18th April 2024  admin  Category :

Maxkmada ICJ oo diiday in dib loo dhigo dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ayaa gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya.

Sida ku cad qoraal ay maxkamdda u dirtay dowlada Soomaaliya, dhageysiga dacwadda ayaa la billaabi doonaa 15-ka bisha March sida markii horeba qorshuhu ahaa.

“Ka dib markii ay maxkamaddu tixgelisay doodaha labada dhinac ay soo gudbiyeen ayaa waxay go’aansatay in jadwalka dhageysiga u sidiisii ahaado, wuxuuna billaabanayaa 15-ka march 2021″, ayaa lagu yiri qoraal ay maxkamaddu u dirtay dowladda Soomaaliya oo dacwaddan maxkmadda gaysay 7 sano ka hor.

Kenya ayaa maxkamadda ICJ ka dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga furan ee kiiska la xiriira muranka xadka badweynta Hindiya ee ay isku heystaan Soomaaliya, taasoo qorshuhu uu ahaa in la billaabo bisha soo socota.

Ujeedka arrintan ay u codsadeen ayay ku sheegay sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.

Kenya ayaa garsoorka maxkamadda ku wargelisay in aysan dhageysiga dacwadda uga qeyb gali karin si rasmi ah, iyadoo ay jirto khatar dhinaca amniga ah oo waddanka ku imaan karta oo ku xiran natiijada kasoo baxda dacwadda la gudbiyay sanadkii 2014-kii.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka ka soo baxay maxkamadda.
Ra”isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleeed ayaa sheegay in Soomalaiya ay diyaar u tahay ka qeybgalka dhageysiga oo qaab fogaan-arag ah lagu qaban doono.
Maxkamaddu waxa ay shegetay in sidoo kale tiro xaddidan lo oggoalan doono inay hoolka maxkamadda joogana inta u socdo dhageysiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*