28th March 2024  admin  Category :

Haddii aad wax dooneeyso welligaa waxaa la raadshaa wax suurtagal noqon kara, xallaalna ah oo illaahayna uu raali ka yahay, laakiin wax aan kuu shaqeeyneen haddii aad waqtiga isagga lumiso waxaa kaa lumaya waqtiga adduun iyo camalka aakhiro.

Hadaba, beesha Isaaq ayaa iskood ugu dhawaaqay gooni goosad kaas oo si qaldan looga soo fakiray markiisii horre. Tusaale, beesha Isaaq siyaasiyiintooda waxeey iska dhaadhiciyeen in ay wax ku raadsadaan dhulkii la isku oran jiray British Soomaaliland oo ay ulla baxeen gumeeytayaashii.

Fakirkaas guracan ayaa ku salleeysnaa inaan waxba la weeydiin dadkii deeggaanka wax ka deggenaa ee Ciise, Gadibiirse, Warsangeli iyo Dhulbahante. Arrintaas iyada ah ee sida xun wax u doonka aheed, waa mid shaqeeyn weeday, illaa maantana, waa mid aysan beeshaas wax iska weeydiin si qaladkooda ay u saxaan.

Dadkuna waxaa habboon in qaladkooda ay wax ka bartaan oo aysan isla qaladkii ku celcelin maalin kasta. Sidoo kalle, haddii dadku ay wax damcaan, oo damacii uu u shaqeeyn waayo, waxaaa habboon in ay ka harraan oo ay raadiyaan wax kalle.

Haddii aad socodaal tahay oo meeshii aad u socotay laguu sheego inaan gaari lagu teggi karrin waxaa habboon inaad dadka weeydiisaa in diyaarad ama markab lagu teggi karro. Bal ka waran adiga oo laguu sheegay in gaari aan dhulkaa lagu teggi karin haddii aad dadka maalin kasta weeydiisid meel hebel gaari malagu teggi karaa. Waxaa dhab ah in dadka marka danbe ay oranayaan waa kii wareersanaa ee buufiskiisa ka leexda.

Maanta maamulka Hargeeeysa waxaa caalamka oo dhan looga sheegay inaan Soomaaliya la kalla jareen oo dalkaasina uu yahay hal dal, Soomaalina ay is wadda dishay oo aysan jirin cid ay dilka gaar ku tahay. Hadaba, miyeeysan la gudboonneen in maamulka Hargeeysa siyaasiyiintooda ay shacabka sida u dhaamaan, kana daayaan beenta aan dhamaadka laheen? Maxuuse Yahay Xalka iyo mustaqbalka shacabka mar haddii aqoonsigii la waayey? Miyeeysan habbooneen in shacabka Soomaaliyeed dhinac laga raaco oo la iska dayaao damaca ceelka ku dhacay?

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*