27th July 2024  admin  Category :

Mucaaradka Puntland ee diidan jiritaanka Puntland ayaa   dilay Sagaal  Asakari oo ka mid ah Ciidamada Puntland.

Sagaal askari  oo ka tirsan Ciidamadda milateriga soomaaliyeed ee Puntland ayaa  geeriyooday ka dib markii baabuurkii ay wateen ay la kacday bombo lagu aasay wado dhinaceeda degaanka Galgala ee Puntland, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay saddex askari oo kale.

Askartan Puntland oo ay dileen mucaaradka diidan jiritaanka  Puntland ee laga maal geliyo koonfurta Soomaaliya, ayaa waxa ka mid ahaa Xuseen Maxamed Kaare iyo Jaamac Axmed Dhaqaaje Jacjac oo dhowaan adeerkood  oo ahaa taliye ku xigeenkii  ciidanka Booliiska Puntland Jaamac Saxardiid  isagana ay dileen mucaaradka Puntland ee laga maalgeliyo koonfurta Soomaaliya oo ay garab siiyaan qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Bari

Taliyaha booliska Galgala Gashaanle dhee Cabdiraxmaan Faarax Gurxan oo waraysi siiyay Idaacadda SBC ayaa  xaqiijiyay geerida askarta, wuxuuna sheegay in bambku uu bartilmaameedkiisu ahaa Gawaarida milateriga  iyo ciidamadda ka howlgala aaga Galgala ee dagaalka kula jira kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*