17th July 2024  admin  Category :

Nin dhallinyaro ah ayaa dhawaan meydkiisa laga soo saaray god dahabka laga qoto oo ku yaalla deegaanka Milxo, halkaas oo laga fuliyay howlgal gurmad ah oo aad u baaxad weynaa. Haddaba maxaan ka garaneynaa meeshan dahabka qaniga ku ah?

Milxo oo lagu tilmaamo deegaanka laga qodo dahabka ugu badan Soomaaliya, waxa ay ka tirsan tahay gobolka Sanaag, gaar ahaan waxay hoos tagtaa degmada qadiimiga ah ee Laasqory oo saaran biyaha Badda Cas.

Deegaankaasi waxa uu ku yaalla dhulka loo yaqaanno “Macagta” oo ah halka ay ka billowdaan Buuraha Calmadow. 

Juquraafi ahaan deegaankaas waxa uu isugu jiraa dhul leh buuro gaagaaban, meelo bannaan, jeexyo iyo togag leh dhamasyo dhaadheer.

Dhammaan meelahaas waxaa ku badan dhirta oo waa kaymo jiq ah. Waa deegaan biyaha hodon ku ah, togaggana waxaa mara biyo iska dareera oo loo yaqaanno “badowloho” taas ayaana sahlaysa in dadku ku negaado muddo dheer, inkastoo deegaankaasi cimilo ahaan kulul yahay oo xilliga xagaaga dadka qaar ka aado magaalooyinka dhulka qabow ku yaalla.

Sidee Milxo dahabkeedu ku billowday?

Waagii hore Milxo waxay ahayd tuulo yar oo ku tiirsan reer guuraaga, laakiin ilaa shan sano ka hor ayaa waxaa billowday in halkaasi ay noqoto xarun dahab oo dadku ku soo bato maalinba maalinta ka damaysa.

Sida aan kasoo xigannay Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug, Mohamed Yusuf Tigey, oo ka mid ah dadka sannadihii dambe sida weyn ugu lugta lahaa ganacsiga dahabka ee ka socda Milxo, markii ugu horreysay dahabka waxaa laga guran jirey dhulka dushiisa iyada oo qalab saacado ah lagu baadi goobi jirey, inta badanna dadku waxay subixii saacadaha la aadi jireen dhulka togagga ah.

Markaas dadka ka shaqeysta waxaa ugu badnaa kuwa deegaanka, oo xitaa waxaa raadsan jirey dumarka iyo carruurta. Iyaga ayaa laga iibsan jirey oo waxaa lasoo xiriiri jiray shirkado kooban oo xilligaa joogey.

Dahabka

Muddo kaddib waxaa billaabatay in la soo xaabiyo ciidda togagga taalla, kaddibna la kala saaro iyada oo lagu shaqshaqayo sakeello biyo ku jiraan, oo sidaa dahab looga dhex dayo.  Hawsha oo sidaa ku socota ayaa haddana markii dambe loo gudbay qodista godadka.

Qodista godadka waxaa lagu billaabay gacan, kaddibna la geeyay mashiinno lagu xiro bir afdhuuban oo wax lagu qodo. Markaas waa xiligii ay dadku ku soo bateen, waxaana laga imaanayay meelo kala duwan. Deegaamo dhan oo ku oolaa dhulka Magacta ah ayaa sidey u dhanyihiin laga guurey iyada oo la deegaameeyey milxo.

Waxaa la aasaasay Milxo oo lagu naanaysay “magaalo dahable” oo kulmisay dad badan oo dahabka ka ganacsada, waxaana kordhay dhismeyaasha deegaanka. Waxaa la furay dukaamo, meherado iyo meelo badan oo gacansi.

Markii koob shaah ah lagu iibsaday dahab

Horaantii sanadkan 2022-ka, waxaa dhacday in magaalada Milxo mar uu dahabka ka galay booska lacagta, wax kastana lagu kala iibsanayay dahab.

Magaaladan waxaa ka shaqaysa lacagta danabaysan ee telefoonnada loo adeegsado oo wax lagu kala gato, waxaana xilligaas dhacday maalmo ateenadu go’day oo la gaarey in dahab wax lagu kala gato.

”Markii ateenadu xumaatay wax walba waa istaageen, oo waxaa la waayey si wax loo kala iibsado maadaama dadku u badan yihiin kuwo aan is aqoon oo meesha laysugu yimid. Qofna qof kale ma aamineyn, maalmo kaddib markii ateenadii soo noqon weydey ayaa la billaabay in dahabka wax lagu kala iibsado, xitaa koobka shaaha ah,” ayuu yiri Maxamed Daahir Jaamac ‘Toorey” oo ka mid ah dahableyaasha deegaanka.

Godadka dahabka

Waqti-xaadirkan Milxo waxaa ka qodan boqollaal god oo inta badan qodan yihiin ilaa 30M oo hoos ah, mana jiraan injineerro qaabeeya hab-qodaalka godadka maadaama ay khatar ka imaan karto. God walba waxaa sida ay rabaan u qoda ragga ganacsiga ku wadaaga.

Taas waxa ay keentay khatar faro badan, sida in uu godku soo dumo sida midkii ugu dameyey oo uu ku dhintay wiil dhalinyaro ah oo la oran jirey Maxamed Siciid Cali. Sidaas oo kale ilaa 10 qof ayey horay ugu dumeen gadadkaasi, qaarkoodna lagama soo saarin oo sidaas ayuu xabaal ugu noqday.

Waxaa jira warshado gaaraya ilaa 15 oo saldhig ku leh deegaanka, kuwaaso oo loo yaqaanno “warshedaha ila meeraysada”, waana kuwa kala sifeeya ciida godka laga keeno oo u kala saara dahab iyo ciid caadi ah.

Dahab

Deegaankaas waxaa maalintii ugu yaraan laga helaa 5KG oo dahab ah, halkii Gram-na waxaa la iibiyaa $38 doolarka Mareykanka ah, sida uu BBC-da u sheegay guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug, Mohamed Yusuf Tigey, oo ka mid ah khubarada aqoonta u leh ganacsiga dahabka ee deegaankan.

Waxa uu bartiisa Facebook ku sheegay in Milxo ay tahay “Magaalada ay ku taal Xarunta ugu wayn ee laga qodo Dahabka Soomaaliya”.

Dahabkaasi wax cashuur ah lagama qaado. Waxaa jiray xilli ay dadka deegaanku samayeen guddi kaddibna waxaa la go’aamiyey in dahabka iyo godadka labadaba la cashuuro, lana xakamayo qodista oo dhulka qaar loo daayo xoolaha daaqooda. Balse arrintaas hirgelinteeda masii soconin.

Hadda hawsha godad qodistu waa mid qof walba fasax u ah, deegaankuna ma laha maamul iyo kala damayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*