17th November 2025  admin  Category :

NINKII SHILKA BAABUUR 2023 KII KU DILAY 5ta GABDHOOD OO LAGU XUKUMAY XABSI DHEER .

Qoysas badan oo Soomaaliyeed ayaa helay caddaalad markii Derrick Thompson, oo 29 jir ah, lagu xukumay 58 sano iyo 8 bilood oo xabsi ah kadib shil xawaare sare ah oo uu ku dilay shan gabar Soomaali ah labo sano ka hor.

Gabdhaha la dilay waxay kala ahaayeen:Sahra Gesaade, 20 jir,Salma Abdikadir 20 jir,Sabiriin Ali, 17 jir,Sagal Hersi, 19 jir iyo Siham Odhowa, 19 jir

Gabdhahan Geeryooday mar qura Allaha u naxariistee waxay ahaayeen saaxiibo , waxayna Xiligaas u diyaargaroobayeen aroos ay saaxiibadood leedahay habeenkaas sida la sheegay

Shilku wuxuu dhacay June 16, 2023, markaas oo Thompson uu si xowli ah (in ka badan 100 mph) uga socday Interstate 35W kuna leexday East Lake Street halkaas oo uu si lama filaan ah u garaacay gaariga gabdhaha, iyaga oo isla markiiba ku dhintay.

Thompson waxaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin,5 dacwadood oo ah dil heerka saddexaad,10 dacwadood oo ah dil ah sababo la xiriira baabuur si khaldan loo waday,Dambiyo federaal ah oo ku saabsan daroogo iyo hub sharci darro ah

Garsoore Carolina A. Lamas ayaa ku dartay in xukunka uu leeyahay 19.5 sano oo kormeer xabsi kadib ah. Waxa uu horey u helay 767 maalmood oo xabsi ah oo lagu tiri doono xukunkiisa.

Intii ay socotay maxkamadda, qoysaska gabdhaha ayaa bixiyay hadallo murugo leh. AUN Sundus Ali, walaasheed Sabiriin, waxay tiri:

“Nolosheedu waxay ahayd mid kaliya bilaabanaysay. Waxay rabtay jaamacad, in ay dadka caawiso… Hadda waxaan nahay qoys dhaawac aan waligiis bogsaneyn la ildaran.”

Danbiilaha Thompson ayaa hhadlay intaan la xukumin mudo 5 daqiiqo ah isagoo yiri:

“Waxaan lahaa niyad jab, waxaan isku dayay in aan muujiyo raalli-gelin… Waxaan doonayay in aan xiro dacwadan, xataa waxaan aqbalay 15 sano xabsi. Laakiin aniga ma aanan rabin in la i muujiyo sida dambiile waalan.”

Dacwaddii hore wuxuu isku dayay in uu ku eedeeyo walaalkiis, Damarco Thompson, laakiin Damarco wuu beeniyay in uu gaariga watay.

Thompson waa wiilka John Thompson, oo horey u ahaa xildhibaan ka tirsanaa Golaha Gobolka Minnesota, saaxiib la ahaa Philando Castile, balse xafiiska lumiyay kadib fadeexado siyaasadeed.

Xeer ilaaliyaha gobolka, Mary Moriarty, waxay tiri:

“Thompson waxaa loo qaaday caddaalad. Xukunkani wuxuu xaqiijinayaa inuusan mar kale dhibaato u geysan bulshadeena.”

Somali TV Minnesota 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*