12th December 2024 admin Category :
Siyaasiyiinta Beelaha Aan Daaroodka Ahayn Oo Dhamaantood Diidan Aqalka Sare, Waa Maxay Sababtu
Haddii aad maapka dhulka Soomaalidu degto aad eegto waxaa dhulka Soomaalida intiisa ugu ballaaran degan Beesha Daarood, haddii hannaanka deegaanka wax lagu qaybsado waxaa ugu xildhibaano badnaanaya beelaha Soomaaliyeed Beesha Daarood, waana sida caadigaa ee aduunkaan aynu ku noolahay, oo xildhibaanku sidiisaba cirka kama yimaadee wuxuu matalaa dad deegaan degen.
Hadaba 27-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa siyaasadda Soomaaliya hor boodayay Beelaha Muqdisho iyo Hargaysa, iyagoo markaas door biday in aynanba Soomaali oo Qaran yeelata aynanba dani ugu jirrin maadaama haddii la wada xisaabtamo xisaabta lagaga xildhibaano badinayo, waxayna taageero mugwayn ka helleen gacmo shisheeye oo Soomaalida ciil xun u qabay oo aad fikirkaas ugu taageeray.
Hadana dawladihii ku meel gaarka ahaa ayay beelaha Muqdisho iyo Hargaysa diideen in deegaan wax lagu qaybsado oo la xisaabtamo iyadoo marmarsiinyo looga dhigayo in Siyaad Barre uu Gobolo beena u magacaabay beesha Daarood, laakiin waxaynan siyaasiintaas talada ku darsan deegaanada dawlad deegaanka Ethiopia iyo Kenyana ma Siyaad Barraa Gobolo u magacaabay mase dhulkaas dadka degan bay u badan yihiin, dhanka Soomaaliya haddaad eegtid maapka Siyaad Barre uma magacaabin ee deegaan ballaaran bay deganyihiin xaqiiqdii.
Bil xaqiiqiyan Beelaha Muqdisho iyo Hargaysa dhulka ay deggaan ma ahan dhul-yar, waxaana ka dhexeeya is xulufaysi siyaasadeed oo mararka qaarkood ayba xitaa sameeyeen in ay isku beel yihiin oo Irir la isku yiraahdo si ay markaas isaga kaashadaan siyaasiyiinta beelaha Daaroodka.
Waxaana xaqiiqa in ay waxaas oo dhan iska Iimaan la aan tahay ee dhulka Soomaalida uu Soomaali oo dhan ka badan yahay, hadana kuraasta ay beeluhu isku dheeraan karraan aynanba dhawr kursi ka badnayn, ee waxaad mooddaa in uu jirro iimmaan la’aan xad dhaafa.
Waxaana baryahaan ku waashay aqalkii sare ayaa la laalayaa, warbaahinta qaarkeed oo arrimaha aan kor kaga soo hadalnay ka duulaya akhri hadda
https://youtu.be/-tnpsXHFHp0
maqaalkaan uu Caasimaddaonline qorayo
Dad badan baa iswaydiinaya sababta beelaha Muqdisho aynan haba yaraatee isugu taxalujin in ay Alshabaab Koonfur ka xoreeyaan ama muqdisho nabad ku soo dabaalaan, ama qaran Soomaaliyeed ee cadaaliya la dhiso, ee taa badalkeeda ay awooddii isugu geeyeen Aqalka Sare, oo waliba ay aqalka sare beelaha Muqdisho kuraas dheeraada oo aan wixii lagu heshiiyay ahayn iyagu ku qaateen.
15-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa la laalay in hanaanka deegaanka wax lagu qaybsado, iyadoo loo arkay in ay beelaha qaar ka deegaan ballaaranyihiin beelaha kale, waana ay tanaasuleen beelihii deegaanka ballaaran deganaa iyagoo ka duulaya in xal lagu keeno, hase yeeshee waxaad mooddaa in aynan beelihii kale markooda u tanaasulayn haddii ay xal ku keeni waayeen 4.5 oo aan dunida laga isticmaallin in hadana la tijaabiyo hannaanka deegaanka ee dunida oo dhan laga yaqaan.
Isku soo duub waxaad mooddaa in Soomaaliya aynan xaajadeedu dhawayn.
Puntland observer