26th July 2024  admin  Category :

Muuqaal la soo dhigay meelaha bulshaddu ku kulmaan ee  Internetka, ayaa waxa laga daawaday     Mulkiile Makhaayad oo iska hor isaagay  labo gabdhood oo Muslimiin  ah oo Xijaaban inay sooo galaan Makhaayadiisa oo wax ka cunaan.

Mulkiilaha Makhaayadda  Le Cenacle restaurant in Tremblay-en- -France, ee  ku taal Paris ayaa ku dhawaaqayey ‘  ” Argagixisadu waa Muslimiin iyo Muslimka oo dhami waa wada  argagixiso

https://youtu.be/LaaFO_E_Cd8

Xaawaleey islaam baa dulmiyey waa xan reer yurube
xamxamtoda weeyaan iyo dulmiga xaaluf daaqyada e
iyagaan xurmayn oo hablaha, oo xaqood cuna e
iyagaan xuquuq iyo insaan, maalin xeer dhigine
xaanshiyaha ayeey been xardhaan xibir ku qooyaane
xayaysiiska mooyee ma arag, xaal ay mariyaane
xubnaha iyo jirkoodaa sawiran, xaafdaa idile
xayndaabyada kuwaa ugu dhex jira oo ay xaraashaane
xanjada ay gadaayaan waa iyagaa qaar ku soo xada e
xaashee sideebay nagu xantaan, woow xamaaqnimo e.

afartaa xog aan soo helay iyo waa xaal dhaboo jira e
xaqiiqada haddii aan warramo, waan ku xali beene
Paris xumaantii ay dhigeen, waa xaqiiq dhaba eh
inantii xijaabnayd waa iyagii soo dul xoonsadaye
waa tii ay ka xaydeen maryaha, xeeb nin wali joogo
xasaradda raggaa nagu dul furay xaajadii dile e
xaggee bay gelaayaan kuwaa jaray xiriirkeenna.

 Abwaan Maxamed Bashiir Jaamac

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*