28th March 2024  admin  Category :

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya markii ay dhawaan xiriirka u jartay dawladda Gini oo soo dhaweeysay gooni goosatada SNMta ayaa arrintaas waxa ka xummaaday qaar ka mid ah jiilka cusub ee beelaha Hawiye kuwaas oo ka hor yimid in xiriirka loo jaro dalka Gini, iyagoona taageero u muujinaya SNMta gooni goosatada ah.

Hadaba, maxaa kallifay in jiilka cusub ee beelaha Hawiye ay u muujiyaan taageero beesha Isaaq oo aysan isku qabiil aheen, xuduudna aysan ka dhaxeen. Waxaa iska cad oo aan mugdi ku jirin in naceeybka Daaroodka uu yahay midka labada dhinac ay ku wada socdaan.

Marna arki meeysid jiilka cusub ee beelaha Hawiye oo cambaareenaya sheegashada beesha Isaaq ee gobolada Sool iyo Sanaag iyo kalla gooynta dalka Soomaaliya. Waxaa dhab ah in Soomaaliya aysan welli ka dhammaan cadaawadda qabiilka, sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in dadka naceeybka loo qabo ay feejignaadaan waayoo ah Isaaq iyo Hawiye waxeey ku tashteen ineeysan caafimaadin welligood illaa iyo inta ay cagta madax ka saarayaan beesha Daarood taas oo ah arrin aad u xun.

Hadaba, hoosta waxaad ku arki kartaan jiilka cusub ee USCda oo qoraalo soo dhigay Facebooga iyo Twiterka si ay u difaacaan SNMta.

Yusuf Garaad

Dowladdu ma ahan in ay is dhigto meel dadweyne reer Somaliland ah loogu ekeysiin karo in ay lid ku tahay horumarkooda. #Somalia.

Abdi Aynte

Ma xirii diblomaasi ayaa ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Guinea? Haddiiba xiriir loo jaraayo booqashada Madaxweynaha #Somaliland, hore ayuu @musebihi booqashooyin rasmi ah ugu tagay Imaaraadka & Itoobiya. Maxaa Guinea kaliogeed kazoo uray? Mise waa “miskiin ayaa misko la fuulo leh”?

Abdulaziz Xildhiban

#Somaliland intee ayay sugi doontaa xassiloonidarrada ka jirta, 30 sano maku filan tahay K/Soomaaliya. Gobannimo madhaleys noqatay, mala gaaray waqtigii adduunka dhageysan lahaa dadka Somaliland, mise midnimada, madaxbannaanidii ayaa noqatay I jiid aan ku jiidee.?

Mahamed H. Ingiriis

The world gave recognition to failed state Somalia and refused to do so to functional Somaliland. Yet, one cannot run away from the fact that Muuse Biixi is the only democratically-elected president on the whole Horn of Africa region. Why not recognise him as the President of Somalia?

Abdirizak Mohamed MP

This is an amateurish! Cutting diplomatic ties with a country we don’t even have diplomatic relations. This is a foreign policy that is in disarray par excellence, but my concern is the potential pitfalls this will have on Somalia and Somaliland future talks.

Abdirahman Abdishakur

Go’aanka Xukuumadda Federaalka ahi xiriirka ugu goysay Dalka Gini oo aan weligii Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed la yeelan waxaa ka muuqda fudayd iyo qaangaar la’aan diblomaasiyadeed. Dawlado ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya & Jabuuti ayaa habmaamuus iyo soo dhoweyn maqaam sare leh horey ugu qaabilay madaxda Somaliland, xukuumadduna kama falcelin, xiriirna uma jarin. Haddaba go’aanka ay Xukuumadda Federaalka qaadatay waxaa ka muuqata;

1- Marba meel dhac aan lahayn mowqif mid ah oo sugan, maadaama falalkii diblomaasiyadeed ee kuwan la midka ahaa oo horey u dhacay laga aamusay, kana halkii ugu danbeysay looga falceliyey.

2-Go’aanku wuxuu sawir ka bixinayaa fududeyka iyo qaangaar la’aanta diblomaasiyadeed ee hoggaanka sare ee dowladda, sababtoo ah falceliska diblomaasiga ahi wuxuu leeyahay habraac marxaladaysan iyo curfi diblomaasi ah oo la maro. Xiriir jariddu waa tilaabta ugu danbeysa ee ma ahan tan laga bilaabo.

3- Go’aanku wuxuu kala durjinayaa isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna fursad siinayaa inta ku hawlan kala fogeynta labada dhinac iyo in waddada wadahadalka xiranto.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*