26th July 2024  admin  Category :

Maxay ka dhigan tahay booqashada Xasan Sheekh ee Eritrea?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar ku tagay dalka Eritrea, sida war qoraal oo kooban ay soo saartay Villa Somalia lagu sheegey.

Villa Somalia ayaa tilmaamtay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulamo la qaadan doono madaxweynaha dalkaasi Isaias Afawerki.

Haddaba socdaalkan, madaxwyenaha ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda Soomaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatyay heshiiskii is-afgaradka ay kala saxiideen Somaliland iyo Itoobiya, taas oo dowladda Soomaalia ay waxba kama jiraan ka soo qaadday.

Haddaba, maxaa lagu micneyn karaa safarka madaxweynaha ee dalkaasi Eritrea, su’aalahaasi iyo kuwa kale ayuu Jamaal Axmed Cismaan weydiiyay Ahmed Abdullahi Mohamed Ahmed Kaboole, oo ka faallooda arrimaha ammaanka iyo siyaasadda kana baxay mac-hadka difaaca Sweden.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*