26th July 2024  admin  Category :

Allsanaag: Muqdisho ayaa noqotay meel dawladii la keenaba ay ku dhex dhimato, dawlad walbana waxaa ammaan darro kala hor yimaada beesha waqtigan deggan Muqdisho. Hadaba, dadka badankiisa ayaa is weydiinaya sida caasimad Soomaaliyeed ay Muqdisho ku sii ahaan karto, iyadoo dadka ku nool Muqdisho ay badankoodu rabin in nabad ay noqoto caasimada.

 

Run ahaantii, beesha deggan Muqdisho ayaa ah kuwo dawladii timaada kala horyimaada ammaan darro iyo iyagoon diyaar u aheen iney amniga wax ka suggaan. si kataba ha ahaatee, shacabka Soomaaliyeed intiisa kale ayaa Muqdisho wexey u noqdeen meel waqtigoodii qaaliga ahaa uu kaga lumay, waxeyna suggayeen muddo 24 sanno ah. Hadaba, caqliga wannaagsan nama siinayo in waqti intaa ka badan ay Muqdisho caasimad sii ahaato.

Beesha waqtigan deggan Muqdisho, ayaa in badan oo kamid ah rumeysan, in Muqdisho aan caasimada laga qaadi karin oo ay tahay meesha ugu wannaagsan oo ku haboon in ay sii ahaato waa sida ay iyagu la tahay. Su’aalaha iswediinta leh ayaa waxey yihiin;

Muqdisho oo dadkii degganaaba ay ku noolaan la’yihiin caasimad Soomaaliyeed ma noqon kartaa?

Muqdisho oo dawladii dhameed ay Villa-Somalia ka deggantahay caasimd ma noqon kartaa?

Muqdisho oo askarigeedii ammaan darrada ay qeyb ka yahiin caasimad ma noqon kartaa?

Muqdisho oo madaxtooyada la isku dhex dilayo caasimad ma noqon kartaa?

Muqdisho oo dadkeedii dayaceen, oo AMISOM ciidan u tahay caasimad ma noqon kartaa?

Muqdisho oo Al-shabaabka guryahay ay seexdaan la garanayo oo waxba laga qabaneen caasimd ma noqon kartaa?

Muqdisho oo dadkii kale ay marti iyo gacan ku gabad ay yihiin caasimad ma noqon kartaa?

Muqisho oo illaa 1991dii illaa 2017ka  uu dhiigu qulqulayo caasimad ma noqon kartaa?

Muqdisho oo dad badan welli xaqoodii lagu heesto caasimad ma noqon kartaa?

Muqdisho oo kuwii wax xasuuqey ay dhex tex texaashayaan caasimad ma noqon kartaa?

Muqdisho oo  siyaasad xummo aabe u noqotay caasimad ma noqon kartaa?

Muqdisho oo masaakiinta lagu bah dillo, xaqoodana la qaadanayo caasimad ma noqon kartaa?

https://youtu.be/IktUiLaVhww

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*