28th March 2024  admin  Category :

Meydka Alle haunaxariistee Marxuum Maxamed Cali Samatar ayaa daqiiqado ka hor laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa Salaam Meyd ku siiyay Garoonka Markii Meydka lasoo dajiyay, waxaana garoonka ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiil ciidan iyo dadweyne kala duwan oo wajiyadoodu dabooshay tiiraanyo aad u weyn.

Meydka Marxuumka ayaa la geeyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya halkaas oo Salaadda Janaasada kadib Aas Qaran loogu Sameynayo Marxuumka.

Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa hoos loo dhigay muddo Sadax Maalin ah, si loogu Sharfo looguna Ciseeyo Marxuum Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar.

14081102_10205590118832514_1448497032_n-1

14137856_10205590118432504_1159359581_n-1

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*