26th July 2024  admin  Category :


”Nin Hodhow Muuse Biixi Cafis Weydiisanaya Hawiye Ma u Maahmaahi Karaa”

Waxaan Daawaday Shir Ay ku qabten Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Xubno Ka soo Jeeda Beesha isaaq, gaar ahaan kuwa la xamaasha Xukumada Madaxweyne Farmaajo Qeyb kamid ah,

Shirka waxaa loogu magac Daray Shirka gobolada Waqooyi ee Somaliland,

Marka horaba iyadoo Shirkaasi yahay Riwaayad Jilitaankeeda lawada og yahay ayaa hadana waxay Riwaayada ku galen Intay Jilaayen Khaladaad Badan.

Marka hore waxay dhehen Gobolada Waqooyi ee Somaliland! Majirto wax La dhaho Gobolo Somailand ku midaysan tahay oo waqooyi taasi waxay kamid tahay Khaladaadka Riwaayada uu ka Ahaa Aktarka Wasiir ku xigeenka Koobaad ee Xukumada Raysal wasaare Rooble Mr Mahdi Guuleed,.

Arrinta aan la yaabay ee kale waxay Ahayd markaan arkay Wasiirka Warfaafinta Dawlada somaliya, oo intuu soo xidhay Suudh iyo Koofiyad is yidhi u maahmaah Mucaaridka xubnaha loogu yeedho ee Ku sugan Muqdisho una badan Beesha iska leh Muqdisho,

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya isagoo deegaan ahaan ka soo Jeeda Burco iyo Hargaysa, misana Xamar ka jilaaya in uu halkaas ku matalo maamulka SNM oo 30 sano cadhaysan Ayuu u maahmaahay Rag uu Marti u yahay oo U dagan yahay Magaaladoooda,

Wasiirka Warfaafinta Somalia, ee Beesha isaaq Wuxuu yidhi isagoo isla Cajabsan‘Bari ayaa nin oday ah waxaa uu xoolaha ka iibsan Jiray Ganacsade Indho Deero kadib lacagta uu ku soo iibsado Neefka Adhiga ah ayuu dib usiin jiray isla intii isagan wax Faa’iido ah saaran Maantii danbe ayaan idhi maxaa kugu jira xoolahan aad intii aad ku iibsatay dib ugu iibinasi wuxuu iigu jawaabay ayuu yidhi Xarakada ayaan uga jeeda macnaha dhaqdhaqaaq inan sameeyo”

Wasiirku isagoo isla sii Quman ayuu yidhi ‘‘Ragan Mucaaridka ah aan moodano inay ku maqan yihin Dagaal iyo Xabad kuma Maqnee Xarakaday uga Jeedan’ Waxa Xarakada looga Jeeda ee uu sheegaya waa Shirarka iyo Go aamada ka soo baxa Shirarka Mucaaridka,

Anigu Cabdi Ciro ahaan waxaan is weydiiyay Tolow Ayaa xarako iyo Dhaqdhaqaaq uun ku jilaaya Xamar ma Mucaaridka hawiye mise Wasiirkan Aan tagi karin Burco iyo hargaysa, ee Barina marka xilka laga qaado Sida Maareeye odhanaya Waxay Haysa Dawlada Somalia Dhabadii Burburka!

Wasiirka Hadalkiisa markaan Maqlay waxaan xasuustay Qudbadii Axmed Madoobe ee Ahayd Dhuxul Dab ah Ayaad Ku Ciyaarasan ee Haku Ciyaarina

Ninka Burco iyo Hargaysa udhashay ee Durbaanka Ka Gaaracaya Muqdisho waa Shaqaale Qurxinaya Shaqadiisa laakiin aan Qurxin Karin Dawlad Nimada Somalia,Inta Maanta ku shirtay Muqdisho waa inta ugu ayaanka Daran Somaliya Xaga siyaasada Muqdisho,’

Maamulada ka jira Soomaaliya Khilaafkasta oo dhaca oo dhexmaraya Dawlada iyo Maaaulada Xubnaha ka soo jeeda maamulada ee ku sugan Xamar haday tahay wasiir ama Xildhibaan Mar uun way galiyn cagta deegaankii ay ka soo jeeden laakiin Xubnaha Isaaq 30 sano ayay marba xukumada timaada kula dhamaystaan Xamar Iyagan Hal maalin tagin Deegaankooda hodhowna marka xilka laga qaado AmaAy dhamaystaan waxay cafis ka dalbadan Muuse Biixi si ay usoo Galan Burco iyo Hargaysa,Ninka Saas ahi Cid ma u maahmaahi kara?

W/Q Cabdi Ciro

https://fb.watch/2db_-vCneQ/ https://fb.watch/2dbmWCs37g/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*