada labaddi todobaadba mar Oodkaca, halka gobolka Sanaag ay maalintaas SNMu soo direen Tikniko

Tobon sano ka dib, wasiirka caddaladda SNM oo ku sugan Xingalool iyo wasiir ku xigeenka gaadidka SNM oo ku sugan Dhahar ayaa madaxweyne Deni oo dhowaan wiilkiisu sidii Faroole iyo Cabdisamad la xididay beesha Muuse Biixi, waxa laga sugayey inuu wasiiradan daandaansiga wada uu u jawaabo. Ma dhicin inuu u jawaabo,hase ahaate wuxuu jawaab siiyey kuwa difaaca ka sugayey :”Somaliland xidid iyo qaraabo ayaan nahay haddaanan u hadal yaa u hadlaya ?nDeni ayaa sidaa yidhi “.

Looma dooran afhayeenka Somaliland iyo xididnimo ee waxa loo doortay ilaalinta midnimada Puntland.

Ugu danbayntii lama garan karo inta Oodkaca galbeed ka imanaya iyo xididnimada la siyaasadeeyey ay jihaynayaan siyaasadda Puntland, laakiinse waxa la hubaa in maamulka SNM uu wax badan ku helay xididinimada madaxda Puntland oo ay sii wadi doonaan, oo Muqmaddii Xididka Faroole iyo Cabdisamad lo soo goyn jiray waagii ay Puntland HogaaminAYEEN, maantana Deni iyo wiilkiisa Hargaysa LOOGA SOO GOYNAYAA

Allsanaag.com

3 thoughts on “OODKACA aynu U AFDUUBNAHAY

  1. Jirac

    Amazing Deni iigu kaadiya in yar bal dabinka si fiican ha ugu dhacee “Faroole Wali wuu wadaa dhibkan aan dhammadka laheyn” ilaa maalintii puntland la dhisay oo uu isbaarada dhigtay up to now isma bedelin some times I feel depressed marka aan waxaas arko khaasatan odagaan faroole ah waayo sababtii aynu u dhisanay puntland iyagoo kale maba aheyn iney fooda soo galiyaan inay xil ka qabtaan iskaba daaye laakiin way dhacday. Sheekadaan luqmada waa mida 12 years ago markaan maqlay aan idhi tolow maxaa xigin “maquraarad in loogu jajibiyo laguna laayo baa xigin Sidii bayna noqotay waxaa ugu denveeyey Adeer Cali Khalif” Haddaan u soo noqdo Deni wuu ogyahay inuu san soo noqoneyn oo u gacan galay Aaran jaan iyo Daamul jadidkii uu ka tirsanaa marka wuu cabsaday wuuna ogyahay isagoo calooshu karkareyso inuu is arko ma rabo. Insha Alaah the good change will come soon. Balanteenu waa horu marinta puntland dhameystirka mashaariicda socda Dekadha, jidka barakeysan#@Niniyofoosto

    Reply
  2. Raage Muuse

    Waxaan oranlahaa walaalahayga harti waqooyi majeerteen iyo Iidoor indinkaa u dhexeeya iskana badiya waxa ay dhulkoodii haystaan waa Harti waqooyi waxa horgalada u ah ee kaana dhulkiina waa idin ka kuwo hubka iyo gaadiid Puntland u gacan geliyaa waa idinka, kuwa ay hubka iyo saanada usoo mariyaan argagixisada buuraha waa idinka . Kuwo ogol ee raba inay Iidoor gumaystaan waa idinka markaa ilma adeerayaalow maxaad majeerteen ku eedaysaan oodkacooda hayska calashadeene hadaad idinkuba dhulkiinii sarifateen. Majeerteen cadowga ay leeyihiin waa ini fargaajo iyo ilkayar ee ogaada. Iidoor hadaad diyaar u tehiin inaynu dhulka harti ka xorayno kasoo baxa oo idinkoo isku dhan noo imada gelin inagu qaadanmayso inan ilaa Burco iyagoo cagacad gaynee. War aynu gar naqsano ilma adeerayaalow oo aynu xaqiiq da u nimaadno.

    Reply
  3. ibraahim

    Waxaan la hadlayaa walaalahayga maxamuud harti oo runtii aad iyo aad u jeclahay kuna tuhmayo ilbaxnimo iyo taariikh dheer oo soo jireen ah oo aan qoraal lagu koobi karin, waxaan idin leeyahay anigu nin majeerteen ah ayaan ahay faroole iyo kooxdiisa waxaan ka jeclahay puntland oo isku dhan iswada ogol meel uawad jeeda. waxaanse rabaa inan sheegowaxa weye dhibaatada ina haysataa maahan oo kaliya ini faroole iyo aaranjaan kaliya ee aynu qirno isla garano deedna xal u helno sidii aynu uga gudbilahayn inagoon is eedayn is nicin reer hebel is oran waayo siyaasiyiintu waa ashqaas beelo maahan . maxamed harti iyo maxmuud harti waa walaalo dadkoodu waa isku dan waa isku duruuf waa isku dhiig isu damqada oo aan kala maarmin. waxaan qabaa maxamuud harti maanta wadadii horumarka ayuu hayaa walaalahood maxamed harti iyo axmed hartina way hareer taaganyihiin hiil iyo hoona waxba ka hagran maayaan hamigooda ugu wayna waa hirgelinta jidka barakaysan ee ceeldaahir ceerigaabo Illah idinkiisna guulbaa ka dhow, jidka barakaysan ujeedada loo asaasay iyo aragtida dheer ee dadka reer puntland ka leeyihiin khaasatn maxamuud harti iyo maxamed harti maaha kaliya wado laami ah oo isku xirta sanaag iyo bari kaliya balse waxaa weye dhamaan gobolka Sanaag oo ay leedahay saldanada Warsangeli in lagusoo xiro puntland oo ay ceerigaabo noqoto magaalo ka tirsan puntland iyadoon dhiig ku daadan dagaalna ka dhicin sidaasi inay dhacdo jidka barakaysan ayaa khasbaya. waxaan u jeclahay oo uu ale igu ogyahay horumarka iyo wanaaga walaaladay warsangeli. aynu khayr rajayno marwalba shacabku waa waalo siyaasina maanta ayuu joogaa barina midkala imandoona insha Allahuu waan qirayaa in ducfi bada hartiga oo dhan ku habsaday kaasoo aynu inagu isbadnay ee uusan allah ina badin. aad ayaan idiin salamayaa Allsanaag. hadaan qaladamy iga raali noqdaa

    Reply

Leave a Reply to ibraahim Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*