14th July 2025  admin  Category :

Muxuu muhiim u yahay Marinka Hormuz ee ay Iiraan sheegtay inay xireyso?

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ugu baaqay Shiinaha inay ka hortagto Iiraan inay xirto marin-biyoodka Hormuz, oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee maraakiibta.

Hadalkiisa ayaa yimid ka dib markii TV-ga qaranka Iiraan ee Press TV uu sheegay in baarlamaanka uu ansixiyay qorshe lagu xirayo marin-biyoodka balse wuxuu intaa ku daray in go’aanka ugu dambeeya uu leeyahay golaha sare ee amniga qaranka.

Suryada Hormuuz oo ah marin-biyood dhuuban oo isku xirta Gacanka Faris iyo Badweynta Hindiya waa mid ka mid ah surimada ugu muhiimsan dunida, maaddaama uu maro shan meelood oo meel shidaalka adduunka laga isticmaalo, iyo afar meelood oo meel gaaska dabiiciga ah ee dunida laga isticmaalo.

Qaraarka ka soo baxay baarlamaanka Iiraan haddii uu hirgalo saameyn daran ayay ku yeelanayaa sicirka shidaalka ee suuqyada adduunka oo si weyn ugu tiirsan saliidda ceeriin iyo gaaska dabiiciga ah ee ka gudba surinkaas.

Go’aanka baarlamaanka Iiraan oo fulintiisu ku xiran tahay Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka Jahuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, kaas oo uu guddoomiyo hoggaamiyaha sare ee dalkas Ayatullaah Cali Khamani, ayaa wuxuu u muuqdaa mid looga jawaabayo tillaabada Madaxweyne Donald Trump uu ku beegsaday xarumaha lagu naaxiyo barnaamijka nukleerka Iiraan.

Marinka Hormuz oo ballaciisa meesha ugu dhuuban ay dhan tahay 40 Km gees-ka-gees, waa waddada qura ee dunida ku xirta shidaalka ka yimaada dalalka kulaala Gacanka Persia, dhiilladan la xiriirta xiritaankiisana waxaa durbadiiba laga dareemay suuqyada dunida oo walaac uu soo food saaray.

Haddaba ahmiyadda marinka Hormuuz ku fadhiyo, waxaa noo sharraxaya Axmed Maxamed Mooge oo ah khabiir ku xeel dheer suuqa shidaalka dunida.

“Hormuuz wuxuu ka mid yahay shan marin oo baddu ka siriqsan tahay, kuwaas oo kala ah Hurmuz, Suez, Baab ul Mandab, Malaika iyo Panama canal. Marka shantaas marin la eegana Hormuz kan ugu saxmadda badan. Waxaana maalintii mara 17 bilyan oo barmiil oo shidaal ah. Shidaalkaas wuxuu ka kala yimaadaa dalalka kala ah Iran, Ciraaq, Kuweyd, Baxrayn, Qadar iyo qayb ahaan Sacuudi Careebiya iyo Imaraadka Carabta. Tusaale ahaan Sacuudiga oo maalintii dhoofiyta 10 milyan oo barmiil maalintii, 7 milyan oo ka mid ah wuxuu ka dhoofiya dhinaca Hormuuz. Waxaana la oran karaa Hormuz waa halbowlaha shidaalka dunida”.

Dowladda Iiraan oo ka falcelisey weerarka cirka ah ee lagu soo qaaday dalkeeda, ayaa Mareykanka ku eedeysay in uu diillin cas oo halis ah ka soo tallaabay, waxayna wacad ku martay in ay jawaab kulul ka bixin doonto waxa ay ku tilmaantay “weerar bareer ah lugu soo qaaday sugnaanteeda dhuleed iyo haybaddeeda gobannimo.

Cabaas

Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan Cabbaas Aragji oo ka hadlayey shir ay magaalada Istanbul ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaas oo looga arrinsanayey xiisadda Bariga Dhexe, ayaa Madaxweyne Trump ku eedeeyey in uu ku dhacay dabin halis ah, ka dib markii uu fuliyey rabitaanka Israa’iil.

Hase yeeshee Donald Trump oo u qiildayaya weerarka uu ku qaaday Iiraan, ayaa tillaabadan ku sheegtay mid looga gaashaamanayey in Iiraan yeelato hubka halista ah.

Tillaabada baarlamaanka Iran uu ku oggolaaday in la xiro Marinka Hormuz, ayaa loo arkaa farriin toos ah oo ku socota Mareykanka iyo xulufadiisa reer-galbeedka,

ku waas oo loogu shegayo in haddii ay isku soo bahaystaan weerar Iran ka dhan ah, ay dhaqaalaha dalalkooda dhulka la degi doonto.

Mareykanka
Qoraalka sawirka,Xogahayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ugu baaqay Shiinaha in la hubiyo in Marinka Hormuz uu furnaado

Waana sababta keentay in Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Marko Rubio uu si deg deg ah uga falceliyo hanjabaadda Iiraan, tillaabadaas oo haddii lagu dhaqaaqo uu ku tilmaamay mid xaaladda cakiran uga sii daraysa.

Xogahaye Rubio ayaa intaas ku daray in Marinak Hormuz oo la xiro aysan cidna dan ugu jirin, islamarkaana ay taasi wiiqeyso dhaqaalaha Iiraan iyo kan dunida intaba. Wuxuuna baaqay u diray dalal uu ka xusay Shiinaha oo uu ku boorriyey in ay Iiraan ka waaniyaan wax kasta oo carqaladeynaya habsami u socodka badeecadda ku gooshta surinkaas.

“Waxaan ku boorrinayaa dowladda Shiinaha ee Beijing fadhida in ay arrintaas kala hadlaan Iiraan. Sababtoo ah si weyn ayey ugu tiirsan yihiin saliidda marta Marinka Hormuz. Waayo haddii ay sidaas sameeyaan, taasi waxay ka dhigan tahay khalad kale oo halistiisa leh.

Tan kale waa ismiidaamin dhaqaale oo iyaga toos u saameynmeysa. Waxaana ka fikireynaa sidii aan ula tacaali lahayn. Laakiin waxaa loo baahan yahay in dalal kale ay sidoo kale arrinta il gaar ah ku eegaan. Waayo haddii tani dhacdo waxay saameynta ugu daran ku yeelaneysaa dalalkaas kale oo annaga nooga baahi badan”. Ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee lama hubo in Iraan ay fulineyso qaraarka baarlamaanka iyo in kale, waxaase hubanti ah in ay saami ku leedahay xasilloonida sicirka shidaalka dunida, islamarkaana tillabadani ka dhigan tahay qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*