26th July 2024  admin  Category :

(GarooweOnline) Wararka uu helayo warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in madaxda dowladda Federalka Somalia xusul duub ugu jiraan sidii loo laali lahaa dhismaha Aqalka sare ee Barlamanka Somalia kaasoo kamid ahaa dhismihiisu waxyaabihii horay loogu hishiiyay maadama ay dhici wayday in dalka laga gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha dowladda Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa muddo dadaal ugu jiray sidii meesha looga saari lahaa Aqalkaasi, wuxuuna horkeenay damacaasi shirkii dhawaan lagusoo gaba gabeeyay magaalada Muqdishu.

Wararku waxay sheegayaan in qorshahaasi  meel wanaagsan u marayo madaxweyne Xasan Sheekh iyo xulafadiisa siyaasadda isagoo ka dhaadhiciyay Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake halka horay u ogolaadeen madaxda  maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug kuwaasoo saluug ka muujiyay qoondada ay ka heleen kuraasta Aqalka sare.

Xasan Sheekh ayaa hadda qorshaynaya inuu qanciyo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo dhigiisa Jubbaland Axmed Madoobe kuwaasoo arrintaasi horay diidmo uga muujiyay.

Lama oga inay go’aankaasi ku raaci doonaan madaxweynaha Somalia, balse waxaa jirta culayso haysta hogaamiyaashan oo kaga imaanaya dhinaca beelaha iyo diyaar garow la’aan jirta.

Waxaa xusid mudan iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh ka duulayo hirgalinta nidaamka lagu baabi’inayo dhismaha Aqalka sare in farogalin aan dastuurka waafaqsanayn lagu sameeyay Kuraastii horay loo qoondeeyay, waxaana lagu daray Labo xubnood taasoo keentay inay saluug muujiyaan beelaha kasoo jeeda dhinaca maamulka Somaliland maadama xubnaha qaybtood raacayaan dhinaca Puntland.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahamsan in faragalintaasi looga dan leeyahay sidii khilaaf loo dhex dhigi lahaa maamullada iyo beelaha ku abtirsada taasoo ay ka imaan karto diidmo iyo in lagu qanci waayo sida wax loo maamulay.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Guddiga hirgalinta doorashada dalka Ajandahan gayn doonaan shirka 07 September, 2016 ka furamaya magaalada Muqdishu kaasoo ay isugu imaanayaan madaxda maamul goboleedyada dalka.

Sida ay sheegayso xogta soo gaaraysa GO, Guddigan uu hogaamiyo  Cumar Dhagay oo sida la rumaysanyahay uu booskaasi geeyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ajandayaasha ku dari doonaan laalista dhismaha Aqalka sare.

Dhinaca kale xogta soo baxaysa ayaa sheegaysa  Guddigu inay keeni doonaan qorshe ah in 51-dii qof ee loogu talo galay inay soo xulaan Xildhibaanada aan hadda laga gaarin sidaasi darteed shaqadaasi la rabo in loo xilsaaro 135-tii Oday dhaqameed ee soo xulay Barlamankii la dhisay 2012-kii taasoo macnaheedu tahay inaysan farqi u dhaxayn tii lagu doortay Xasan Sheekh iyo mida soo socota.

Arrimahan  ayaa imaanaya xilli kulamo ay yeesheen madaxda Somalida lagu go’aamiyay jadwallo kala duwan, balse ma jirto wax ka hirgalay iyo shaqo ka socota xarumaha maamul goboleedyada iyo xitaa magaalada Muqdishu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*