25th October 2024  admin  Category :

Siyaasiyiinta beesha  Daarood ma lumin doonaan Fursadan ay Mooryaantu u keentay?

Maalmahan danbe siyaasiyiinta beelaha Hawiye iyaga oo aan  gabanayn,  oo aad moodo  inuu yahay olole horaantiis  ayna  isla wada  ogyihiin ayeey meel walba waxay  la taagan yihiin Caasimaddii  Soomaaliyeed ee Muqdisho Hawiye ayaa gaar u leh.

Siyaasiyiinta beelaha Hawiye qaarkood waxay sabab u ahaayeen xasuuqii, dilkii, dhicii, kufsigii iyo biliqadii  horay Muqdisho loogu gaystay Bulshadii Soomaaliyeed ee aan ka soo jeedin beelaha Hawiye, ayna u badnaayeen Dumar iyo caruur ka soo jeeday beesha Daarood.

Siyaasiyiintan ayaa maanta qaarkood waxay ka mid yihiin Barlamaanka Soomaaliya, waxayna ku doodayaan in Muqdisho tahay magaalo Hawiye oo la mid ah magaalooyinka kale ee Soomaaliyeed oo ay beeluhu gaarka  sheegtaan.

Haddaba soo maanta lama gaarin xilligii siyaasiyiinta Beesha Daarood inta ay soo  hor  fariistaan siyaasiyiinta  beelaha Hawiye ay u sheegi lahaayeen in Muqdisho sidan ayna   ku si noqon karin caasimada Soomaaliyeed, oo la geenayo meel ku haboon caasimad oo Soomaali u wada dhaxaysa. Sidoo kale  mar haddii siyaasiyiinta beelaah Hawiye ay  isu arkeen in ay 1991 ka guulaysteen Soomaali inteeda kale oo wax kasta oo ay ku kacaan aan laga hadli karin, waxna laga waydiin karin   , soo lama gaarin waqtigii loo sheegi lahaa inaan sidan lagu sii wada joogin karin. Aw Macalinow waxaad fashey waa fashee Wa-inFaatakum

Ugu danbayntii waxa nasiib xumo ah in xildhibaankii laga soo doortay Boosaaso, Badhan iyo Buuhoodle, oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya  uuna si xor ah  uga hadli karin Baarlamaanka Soomaaliyeed dhexdiisa oo ka baqayo in la dilo marka uu albaabka ka soo  baxo.  Sidii horay ugu dhacday qaar ka mid ah.  Hase ahaatee Xildhibaankaas oo Bulsho badan oo Soomaaliyeed metelaya, kana  in Muqdisho lagu dilo  maalin walba wuxuu  dhegaysanayaa Mooryaan sheeganaya in Muqdisho tahay magaalo Hawiye oo ay marti ku yihiin. U hiili xildhibaankaaga oo ka qayb qaado in Caasimadda Soomaaliyeed la geeyo meel ku haboon oo Soomaali oo dhan ka wada dhaxaysa

Qoraalkan waa Xildhibaan Mahad Salaad oo ka soo jeeda beesha Habar gidir oo ku tageeraya Xildhibaan kale oo ka soo jeeda beesha Habar gidir in Muqdisho tahay magaalo Hawiye. imisaa Mooryaan Soomaaliya afduub ku haysan karaa iyaga oo ku gabanaya caasimaddii Soomaaliyeed. Ka waran haddii madaxweyne kasta oo la doorto uu xafiiska madaxweynaha uu la tago degaanka uu ka soo jeedo si aan marti loogu yeedhin 

 

Allsanaag/com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*