26th April 2024  admin  Category :

Ololaha Gurmadka Degdegga ah ee Abaaraha Puntland 2022.Ceelbuuh- Sanaag: Hay’adda wadaniga ah ee Tadaamun (Tadaamun Social Society – TASS) ayaa magaalada Ceelbuuh ee Gobolka Sanaag maanta ka daahfurtay ololaha gurmadka degdega ah ee abaaraha Puntland – 2022.

Deegaanka magaalada Ceelbuuh ku hareereysan oo ka mid ah dhowr goobood oo ku yaal gobolka Sanaag oo Hayadda Tadaamun ka fulinayso biyo- dhaamis ayaa kamid ah dhulka sida aadka ah ay u soo degeen reer guuraaga soo hayaamay ee abaartu saameysay.

Gurmadkan biyaha ah waxa ku deeqay Shirkadda Ganacsiga guud ee Towfiiq, Waxana ka soo qayn galay kulankii daah-furka guddoomiyaha magaalada Ceelbuuh Maxamed Axmed Cali Salaad, Madaxa Cashuuraha beriga gobolka oo matalaayey Guddoomiyaha Gobolka, mudane Cali C/laahi Cabdi Ibraahim, Mohamed Said Faarah oo metelaayey Maamulka hay’adda Tadaamun iyo xubno ka mid ah reer guuraaga soo hayaamay, waxana goobta si aad ah looga mahadceliyey shirkadda Tawfiiq iyo hay’adda Tadaamun.

Dadka ka faa’iidaystay Biyaha ayaa aad ugu mahadceliyey Shirkadda Towfiiq, Allahna u waydiiyey inuu Maalkooda u barakeeyo, waxayna xuseen xilligii ay ugu baahida badnaayeen inay Hay’adda Tadamun soo gaarsiisay oo ay Shirkadda Towfiiq soo marisay Deeqdan.Hay’adda Tadaamun ayaa la filayaa inay ololahan ka fuliso gobolada kale ee Puntland ee abaaruhu saameeyeen.

May be an image of 1 person, outdoors and text
May be an image of outdoors and text
May be an image of animal, outdoors and text
May be an image of 2 people and outdoors
May be an image of 1 person, standing, outdoors and text
May be an image of 1 person, standing, outdoors and text
May be an image of 1 person, animal, outdoors and text that says 'Gurmadka Degdega ah ee Abaaraha Puntland 2022. (Gobolka Sanaag) adamur Social Society TASS'

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*