28th March 2024  admin  Category :

Dalka Rwanda waxaa ka dhacay xasuuq aad u xun, balse dhibkii dadka dhex maray waa laga gudbay, taasina waxeey sababtay in dalka uu dib u dhismo.

Maanta Rwanda waa dal ka muuqda qaarada Afrika, waxa uuna dhaafay dalal badan oo aan wax dhib ah ka dhicin. Dalka dhaqaalihiisa waa mid kobcaya 7.7 boqolkii laga soo billaabo sanadii 2000 illaa iyo 2019ka.

Warbixin ay soo saartay Bankiga Adduunka ayaa lagu sheegay in ganacasi ka sameeynta dalka Rwanda uu sanadkii 2009kii caalamka kaga jiray 143, meesha 2019ka uu dalkaas yimid nambarka 38daad, isagoona dhaafay dalalka Bahrain, Poland, Holland, Belgium, Italy, Mexico, Saudi Arabia, India iyo dalal kalle oo aad u badan.

Tusaale Itoobiya waxeey ku jirtaa kallinta 159 ganacsi ka sameeynta dalkaas, meesha Soomaaliya ay ku jirto nambarka ugu hooseeyo caalamka oo ah 190.

Hadaba, su’aasha meesha taal ayaa waxeey tahay, waxa Soomaalidu ay ka baran karaan dadka Rwanda oo soo maray xaalad ka qatarsan midda Soomaaliya. Waa la is dilay, waana la is cafiyey, Soomaaliduse waxeey rabtaa iyadoo aan heshiin in ay dalkooda dib u dhisaan. Taas miyeey shaqeeyneesaa?

https://www.doingbusiness.org/en/rankings

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*