16th April 2024  admin  Category :

Nin loo haystay inuu maseyr dartii u dilay saaxiibtii oo rubuc qarni ka dib la bari yeelay

Sannadkii 2000, Cadnaan Syed, oo markaas ahaa arday dhigata dugsiga sare ee sannadka afraad ee Baltimore, Maryland, ee dalka Mareykanka waxaa  ku dhacay  xukun ah dilka saaxiibtiisii hore, oo lagu magacaabi jiray Hye Min Lee.

Kiisku waxa uu noqday mid si weyn looga hadal hayay dalka Maraykanka, halkaas oo ay dacwad oogayaashu ku tilmaameen Syed in uu yahay qof rabshad badan oo Hinaase (Masayr) u dilay gabar da’yar oo ahayd qof karti badan.

Isniintii, garsoore ayaa soo saaray amar uu ku burinayo dambiga lagu soo oogay, wuxuuna qabtay waqti kama dambeys ah oo ay dacwad oogayaasha ku go’aamin doonaan in dib loo maxkamadeeyo Syed iyo in kale.

Syed ayaa mudadii uu xabsiga ku jiray ku adkeysanayay in uusan wax dambi ah lahayn. Wuxuu tagaeero ka helay meelo uusan filayninXAYEYSIINhttps://9b1d902c9fc2d32268642c1775348a1d.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html

Waa maxay warbixinnada tixanaha ah ee la tebiyay ee caawisay Syed

In ka badan 10 sano oo Syed xabsiga ku jiray, Rabih Choudary, oo ah qareenka Baltimore, saaxiibna la ah qoyska Syed, ayaa email u diray wariye Sarah Koenig isga oo ka codsaday inay dib u baarto dilkii Lee.

Fariintani waxay gacan ka gaysatay in la baahiyo warbixinno tixane ah oo ku saabsan wixii dhacay habeenkii la dilay Hye Min Lee.

Yaa dilay Hye Min Lee?

Tani waa su’aasha udub-dhexaadka u ah warbixinnada la baahiyay ee arrintaan la xiriiray “Sannadkii la soo dhaafay, waxaan maalin walba dadaal lagu bixiyay sidii loo ogaan lahaa qaabka ay suurta gal u noqon karto in wiil dugsi sare dhigta uu dil caynkaasi gaysan karo. Dhibka jira ayaa ah in “wiilasha” ay wareysatay gabadha wariyaha ah  ay noqdeen dad qaangaar ah, sheekaduna ay is beddeshay iyo iyadoo dhacdo kasta ay daaha ka qaadaysay faah-fahain cusub – iyo tuhmanayaal cusub. Dadka adeegsada baraha internetka ayaa soo bandhigaya aragtidooda arrintaan la xiriirta. Muddo bilo gudaheed ah, xanta iyo ka doodista kiiskiisa ayaa gacan ka geysatay xukunka lagu amray sii deyntiisa.

 Yay yihiin eedaysanayaasha kale?

Dhacdadii ugu dambeysay ee lagu bahaiyay warbixinnada tixanaha ah ee Koenig waxay ka hadlaysay sababta xukunka Cadnaan Syed loogu riday. Waxay sheegtay in qareennadiisa ay ka hadleen soo ifbaxa cadeymo cusub oo muujinaya in dacwad oogayaasha maxkamaddii asalka ahayd ay ku guuldareysteen inay baaraan laba tuhmane waqtigaas oo baarayaashu ay wax ka ogaayeen. Qareenada Syed ayaa sidoo kale su’aal galiyay sida loogu kalsoonaan karo marag furka marqaatiyada iyo buugga taleefoonada gacanta ee loo adeegsaday in xukun lagu rido.

Garsooraha ayaa dhageystay difaaca, wuxuuna go’aansaday in uu meesha ka saaro xukunka Syed, balse taasi macnaheedu maaha in lagu waayay dilka Lee. Xeer-ilaaliyeyaashu hadda waa inay go’aansadaan inay codsadaan in dib loo soo celiyo Cadnaan Syed ama dib loo furo kiiska Hye Min Lee oo ay raadiyaan tuhmanayaal cusub.

.

Qoyska Lee

Qoyska Lee waxay aamminsan yihiin in xukunka Syed uu ahaa mid cadaalad ah, iyo in cadaalada la horgeeyay intii lagu jiray maxkamadeyntii hore.

2016-kii qoyska Lee ayaa u sheegay warfidiyeenka in warbixinnada maqalka ah ee la baahiyay  ay “dib u danqiyeen boogaha dad yar oo ka warqabay xanuunka sheekada,” sida laga soo xigtay wargeyska Baltimore Sun. Waxaa sidoo kale la sheegay inay rumaysnaayeen in warbixinta la tebiyay ay dadka siinaysay macluumaad marin-habaabin ah, waxayna ka cawdeen in “dad yar ay diyaar u ahaayeen inay garab istaagaan gabadha dhibbanaha ah ee Hay.

Kahor inta uusan xaakimku soo saarin xukunkiisa Isniintii, ninka la dashay dhibbanaha, Yang Li, ayaa racfaan qiiro leh u gudbiyay maxkamada isagoo ka wakiil ah qoyskiisa.

Maxaa xiga?

Ka dib markii Sayed xukunkiisa la laalay, dacwad oogayaasha ayaa haysta 30 maalmood si ay go’aan uga gaaraaan in mar kale dib loo furo dacwadda iyo in kale. Haddii baaritaannada dilka Lee dib loo furo, caddayn cusub ayaa laga yaabaa inay gacan ka geysato in edeymaha loo jeediyay ay meesha ka baxaaan. Waxa kale oo laga yaabaa inay caawiso qoyska Lee ee murugaysan oo ay suurta gal tahay in arrintu waji kale yeellato.

 Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay jiraan labo tuhmane oo kale, balse midna lama magacaabin ama lagu soo oogin wax kiis ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*