8th May 2024  admin  Category :

Maxaa ka jira in shirkad ka jirta magaalada Muqdisho ay heshiis la soo gashay shrikad kalle oo ka dhisan dalka Ingiriiska si qashinka aafeeyey dalka Lebenaan loo keenio lahaa dalka Soomaaliya? Waxaa warbixinta ay sheegeeysaa in shirkadda Ingiriiska ay soo dhameeysay hawsha lagaga soo dhoofinayo wadanka Lebenaan qashinka, dabadeedna hawsha inta dhiman ay dhameen doonto shirkadda Soomaaliga ah ee fadhigeedu uu yahay magaalada Muqdisho.

Haddaba, shirkadda Ingiriiska ayaa mashruucaas ku soo qaadatay lacag dhan lix boqol iyo todobaatan milyan oo dollar $670,000,000 oo dollar, meesha shirkadda Soomaaliga ahna la siin doono lacag dhan konton milyan $50,000,000 oo dollar. Shirkadda Soomaaliga ayaa oggollaansho waxaa ay ka heshay dawladda gaar ahaan wasaarada qaabilsan arrimaha deeggaanka.

Waxaan ognahay in Soomaaliya aysan laheen meelo ama warshado qashinka habeeya sida kuwa kuyaal waddamo badan oo dunnida ah, balse ay iska caddahay in marka shirkadda Soomaaliga ay qashinkaas maraakiib loo soo saaro ay ku daadineeyso badda Soomaaliya.

HADABA BARNAAMIJ ARRINTAAS KU SAABSAN KAGA BOGGO KALSAN TV.

TANINA WAA WARBIXIN CNN UU KU EEGAYO QASHINKA HAREEYEY DALKA LEBNAAN

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*