21st May 2024  admin  Category :

Maanta shacabka maamulka Hargeeysa waxa ay ku faraxsan yihiin Muuse Biixi oo calanka maamul goboleedka Hargeeysa dhinaca laga dhigay, isaga oo booqanaya dalka Itoobiya.

Mar haddii uusan jirin aqoonsi caalami ah, calan yar oo meel la suraa ma noqon doono mid wax ka beddelli doona xaqiiqada dhabta ah.

Itoobiya dantii ay ka laheed siyaasiyiinta SNMta weey ka gaartay oo aheed in dalka Soomaaliya ay ku burburiyaan, hadafkooda ugu weeyna taas ayuu ahaa.

Maantana faa’iidada ugu badan waxaa ku qaba dalka Itoobiya oo u soo dhoofiya maamulka Hargeeysa qaadka, sibirka ama shamiitada, khudaarta kalla duggan, iyo xoolaha. Meesha maamulka Hargeeysa aysan waxba u dhoofin dalka Itoobiya.

Itoobiya waa ay taqaanaa sida ay danaheeda ku gaareeyso, meesha siyaasiyiinta maamulka Hargeeysana ay ku faraxsan yihiin oo kalliya ineey Addis Ababa booqdeen.

Gobol kasta oo ka mid ah dawladaha federaalka ku dhaqmaa waxeey leeyihiin calankooda u gaarka ah, maantana maamul goboleedyada dalka Soomaaliya oo dhan waxeey leeyihiin calankooda iyagana gaarka u ah. Muuqaalka hoose waxaad ku arki kartaa calamada gobolada Mareeykanka ay leeyihiin oo idil.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*