26th July 2024  admin  Category :

Suuqyada Muqdisho oo lagu kala iibsanyo Deeqihii Soomaalida loogu talo galay inay kula dagaalamaan xanuunka Corona Viris

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa warbaahinta horay u sheegay in suuqyada Muqdisho lagu iibiyo qalab loogu talagalay la-tacaalida Covid-19, kaas oo deeq ahaan loo soo gaarsiiyay Soomaaliya.

Qalabkaan ayaa si weyn loogu arkay suuqyada Muqdisho isagoo lagu kala iibsanayo taas oo muujineysa in musuq maasuq weyn lagu sameeyay gargaarkii loo keenay Soomaaliya, si ay uga taxadirto cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Agabyadaan oo ay keeneen dowlado kala duwan oo ay qeyb ka tahay Turkiga ayaa lagu arkayaa suuqyada Muqdisho, waxayna dadka iibinaya kuu sheegayaan in si suuq madow ah ku heleen. Sidoo kale agabyadaan ka kooban qalab nuucyo kala duwan leh oo cudurka loogu talagalay.

Dad badan ayaa aaminsan in musuq maasuqa lagu sameeyay gargaarkii Soomaaliya uu intaan ka badan yahay islamarkaana la boobay hanti badan iyo lacag badan oo wax looga qaban lahaa qatarta cudurkaan safmarka ah Coronavirus.

Ad by Valueimpression

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa hore u beenisay in la musuq maasuqay gargaarkii ay heleen balse ay dhici karto in xafiisyada maamulada uu ka baxay ama wax ka qaldameen, taas oo muujineysa in Musuq Maasuq jiro.

Horey ayaa xeer ilaalinta qaranka waxay dacwado ugu soo oogtay saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo lagu eedeeyey musuq-maasuq, kuwaas oo hadda sugaya in la maxkamadeeyo.

Daawo sawirrada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*