26th July 2024  admin  Category :

Meydka Madaxweynihii hore ee Puntland oo laga dejiyay Garoowe

Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ayaa Goordhow waxaa laga dejiyay Meydka Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimaddan dalka Kenya.

Diyaarad gaar ah ayaa Meydka Marxuum Maxamed Xaashi looga soo qaaday Magaalada Nairobi, waxaana Meydka Marxuumka laga dejiyay Garoowe, iyadoo halkaas lagula dukan doono Salaada Janaasada.

Aaska Garoowe loogu sameynayo Marxuum Maxamed Xaashi ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Galmudug, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno kale.

Sidoo kale Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku wajahan diyaarad sida Meydka Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Abshir, waxaana Aaskiisa la qeyb geli doona Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*