26th April 2024  admin  Category :

“Aabbahaa ma nool yahay, hooyadaa magaceed,” Imtixaankii Garoowe lagu geli jiray

Qabyaalad yarida iyo caddaladda ka jirta dawladda Puntlabd ee uu madaxweyne Gaas madaxweyne ka yahay,  maanta wax badan ayeey ka qabatay musuqmaasiqii iyo caddalad daradii ay soo samayn jireen dawladihii ka horeeyey oo murashaxiinta mucaaradka ee  hadda tartamayaa ay leeyihiin ” Puntland waxaan ku celinaynaa siday ahaan jirtay”

Mucaarad Cali Xaaji dagaalkii Saliid iyo kuwa la mid ah ayuu Puntland ku celilnayaa

Mucaarad Deni, dagaalkii Majayahan uu u qaybta ka ahaa ayuu Puntland ku celinayaa

Mucaarad Juxa,  caddalad daraddii uu isaga iyo Faroole ay deeqda waxbarasho ee dibadda ku siin jireen ardada ka soo jeeda Beeshooda oo qura ayaa lagu laaban doonaa

Mucaaradka ina Diyaano, isaguna shaqadii uu aabihii bilaabay ayuu doonayaa inuu dhamaystiro iyo in  dhiiga dad aan  waxba galabsan inta la dilo caalamku loogu dawersi tago argagixisaan dilnay

Labo bilood gudahood deeq waxbarasho oo dibadeed oo Yurub iyo Afrika ah  waxa helay, Labo arday oo dedaalay, aaminay dawladda madaxweyne Gaas,  kana soo jeeday qoys  dan yar ah oo aabayashood siyaasad iyo ganacsi ku jirin oo ay labaduba ka soo jeedaan degmada Buraan ee Gobolaka Sanaag. Halka dawlidihii hore uu gobolka Sabnaag ka heli jiray hal arday.

1- Nugaal, Gobolka Madaxwayne Faroole ka soo jeedo  65- Arday buu Helay deeqihii waxbarasho

2- G.Mudug 42 buu ka helay deeqihii waxbarasho

3- Gobolka Bari oo ah Gobol aad u baaxad wayn Marka loo eego Nugaal iyo Gobolada Kale

Waxa la Siiyay 4-Arday, ahna gobolka ugu dadka badan puntland

4- Gobolka Sanaag Wax la siiyay 1-Arday

5- Gobolka Haylaan waxaa la siiyey  0-arday

6- Gobolka Kar-kaar Waxa la Siiyay 3-Arday

7 -Gobolka Sool waxaa la siiyey 3-arday

8-Gobolka cayn waxaa la siiyey 0-arday

65+42+4+1+0+3+3+0=118

Tue Sep 27, 2011

ALLSANAAG.COM“Aabbahaa ma nool yahay, hooyadaa magaceed,” Imtixaankii Garoowe

Toddobaadkan imtixaankii maalintii Sabtida ay u fariisteen illaa arady gaaraysa 4000 tiradoodu oo ka kala yimi meela badan, ayaa halkaasi ardaydii weydey deeqda waxbarasho ay noo sheegeen in imtixaan wax la yiraahdo aan meesha la keenin.

Mid ka mid ah ardayda oo aan magaciisa ku soo koobayno Cali, sababo dhanka ammaanka khuseeya awgood ayaa yiri, “imtixaanku wuxu ahaa mid waraysi ah, waxana waraaqda ku qornaa sid: aabbahaa ma nool yahay? Hooyadaa magaceed? Immisa walaalo ah ayaa ku la dhalatay? ” Aradaygaa ayaa sidaas yiri.

Cali wuxu noo xaqiijiyey in meesha uu iska maammulanayey wasiirka waxbaadhashada Puntland Cabdi Farax Juxe, isagoo markii dambe wasiirku sida aan xogta ku hayno la soo baxay liis arday ka kooban 90% qabiilkiisa Majeerteen , iyo dhawr arday oo kale oo lagu qurxiyey.

Dulmiga ardayda ka soo jeedda Sanaag, Bari iyo Sool laga galay ayaa noqday mid aan geed loogu soo gabban. Waxa jira cabashooyin ku qulqulaya dalka Turkiga oo deeqdaas waxbarasho bixiyey. Sababta keentay cabashooyinkaa, ayaa salka ku hayso taniyo intii Puntland la aasaasay 1998-dii, mudadaas oo deeqaha waxbarashada lagu soo helo magaca Puntland hal reer manaafacaadsanayeen.

Dad badan ayaa isweydiinaya, immisaa ummaddani u adkaysan doontaa isdulmidda, dhaca, dhiigga iyo musuqmaasuqa? Dabcan jawaabtu waa sahlan tahay oo horay Soomaalidu u tiri dheriga karka kulaylkaa ka keena, caddaalad darro waxay dhasho Soomaaliya inteeda kale ayaynu ka aragnaa. Maammulka Faroole maaha mid u darban inuu wax ka qabto tiirarka horumarineed ee bulshada sida tacliinta, ammaanka, caafimaadka, dhaqaalaha, iwm. Wakhtiga xaadirka ah, waxa kuu muuqanaysa in Puntland ku socoto dhabbihii koonfurta Soomaaliya ku indha beeshay. Aannu ku dulminee na dul joog ayaa iimaan laawayaasha daliil u ah, waana midday hadda ku caana maalayaan, waxse iman rabbaa og.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*