26th April 2024  admin  Category :

24 Musharax ee isu diiwaan geliyey , 17 ka mid ah waa Majeerteen iyo Mudulood. 24 musharax kuma jiro hal Musharax oo ka soo jeeda gobolada waqooyiga Soomaaliya. Sidoo kale siyasiyiinta beesha Abgaal, Wacaysle oo uu ka soo jeedo Xasan Culusoow ayaa iyagaha waxa u sharaxan  afar musharax. Haddi Xasan Culusoow oo ay beel ahaan u yaqaaniin kartidiisa uu Soomaali madaxweyne ka noqday waa gar inay iyaguna isa soo sharaxaan kuwa ka liita

 

Illaa 24 musharax ayaa is diiwaangalisey, waxaase xiiso gaar ah yeeshey beelaha ay kasoo jeedaan, waxayna dadka qaarkood ku doodayaan in beelahaasi oo kaliya ay iyaga is laheysiiyeen madaxtinimada dalka.

13 ka mid ah musharixiinta waa beesha Hawiye, kuwaasi oo 8 ka mid ah ay yihiin beesha Abgaal, halka 4 ka mid ah ay yihiin Habar Gidir, hal qofna uu yahay beesha Ujeejeen.

11-ka soo hartay waa beesha Daarood, 8 ka mid ah waa beesha Majeerteen, mid waa Ogaadeen, midna waa mareexaan, midna waa Leelkase.

Waxaa la isweeydiinayaa waxa ku dhacay beelihii kale ee Soomaaliyeed, miyeysan ku jirin dad leh han in ay hoggaamiyaan dalka, mise qof aanan labadan beelood ahayd xaq uma lahan in uu dalka madaxweyne ka noqdo.

Waxaase xiiso gaar ah sii leh jufooyinka ay kasoo kala jeedaan musharixiinta ugu badan, u fiirso beesha Hawiye waxaa ugu badan beesha Abgaal ee ay kasoo jeedeen labadii madaxweyne ee ugu dambeysey ee dalka soo maray, halka beesha Daarood ay kuwa ugu badan kasoo jeedaan beesha Majeerteen.

Halkaasi waxaa markale ka cad in beelaha waaweyn dhexdoda xitaa ay sii kala xigsanayaan madaxtinimada dalka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*