14th May 2024  admin  Category :

Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa dadka deegaanka Milxo ee Degmada Laasqorey, sida hagar la’aanta ah, naf hurnimada ah, ay ugu gurmadee walaalkood alle ha u naxariistee Maxamed Siciid Cali Faarax oo in ku dhow 48 saacadood ku jiray god ku dumay oo dherarkiisu gaarayo in ka badan 20M oo hoos ah.

Runtii dadka deegaankaas waxay muujiyeen adkaysi, sabir iyo dadaal dheeraad ah, iyadoo ku dhowaad 48 Saacadood oo ay shaqadu si toos ah oo aan kala joogsi lahayn u socotay.

Dhacdadan dhacda la mid ah ayaa ka dhacday dalka Moroco kadib markii wiil yar oo u dhashay dalkaas uu god dheer ku dhacay, dhamaan dawladdii Moroco ayaa isugu yimi dhamaan xalintiisa.

Waxaa xusid mudan, in maalintaas siyaasiyiinta Soomaaliyeed meel walba ay jogaan ka damqadeen arrinka wiilkaas kana falcesheen. Waxaase nasiib xumo ah innaan shakhsi Maamulka Puntland Hoggaankiisa ah, Dawladda Federalka xubnaha u sareeya ah sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal Waasareba, aysan soo qaadin oo xusin dhacdadan xanuunka badan, taas bedelkeedna ay xusaan marka Safiira waxay dalka u joogaan baa an la aqoon ay la kulmaan ama dhacda taas la mid ah ay ka dhacdo dalal kale oo shisheeye.

Dadka deegaankaas waa dad isla qaybsada dhib iyo dheef wixii soo wajahaba. Waxaa igu maqaalo ah, haddii dhib ama dheef timaado inay si wada jir ah oo aan kala har lahayn u wajahaan una gaaraan yoolkaas.

Deegaanka #Milxo waa goob muhiim ah oo saaran sii roga Buuraha Calmadow ee Gobolka Sanaag, waana goob kulmisay dhamaan dadka soomaaliyeed Gobol kasta iyo degma kasta oo uu ka yimaadaba, ayna si isku mid ah uga wada shaqaystaan.

Deegaankan ayaa kulansaday, Buuro dhaadheer oo aad u qurux badan, Banaan( Guban ah) iyo Badd, waxaana hubaal ah, haddii dawlad soomaaliyeed oo u diyaarsan sidii dadkeeda soomaaliyeed uga faa’iidaysan lahayeen khayaraadka dhulkooda ku duugan ama iyaduba uga faa’iidayso, waxaa hubaal ah in khayraad wanaagsan laga heli doono deegaanadaas.

Muhiimadda Deegaankaas waa sababta keentay in Buuralayda Calmadow ay saldhig u noqoto xoogag isdiiwan oo kala aragti duwan. Waaxase alle mahadiis ah dadka deegaanadaas ayaa ah dad dhulka jecel aysana suura gal ka ahayn in wax kasta laga dhex samaysto.

Dadka dega Gobolada Sanaag, Haylaan iyo Bari , waxay burburkii kadib dhibane u ahaayeen illaalinta Midnimada Soomaaliyeed, cid ay abaalkeeda ka sugayana ma jirto aan ka ahayn inay jecelyihiin midnimadda Soomaaliyeed. Waxaana tusaale u ah Ingiriish oo Gumaystay gaar ahaan Goboladda waqooyi waa ka diideen inuu soo galo xuduudaha Goboladaas, waxayna la saxiixdeen heshiis ay kala xadaynaya doonista Ingiriiska iyo doonistooda.

Arrinta kaliya ee ii muugataa waa in la helaa hoggaan isku haya dadkaas oo ay taladda u danbaysa ula noqdaan. Si guul wadareed loo wada gaaro.

TALO SOO JEEDIN: Dadka degaanka waxaan usoo jeedin lahaa inaa gabi ahaanba albaabada isugu laabtaan qodista dabaka deegaanka Milxo, idin kuna go’aanka gaartaan, sababtoo ah dhibaatadan iyo mid ka daranba waa iman kartaa mana loo heli doono xal. Waana khasab inaa maanka ku haysaan dawlaad idinka joojineesa oo idin khasbeesa khatarahana idiinka degeeysaa inaysan jirin.

Qodista dahabka Milxo markii horeba ma uusan ahayn sifo sharci ah, laakiin waxaa kaliya oo lagu ilaawi karayey ayaa ahaa badal ahaan maxaa loo hayaa dadka shaqadooda iyo xoogsigoodu yahay dahabkaas, lakiin haddii dhibaatadiisii badatay iska xira nafihiinana haku waayinina e.

QORE: Axmed Cabdilahi Maxamed Foore

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*