26th July 2024  admin  Category :

Haddii beesha  Isaaq wada hadalka Koonfurta Soomaaliya ay la gelayaan  u soo magcaabeen Adna Aadan, Koonfurta Soomaaliyana si ay wada hadalkan uga miro dhaliyaan  iyaguna waa inay   wada hadalka  u soo magcaabaan guddi ay madax ka yihiin  Muuse Suudi Yalaxoow  iyo Nuunoow.

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ku Qancay: Mudnaanta uu Qaranka u leeyahay Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya;

Markuu Arkay: Ahmiyadda ay leedahay in Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysaa taban-taabiso wada-hadalka u dhexeeya labada dal;

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo mas’uul aqoon u leh xidhiidhka Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysa
Markuu Arkay: Qoraalka soo jeedinta ah ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah;

Markuu Ku Qancay: In ay leedahay waaya-aragnimada, aqoonta iyo kartida looga baahan yahay mas’uulka xilkan gudan kara;
Wuxuu go’aansaday In Marwo, Adna Aadan Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya, waxaanay la shaqayn doontaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

DHAMMAAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*