28th March 2024  admin  Category :

Midnimo Maakhir Maxay ku diideen in Allah u naxariistee Cawad Casharo ka mid noqdo.

Sanad ka hor urur magac fiican leh, hase ahaatee marin habaabin ah oo loogu adeego SNM, laguna  magcaabo “Midnimo Maakhir, ayaa waxa ka mid noqday Aniga iyo Allah ha u naxariistee Sheekh  Cawad Casharo. Maalmo markaan ururkan ka mid ahaa oo la ogaaday qofkaan ahay, ayaa  aniga Ururkaas   layga tuuray . In yar ka dibna Allah ha u naxariistee waxa laga tuuray Adeer Cawad Casharo.

Sheekadan oo run ah  ayaa Aniga iyo Sheekh Casharo na dhex martay.

“Adeer anigu  waa raadiyey ninkii  iga tuuray Ururkii Midnimo Maakhir, waa nin dhlainyaro ah oo jooga Swedwn, sawirka u saaran WhatsAppka waa nin gashan Surweel luga gaab, sidaas awgeed waydiin maayo sababata uu iiga  tuuray Midnimo Maakhir , waxaan u malaynayaa inaan garan karo qofka uu yahay, mar haduu sawirkii uu bulshadu u soo bandhigay uu sarweel lugu gaa ah ah gashan yahay.

Sheekh Casharo Allah ha u naxariistee waa qoslay, isaga oo aan hadlin ayaan waydiiyey adigu adeer ma garanaysaa qofkii aad ii sheegtay inuu  Ururkaas kaa tuuray . Haa, gabadh bay ahayd. Ma sii waydiin su’aal kale oo arintan ku saabsan.

Ururkaasi wuxuu iska dhigayey, isaga oo dad badan marin habaabinayey mid bulshada iyo degaanka u adeegaya, mid lacag urusanayey oo lahaa sanaadiiqda Somaliland ayaan ka hortagaynaa.

Gudoomiyihii ururkaas hoos ka daawo 

Aniguna maalintaas maqaalkan ayaan qoray si aan bulshada ugu sheego Ururkani cidda ay yihiin

https://allsanaag.com/dabadhilifyada-snm-ee-ka-soo-jeeda-maakhir/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*