11th December 2024 admin Category :
Maalintii RW Farmaajo uu Reer Maakhir ka qadiyey golaha Wasiirada uu soo magacaabay, oo in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada reer Maakhir ay ka caroodeen aqoon yarida ka haysatay RW Farmaajo beeelaha dega waqooyiga Soomaaliya.Talada Hoos ku qoran ayaan maalintaa REER MAAKHIR siiyey . Maanta madaxweyne Farmaajo, isaga oo ku hadlaya Madaxweyne Soomaaliyeed iyo Oday Daarood, oo uuna weli cagta dhigin degaano ay degano ay degaan beelaha Hartiga Waqooyi ee Dhulbahante iyo Warsangeli ayuu doonayaa inuu sadbursi siyaasadeed iyo mid dhaqaale uu kula saaxiibo beesha Isaaq.
Khatar ka weyn ma jirto Isaaq oo ku hadlaya inay metelaan Waqoyiga Soomaaliya iyo dawlad la aqoon san yahay oo heshiis xaaraan ah wada saxiixda.
Tusaale haddaan u soo qaadano markii la xulayey Xildhibaanada aqalka Sare, Xildhibaan Dalxe ayaa xaaskiisa oo ka mid ah beelaha Dega gobolka Sanaag siiyey xildhibaankii aqalka sare ee gobolka Sanaag. Reer Maakhir ilaa hadda waxa ku dhacay ayeey la yaaban yihiin. Tan ku soo socota ayaa ka sii daran, haddii ayna ka hor tegin
HOOS KA AKHRISO
https://web.archive.org/web/20101119073743/https://allsanaag.com/Details.asp?id=6787