26th March 2024  admin  Category :

Muxuu Shariif Xasan ula Caashaqay Beesha Daarood Gudoomiyaha Baarlamanka uu isagu nacay?

5 jan 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shaaciyey inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu dabada ka Riixayaa oo uu ka dambeeyaa inuu u tartamo xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka JFS Xildhibaan C/shiid Maxamed Xidig oo kasoo jeeda Beesha Daarood.

233-5c3

Maaha markii u horaysay oo uu Shariif Xasan taageero Siyaasi kasoo jeeda Beesha Daarood inuu isku soo taago xilka Gudoomiya Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay Beesha Shariif Xasan ee Digil iyo Mirifle haysay laga soo bilaabo ilaa 1960kii.

Sanadkii 2012kii ayuu Shariif Xasan waxa uu taageeray sadex musharax oo kasoo jeeda Beesha Daarood kuwaasoo kala ah Cali Khaliif Galayr, Xasan Abshir iyo Xidig isagoo si gaar ah u watay Galayr inuu xilkaas uu isagu nacay uu qabto.

Guuldaro xun ayaa ka raacday Doorashadii 2012kii kooxdii uusoo abaabulay Shariif Xasan oo ku doodayey inuusan kursigani u qalmin beeshiisa Digil iyo Mirifle laakiin uu u qalmo Beesha Daarood waa sida uu isagu hadalka u dhigaye.

Hadaba maxay tahay sababta uu Shariif Xasan u taageeri waayey Musharax kasoo jeeda Beesha Hawiye inuu isku soo taago xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya?

Ugu horayn xilka Gudoomiuya Baarlamaanka waa xil muhiim ah ayna tahay inuu qabto qof kasta oo Soomaali ah oo kasoo bixi kara xilkaas, laakiin ujeedka Qoraalkani waa Shariif Xasan iyo dagaalka uu kula jiro Beesha Daarood.

Danaha Shariif Xasan ee Beesha Hawiye

Shariif Xasan waxa uu ka leeyahay Beesha Hawiye Dano dhaqaale iyo mid Xididtinimo, isagoo mar kasta ka leexleexda wixii ka hor imaanaya danaha uu ka leeyahay Beesha Hawiye.

1-Ganacsi fara badan ayuu Shariif Xasan ku leeyahay Magaalada Muqdisho isagoo si gaar ah Shirko ula ah Ganacsato kasoo jeeda Beesha Hawiye, iyadoo la oran karo dhaqaalaha Shariif Xasan waxaa gacanta ku haysa Beesha Hawiye.

2-Xaaska wayn ee Shariif Xasan waa Beesha Hawiye gaar ahaan Murursade, wuxuuna Shariif Xasan la leeyahay Beesha Murursade Gaaashaanbuur isagoo Taageero uu ka helay Hogaamiye Kooxeedkii Qanyare ku noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka ee DKMG ahayn 2004tii.

Shariif Xasan & dagaalka uu kula jiro Beesha Daarood

Shariif Xasan wuxuu u qabaa Beesha Daarood cadaawad aad u wayn, isagoo si aan gabasho lahayn ugu muujiya taas.

Markii uu noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka ee DKMG ahayn 2004tii ee uu madaxweynaha ka ahaa AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa uu Shariif Xasan ku biiray Koox Dagaal Oogayaal ah oo Xildhibaano ahaa waxa uuna kala qaybiyey Baarlamanka, isagoo qayb ay Hogaaminayaan Dagaal Oogayaal la aaday Muqdisho halka madaxweyne C/laahi, RW Geedi iyo Xildhibaano badan ay Jowhar dageen.

Kadib markii la heshiiyey labadii garab ee Baarlamaanka oo Baydhabo loo guuray waxa uu Shariif Xasan isku dayey inuu dilo madaxweyne C/laahi Yuusuf isagoo ka dambeeyey Qarax lala eegtay.

Kadib waxa uu ku biiray “isbahaysigii dib u xoraynta Soomaaliya” ee Asmara fadhigiisu ahaa, isagoo ka falaagoobay dawladii uu ka midka ahaa madaxdeeda, maadaama uu ogaaday in la ogaaday inuu ku lug lahaa isku daygii  dilka madaxweyne C/laahi Yuusuf.

233-5c4

Doorashadii 2012kii waxa uu ku taageeray inay isku soo taagaan Xilka Gudoomiya Baarlamaanka sadex Xildhibaan oo kasoo jeeda Beesha Daarood Cali Khaliif Galayr, Xasan Abshir iyo Xidig isagoo si gaar ah u watay Galayr inuu xilkaas uu isagu nacay uu qabto si aan gabasho lahayna ugu taageeray.

Shariif Xasan waxa uu si la yaab leh ugu doodaa inaysan Beesha Digil iyo Mirifle u qalmin inay qabato xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya isagoo leh waxaa xilkan “Yar” ee aan nacay uu ku fiican yahay inay qabato Beesha Daarood.

233-4d

MUSHARAXA SHARIIF XASAN EE GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA JFS 2016-2020 XIL. XIDIG

Shariif Xasan ayaa Doorashadan waxa uu gadaal ka riixaya musharaxnimada Xildhibaan Xidig uu isku soo taagay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka JFS, isagoo ku bixinaya dhaqaale fara badan.

Galayr kii 2016/2017ka waxa uu Shariif Xasan u helay Xildhibaan Xidig oo si fiican u Jilaya Riwaadii Cali Khaliif Galayr ee kal hore uu weel maran kala tagay Galayr.

Qore: Warsame Cali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*