8th May 2024  admin  Category :

Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda (ICJ) ee magaalada Hague ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay dhageysiga dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Dhageysiga Dacwada oo socon doonta muddo afar maalmood ayaa waxaa maanta Maxkamaddu dhageysatay dooda ay ka qabto Kenya dacwadda Badda.

Qarreenada u doodayay Kenya ayaa ka hadlay sababta Kenya u diidan tahay in dacwada Maxkamadda dhageysato.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa maxkamadda u sheegay inay jiraan laba siyaabood oo aan dawcadda ahayn oo lagu xalin karo murankan sida in la raaco heshiiskii is afgaradka ee Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen sanaddii 2009-kii iyo in loo maro heshiiska caalamiga ah ee xadaynta badaha ee Qaramada Midoobay.

Dhagaysiga ayaa khuseeya oo kaliya diidmada ka timid dhinaca Kenya oo ku doodeysa in maxkamaddan aysan awood u lahayn in ay xaliso murankan.

Qarreenada u doodaya Soomaaliya ayaa maalinta berri oo Talaado ah sameyn doona jawaab celin ku aadan dooda ay soo gudbisay Kenya.

Labada dal ayaa waxaa Maxkamadda u doodayay sharciyaqaano ajnabi ah, waxaana si aad ah isha loogu hayaa natiijada kama dambeysta ee  maxkamaddu soo saari doonto.

Heshiiskii is afgaradka Badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa sanadkii 2009-kii Soomaaliya u saxiixay Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ka biya diidan in Badda Soomaaliya qeyb ka mid ah ay qaadato Kenya, si kheyraadka ku jira ay ula wareegto, waxaana banaan baxyo looga soo horjeedo arrinta Badda lagu baaqay in laga dhigo Caalamka oo dhan, iyadoo banaan bixii u horeeyay uu maanta ka dhacay magaalada London.dacwada4dacwada3dacwada2

dacwada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*