29th March 2024  admin  Category :

Gaalkacyo-bari

Gaalkacyo iyo Muqdisho waxay isku jiraan 750 km.
Boosaaso iyo Gaalkacyo waxay isku jiraan 750 km.
Boosaaso iyo Caluulana waxay isku illaa jiraan 270 km.
Wardheer iyo Gaalkacyana waxay isku jiraan 300 km
Buuhoodle iyo Laasqoray waxay isku jiraan illaa 550 km

Hadaba caqliga beelaha muqdisho waxay doonayaan dadka dega deegaanada kor ku xusan in ay hal maamul Gobaleed yeeshaan, halka muqdisho iyo Gaalkacyo inta u dhaxaysana la doonayo in ay 3 maamul Gobaleed yeeshaan.

Muqdishase guryaha ku yaal ma soomaali oo dhan baa wada dhisatay mise hal beel baa dhisatay.

Maamul Gobaleed ma ahan aag yar ee saro laga dhisay, ee waa dhul aad u baaxadwayn, haddiise muqdisho wax loo qoondaynayo maxaa Hargaysa, Boosaaso, Kismaayo in wax loo qoondeeya u diidaya.

Xitaa dhanka Gobalaysiga magaalada muqdisho iyo Gobalka bari in la yiraahdo waa isku xuquuq marka dhanka dhulka laga eego xaq ma ahan.

Haddiise ay reer muqdisho doonayaan in ay xaqooda hellaan may ka shaqeeyaan sidii lowgu gudbilahaa hanaanka constituency akhri qormadaan, markaas ayaa ninkii tirabadan tiradiisa wax ku helayaaye.

Hase yeeshee waxa soomaali halkaa dhigay waa si xun wax u doon, iyo hawo khiyaali iyo been ku dhisan, oo uu qofkii soomaaliga ahaa iska dhaadhicinayo in uu hawo beenaad aan soconayan wax ku raadiyo, iyadoo uu waliba qabrigii yaraa kaa danbeeyo.

Beelaha Muqdisho ayaa laga dhawrayaa in ay markaan u fakaraan in ay waaqiciga usoo noqdaan oo qabiilkaan laga gudbo loona gudbo hanaan ku aslayn asxaab iyo constituency.

XIGASHO PUNTLAND OBSERVER

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*