20th May 2024  admin  Category :

Xildhhibaanka bahwadaagta reer Saalax, Xildhibaanka Bahwadaagta Bihi Idoor, Xildhibaanka beesha Adan Siciid, Xildhibaanka beesha Cismaan Ugaaryahan ee Dubeys iyo  Xildhibaanka Beesha Warlabe , oo markii xubinta Xildhibaanimo ee baarlamaanka Puntland  raadinayeen ahaa Atoorayaal Awod badan, oo beelahooda ku lahaa la idiin joojin maayo markii loogu baaqay  wada tashi iyo tartan xalaal ahoo wiilasha reerku wada galaan

Nimankii is mahadiyey ee awoodda  ku  dhex sheegtay  gobolka Sanaag,    hase ahaatee xubin Baarlamaanka Puntland  ku noqday markii  beelaha reer Maakhir ay u tanasuleen  si beeluhu nabad uga wada noolaadaan, ayaa maanta markii ay noqdeen Xubno baarlamaan oo ka mid ah baarlamaanka Puntland oo la hor keenay   Wasiiro dhaarsan oo hal beel ka soo wada jeeda, waxay    gacanta u wada taageen inay ansixiyaan  oo  sharciyeeyaan  Caddalad darddaa Siyaasiyiibnta Majeerteen qaarkood ku kaceen  sida Deni iyo Faroole .

Xildhibaanadan laga soo Doortay degaanada Habar shiro, Dhahar, Xingalool iyo intooda badan oo laga soo doortay degmada  Badhan, waxay ahaayeen kuwo aad u xoog badnaa, markii ay beelaha Warsangeli dhexdooda ka doonayeen xubin Xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka Puntland . Intooda badan awood, laaluush iyo Isim ay si xun u  adeegsadeen ayeey ku soo baxeen. Xasarad, buuq  iyo is aaminid la’aan ayeey dhex dhigeen beelihii walaalahaa oo aan horay dhibtu u dhex ool dhexdooda . Qaarkood awood ka baxsan gobolka Sanaag ayeey isticmaaleen ama la yimaadeen  sidii ay xubin  xildhibaan u heli lahaayeen.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadan hadda ka mid ah baarlamaanka Puntland,  iyaga iyo Isimada jufadooda qaarkood   waxay Tikniko u soo kaxaysteen golihii lagu kala reebay labada Wiil oo ilma adeerta ah oo halka Jufo ka soo wada jeeday  . Haddii ina hebel oo lafta reer Hebel ah  aad dooran waydaan masiibada  meesha ka dhacda idinkaa qaadi doona  ayeey ka dul lahaayeen Tiknikaddii ay dul sarnaayeen oo ay golaha la yimaadeen.

Nimankii Beelaha reer Saalax iyo bahwadaagtooda, Bihidooriyo bahwadaagtooda , Warlabe, Cismaan Ugaaryahan iyo Adan Siciid u awood sheegtay markii ay Xildhibaanka raadinayeen  oo dhulka gariirka ka riday gobolka sanaag , waa kuwa maanta u sacab tumata beel la mid ah oo aan si sharci ahayn, caqliga gelin loogu magcaabay  wasiirka Amniga, Arimaha gudaha,  Maaliyadda, Qorshaynta, Khayraadk badda iyo dhamaan taliyaasha maamulka Puntland.

Ugu danbayntii Beesha ay metelayaan  Xildhibaanadan maanta gacanta u taagay Wasiiro la soo dhaariyey oo hal beel ka soo wada  jeeda inay anxisiyaan oo waxaan caqligu qaadan karin  ayna sharciyeeyaan , oo gacata u taagay ansixintooda   iyaga oo faraxsan oo dhoola cadeenaya si warbaahinta looga arko ,  oo aan horay uga hadlin sida loo soo magcaabay wasiiradan aan xalaasha ahayn , Berito Marka Axmed Taaraan iyo kooxdiisu ay dagaalka Shidaalka ka  ridaan Buuraha Cal madow,  sida ay maanta u sacab tumayaan si la mid ah  ayeey u sacab tumi doonaan. Haddaan maanta guud ahaan   reer Maakir ayna ka  hor tegin dhaqanka  Faroole, Shido iyo Axmed Taaraan oo ayna  is waydiiyaan 1998 ka hor Reer Sanaag  maxay ahaayeen

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*