30th December 2024 admin Category :
Mucaaradka Puntland ee diidan jiritaanka Puntland ayaa dilay Sagaal Asakari oo ka mid ah Ciidamada Puntland.
Sagaal askari oo ka tirsan Ciidamadda milateriga soomaaliyeed ee Puntland ayaa geeriyooday ka dib markii baabuurkii ay wateen ay la kacday bombo lagu aasay wado dhinaceeda degaanka Galgala ee Puntland, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay saddex askari oo kale.
Askartan Puntland oo ay dileen mucaaradka diidan jiritaanka Puntland ee laga maal geliyo koonfurta Soomaaliya, ayaa waxa ka mid ahaa Xuseen Maxamed Kaare iyo Jaamac Axmed Dhaqaaje Jacjac oo dhowaan adeerkood oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka Booliiska Puntland Jaamac Saxardiid isagana ay dileen mucaaradka Puntland ee laga maalgeliyo koonfurta Soomaaliya oo ay garab siiyaan qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Bari
Taliyaha booliska Galgala Gashaanle dhee Cabdiraxmaan Faarax Gurxan oo waraysi siiyay Idaacadda SBC ayaa xaqiijiyay geerida askarta, wuxuuna sheegay in bambku uu bartilmaameedkiisu ahaa Gawaarida milateriga iyo ciidamadda ka howlgala aaga Galgala ee dagaalka kula jira kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.