
17th July 2026 admin Category :
Booliisku waxay sheegeen in la soo xiray ninkii lagu tuhunsanaa dilka gabar ka shaqeyneysay bangiga taas oo meydkeeda ay cuneen xaywaanka dibadda joogay.
Ninka la tuhunsanaa waxa uu ka cararay goobta kaddib dilka foosha xumaa ee lagu dilay haweeneyda ka shaqeyneysay bangiga. Wararka sheegaya in la xiray ninkaas ayaa baraha bulshada qabsaday.
Taliyaha booliiska magaalada Sandafa Bakkee, Ayyalaa Ashinee, ayaa sheegay in warkaasi yahay mid marin-habaabin ah oo been ah.
“Boolisku weli waa raadinayaan ninka la tuhunsan yahay, waana been warka sheegaya in la xiray” ayuu yiri taliyaha oo bulshada ka codsaday in ay booliiska kala shaqeeyaan sidii lagu soo qaban lahaa ninkaas.
Booliisku waxay sheegeen in haweeneyda la dilay, Adaanech Kumsaa, ay ahayd shaqaale Bangiga Ganacsiga Itoobiya laanta Alaltuu, isla markaana ay ku noolayd magaalada Sandaafaa Bakkee.\
Ku-xigeenka madaxa waaxda baarista ee booliiska magaalada Sandaafaa Bakkee, Nigatu Alamuu, ayaa BBC-da u sheegay in dilka arxan-darrada ah uu dhacay lixdii bishan.
“Dilka waxa uu dhacay saddexdii habeenimo, wuxuuna ka dhacay Sandaafaa Bakkee”.
Qof yaqaanay iyada iyo qoyskeeda ayaa BBC-da u sheegay in gabadha la dilay ay hore qoyskeeda cabasho ugu gudbisay oo ku saabsan ninka la tuhunsan yahay kaas oo u hanjabay iyadoo shaqada joogta, balse walaalkeed ka weyn, Kasahun Kumsaa, waxa uu sheegay in aysan arrintaas ogeyn qoyska ama qof u hanjabay gabadhooda.







