29th March 2024  admin  Category :

Sadex bil ka doorashada Soomaaliya oo galaha wasiiradi waxay ku meel mariyeen istaraatiijiyadda la dagaallanka musuqmaasuqa

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen aaladaha la iska arko, waxay ku meel mariyeen istaraatiijiyadda la dagaallanka musuqmaasuqa ee 2020-2023 iyo heshiisyada caalamiga ah ee la dagaallanka musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shir guddoominaya qeybta hore ee shirka Golaha Wasiirada

Wasiirka caddaaladda ayaa golaha uga mahadceliyay ansixinta istaraatiijiyadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee qaybta ka qaadanaya dadaallada lagula dagaalayo musuqmaasuqa, sidoo kalana sare loogu qaadayo isla xisaabtanka iyo daah furnaanta si loo ilaaliyo amaanada ummadda.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka qeybtisii hore oo sidoo kale looga hadlay xaaladda COVID19, fulinta heshiiska IMF iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhamaan Wasiirrada faray in la dardar geliyo fulinta qorshayaasha Wasaaradaha si loogu guuleysto dadaallada lagu xaqiijinayo himilooyinka Ummadda Soomaaliyeed.

Shirka oo qeybtiisa dambe uu Guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sidoo kale looga hadlay dedejinta fulinta mashaariicda horumarineed ee qaybta ka qaadanaya horumarinta nolosha bulshada iyo dib u soo kabashada dalka.

Sawiradan waa deeqihii Soomaalida loogu talo galay iinay kula dagaalamaan xanuunka Covid 19 oo suuq Muqdisho loogu kala iibsanayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*