26th July 2024  admin  Category :

Muxuu Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ka yiri xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya?

Taliye ku xigeenka Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee Atalanta oo ka howlgala Xeebaha Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaaladaasi kaga hadlay xaaladaha ka soo kordhay Badda Cas ee weerarrada Xuutiyiinta iyo sidoo kale heshiiskii is afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland.

Admiral Ignacio Villanueva oo ku sugnaa Muqdisho tan iyo 22 kii bishaan ayaa kulamo la yeelanay mas’uulinta dowladda federaalka ee Soomaaliya, isaga oo kala hadlaya xaaladaha soo kordhay.

Howlgalka atlaanta oo soo bilaawday 2008 dii si looga hortago weerada burcad badeedka xiligaa oo xeebaha Soomaaliya lagu afduubanayay maraakiibta.

Admiral Ignacio Villa mar la weydiiyay sida uu howlgalkooda u sameynayo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay in arrimahaasi aysan qeyb ka ahayn howlgalkooda, balse uu rajeynayo in qaab wadaxaajood ah lagu dhammeeyo xiisaddani.

“Waa su’aal wanaagsan, waana inaan halkan ka taxaddaraa sababta oo ah shakhsi ahaan, anigu waxaan ahay oo keliya Taliye Hawlgaleed, markaa taasi waxay la macno tahay in shaqadaydu ku kooban tahay hawlgallada, waanse la socdaa xiisaddaass aad sheegtay ee Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin waxaan rajeynayaa in wadahadal iyo wada-tashi lagu dhammeeyo xiisadahaas” ayuu yiri Admiral Ignacio .

Taliye ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in xiisadda u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya aysan howlgalkooda saameyn ku yeelan doonin.

“Ma filayo in ay saamayn ku yeelato qorshahayaga, ma ahan, waxaan filayey inaysan saameyn ku yeelan doonin qorshahayga, waan sii wadi doonaa qorshahayga, aan ku celiyo mar kale wixii Midowga Yurub hore ugu sheegay in golayaasha kala duwan ee ah, in midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay muhiim noo tahay, kolkaa ma filayo in ay wax saameyn weyn ah nagu yeelato, waxaana rajeynayaa in xiisadahaas ay meesha ka bixi doonaan dhawaan iyada oo loo marayo wadahadal iyo gorgortan” ayuu intaa ku daray.

Dhanka kale, mar wax laga weydiiyay weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku hayaan maraakiibta marta Marinka Baabul Mandab waxa uga qorsheysay ayuu Ignacio sheegay in ay iyaga hadda xoogga saari doonaan un xeebaha Soomaaliya

Waxa uu dhanka kale shegay in howgalkooda uu ku egyahay oo kali ah xeebaha Soomaaliya oo aysan qeyb ka ahyan howlgalka Badda Cas ee ka dhanka ah Xutiyiinta.

“Hadda, qorshahaygu waxa uu ku ek yahay wixii naloo tilmaamay oo keliya, markaa aniga waxaa la ii igmaday oo keliya Soomaaliya, waxaana jiri doona hawlgal kale oo Midowga Yurub ah oo dhowaan dhici doona kaas oo wax ka qaban doona Badda Cas iyo khatartaas ka taagan, markaa taasi waa mustaqbalka, aad ayaana ugu faraxsanahay, sababtoo ah hadda waxaan si dhab ah awoodda u saari karaa Soomaaliya iyo baahiyaheeda amniga badda.” Ayuu yiri Ignacio.

Muxuu yahay howlgalka Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya?

Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda ayaa lagu sawiray xeebaha  sanadkii 2013-kii Muqdisho

Dabayaaqadii 2008, Golaha Midowga Yurub wuxuu ansixiyay tallaabo wadajir ah, oo ku saleysan go’aamo kala duwan oo Qaramada Midoobay ka soo baxay, si loo dhiso loona fuliyo siyaasadda, amniga iyo difaaca wadajirka – Hawlgalka Atalanta ama loo yaqaano EUNAFVOR Somalia, ayaa gacan ka geysta joojinta, iyo ka hortagidda falalka burcad badeedda ay ka wadeen xeebaha Soomaaliya.

Howlgalka Atalanta oo sanadkii 2022 kii loo oggolaaday in uu sii socdo tan iyo dabayaaqada sanadkaan ayaa dowlada Soomaaliya ka taageera ka hortagga hubka iyo kalluumeysiga sharci darrada ah ee xeebaha Soomaaliya.

Markii hore, ujeeddada koowaad waxay ahayd in la kormeero biyaha lana ilaaliyo maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta Barnaamijka Cunnada Adduunka ee gargaarka geynaya Soomaaliya .

Balse hawlgalka Atalanta ayaa hadda waxaa uu kormeeraa dhaqdhaqaaqyada kalluumaysiga ee ka baxsan badda Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga sharci darrada ah.

Howlgalkan ayaa adeegsada maraakiib tiradooda lagu sheegay, afar illaa lix markab iyo laba ama saddex diyaarado oo ay leeyihiin dalalka Midowga Yurub.

Howlgalka mMidowga Yurub ee Atalanta ama EUNAFVOR Soomaaliya guud ahaan waxay khubarrada qaar u arkaan guul weyn, maaddaama ay guul ka gaareen arrimaha loo qorsheeyay in ay wax ka qabtaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*