22nd December 2024 admin Category :
Xildhhibaanka bahwadaagta reer Saalax, Xildhibaanka Bahwadaagta Bihi Idoor, Xildhibaanka beesha Adan Siciid, Xildhibaanka beesha Cismaan Ugaaryahan ee Dubeys iyo Xildhibaanka Beesha Warlabe , oo markii xubinta Xildhibaanimo ee baarlamaanka Puntland raadinayeen ahaa Atoorayaal Awod badan, oo beelahooda ku lahaa la idiin joojin maayo markii loogu baaqay wada tashi iyo tartan xalaal ahoo wiilasha reerku wada galaan
Nimankii is mahadiyey ee awoodda ku dhex sheegtay gobolka Sanaag, hase ahaatee xubin Baarlamaanka Puntland ku noqday markii beelaha reer Maakhir ay u tanasuleen si beeluhu nabad uga wada noolaadaan, ayaa maanta markii ay noqdeen Xubno baarlamaan oo ka mid ah baarlamaanka Puntland oo la hor keenay Wasiiro dhaarsan oo hal beel ka soo wada jeeda, waxay gacanta u wada taageen inay ansixiyaan oo sharciyeeyaan Caddalad darddaa Siyaasiyiibnta Majeerteen qaarkood ku kaceen sida Deni iyo Faroole .
Xildhibaanadan laga soo Doortay degaanada Habar shiro, Dhahar, Xingalool iyo intooda badan oo laga soo doortay degmada Badhan, waxay ahaayeen kuwo aad u xoog badnaa, markii ay beelaha Warsangeli dhexdooda ka doonayeen xubin Xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka Puntland . Intooda badan awood, laaluush iyo Isim ay si xun u adeegsadeen ayeey ku soo baxeen. Xasarad, buuq iyo is aaminid la’aan ayeey dhex dhigeen beelihii walaalahaa oo aan horay dhibtu u dhex ool dhexdooda . Qaarkood awood ka baxsan gobolka Sanaag ayeey isticmaaleen ama la yimaadeen sidii ay xubin xildhibaan u heli lahaayeen.
Qaar ka mid ah Xildhibaanadan hadda ka mid ah baarlamaanka Puntland, iyaga iyo Isimada jufadooda qaarkood waxay Tikniko u soo kaxaysteen golihii lagu kala reebay labada Wiil oo ilma adeerta ah oo halka Jufo ka soo wada jeeday . Haddii ina hebel oo lafta reer Hebel ah aad dooran waydaan masiibada meesha ka dhacda idinkaa qaadi doona ayeey ka dul lahaayeen Tiknikaddii ay dul sarnaayeen oo ay golaha la yimaadeen.
Nimankii Beelaha reer Saalax iyo bahwadaagtooda, Bihidooriyo bahwadaagtooda , Warlabe, Cismaan Ugaaryahan iyo Adan Siciid u awood sheegtay markii ay Xildhibaanka raadinayeen oo dhulka gariirka ka riday gobolka sanaag , waa kuwa maanta u sacab tumata beel la mid ah oo aan si sharci ahayn, caqliga gelin loogu magcaabay wasiirka Amniga, Arimaha gudaha, Maaliyadda, Qorshaynta, Khayraadk badda iyo dhamaan taliyaasha maamulka Puntland.
Ugu danbayntii Beesha ay metelayaan Xildhibaanadan maanta gacanta u taagay Wasiiro la soo dhaariyey oo hal beel ka soo wada jeeda inay anxisiyaan oo waxaan caqligu qaadan karin ayna sharciyeeyaan , oo gacata u taagay ansixintooda iyaga oo faraxsan oo dhoola cadeenaya si warbaahinta looga arko , oo aan horay uga hadlin sida loo soo magcaabay wasiiradan aan xalaasha ahayn , Berito Marka Axmed Taaraan iyo kooxdiisu ay dagaalka Shidaalka ka ridaan Buuraha Cal madow, sida ay maanta u sacab tumayaan si la mid ah ayeey u sacab tumi doonaan. Haddaan maanta guud ahaan reer Maakir ayna ka hor tegin dhaqanka Faroole, Shido iyo Axmed Taaraan oo ayna is waydiiyaan 1998 ka hor Reer Sanaag maxay ahaayeen
ALLSANAAG.COM